Sign in to follow this  
Gallad

Max’med C/laahi Gaandi “Madaxweyne Shariif wuxuu ku fashilmay in uu Dalka nabadeeyo”.

Recommended Posts

Gallad   

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda KMG ah Maxamed Cabdi Gaani ayaa faah faahiyay Khilaaf xoogan oo kala dhexeeya Madaxweynaha dowladda KMG ah shariif Sheekh Axmed.

 

Isagoo la hadlayay Idaacadda BBC-da ayuu sheegay in dowladda KMG ah aysan waxba ka qaban dalka Soomaaliya islamarkaana ay gashay Dembiyo ka dhan ah shacabka Soomaaliya gaar ahaan shacabka Muqdisho.

 

Wuxuu sheegay in Dowladu aysan wax qaban islamarkaana aan laga sugayn waxqabad ay dib ugusoo celinayso gobalada dalka oo ay maamulaam xoogaga Hubaysan iyo kuwa kale ee madax banaanida sheegtay.

 

Gaandi oo in mudda ah la shaqeynayay Madaxweyne shariif ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweynuhu uu fashilmay islamarkaana aan looga fadhin in uu wax ka qabto dalka.

 

” madaxweyaha Mabda’ baan ku kala tagnay wuxuu rabaa in aan wax laqaban anna waxaan rabaa in wax laqabto, madaxweyne shariif wax rejja ah kama lahan in uu xoreeyo gobalada dalka waxaana lagu xisaabi doonaan dembigii shacabka Muqdisho laga galay”ayuu yiri Gaandi

 

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ayaa faah faahiyay halka ay ku dambeeyeen Kumanaan Ciidan ah oo ay dowladda Kenya u tababartay dowladda KMG ah wuxuuna sheegay in ciidankaasi ay xoray doonaan sedaxda gobal ee kala ah Gedo,Juubada dhexe iyo Jubbada hoose.

 

“ciidankaasi waa jiraa waana ciidan u diyaarsan Barnaamij qaran oo laba dowladeed ka howlgala sidii ay Nabad usoo dabaalaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gaandi.

 

Ugu dambayntii wuxuu soo dhaweeyay maamul gobaleedyada ka jira dalka iyo kuwa kale oo dhismahooda laga abaabulayo gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisa, madaxweyne shariif iyo saaxibadiisii siyaasadda ayaa dhabarka isku jeediyay kadib markii ay xukuumadu ku fashilantay in ay dalka qabsato.

 

Daahir Guuleed

Muqdisho, Somalia

Allgedo Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gaandi's disagreement with Sharif was based on whether the Kenyan-trained troops should have enter from Somalia through Dhoobley moving to Kismaayo or whether they should be transported to Mogadishu to support the government offensive. His heaving campaign against Sharif is what led to his sacking. However, both have been bested by Hiiraale who convinced the international community to unite the troops with his in Dollow in order to lead a sweeping regional offensive.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gabbal:

in order to lead a sweeping regional offensive.

The country needs one group to "sweep" all others and unite our ailing society under one positive banner. One problem we have in Somalia is that numerous rebel groups exist more or less on equal footing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Mayee quwwad Rabbaani ah ayaa loo baahanyahay oo halmar wada tirtirto qolo kastoo rabsho wado, markaas ay isku soo haraan xalaal dhaqato iyo xamaalato iyagaana wadanka maamulan kadib!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yeah and a force of Rabani to give Hiiraale supporters a brain. Shame after two years they are still dreaming of reclaiming the roadblocks in Kismayu...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this