Sign in to follow this  
Sharmakee

dekeeda xamar to open soon

Recommended Posts

SARAAKIIL KA SOCOTAY UN-KA OO MUQDISHO KULA KULMAY MAS'UULIYIINTA MAXAKAMADAHA ISLAAMKA (Maxaa ka jira in Saraakiishaas qadar daqiiqado ah lagu xayiray gudaha Dekedda Muqdisho)

 

Talaado, July 04, 2006(HOL): Labo sarkaal oo ka socday Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay'adaheeda ammaanka ayaa shalay waxay socdaal indho indheyn ku tageen magaalada Muqdisho, iyagoo kulamana la qaatay Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadaha.

 

“Saraakiishan ka socotay UN-ka waxay u yimaadeen Muqdisho in ay hubiyaan amaanka magaalada Muqdisho ka hor inta aysan dib uga howl bilaabin shaqaale UN-ka u shaqeeya oo haatan dalka ka maqanâ€ayuu yiri C/raxiin Ciise oo ka mid ah saraakiisha ugu dhow dhow Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka.

 

Sarkaalka UN-ka u qaabilsan arrimaha Ammaanka Soomaaliya Mr. Joe Gordon ayaa la kulmay Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna isla soo qaadeen arrimaha ammaanka Muqdisho iyo sidii sare loogu soo qaadi lahaa, halka intii uusan dib ugu laaban Nairobi-na lagu soo wareejiyay qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo goobaha ay ku yaaliin ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka.

 

“waxaan qiimeyneynaa xaaladda Muqdisho, haddii aysan wax dagaal ah jirin waxaa la sii amba qaadi doonaa duulimaadyadii ay diyaaradaha UN-ka u kireysan ku imaan jireen caasimaddaâ€ayuu yiri Joe Gordon.

 

Dhanka kalena, Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse uu qoray Wargeyska Towfiiq ee Muqdisho ka soo baxa ayaa sheegaya in wafdigii ka socday UN-ka ee shalay booqashada ku yimid magaalada Muqdisho markii ay booqanayeen Dekedda Muqdisho ay qadar daqiiqado ah la kulmeen iska hortaag uga yimid Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo isagu u taliya ciidamada ku sugan gudaha dekedda.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in wafdiga oo booqashadooda ku gudaha jira uu Dekedda uga daba tegay Xildhibaan Furux, kadibna uu u sheegay xubnihii la socday wafdiga oo ay ka mid ahaayeen Yuusuf Indhacadde iyo Maxamuud Cumar Cadaan in ay wargelin la'aan galeen dekedda.

 

Arrinta oo faraha ka bixi gaartay ayaa markii dambe waxaa lagu guuleystay in wafdiga laga sii daayo Dekedda oo markii hore dusha looga xiray, waxaana arrintaas ka garaabay Maxamuud Cumar Cadaan oo u sheegay Furux in laga ba'naa oo la dhinac maray iyadoo aan wax wada tashi ah lala sameynin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this