Sign in to follow this  
General Duke

Carmo: 600 more police cadets graduate, PICS

Recommended Posts

2713.jpg

Gen.Cabdi Qaybdiid oo Tababar u soo xiray 600 askari (Daawo Sawirada)

 

Munaasabad balaaran oo tababar loogu soo xirayey 600 oo askari oo dhameysatey tababar dhanka Booliiska ah ayaa maanta lagu qabtey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo munaasabadaasi ay ka soo qayb agleeen masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Maamul Goboleedka Puntland iyo wakiilo ka socdey hay'adaha Qaramada Midoobey gaar ahaan UNDP iyo wadamada deeqaha bixiya.

 

Munaasabadan ayaa waxaa loo soo agaasimay si weyn, iyadoo maanta halkaasi ay tageen wafdi ka socda DFKMG ah iyo Qaramada Midoobey si ay goob joog uga ahaadaan xiritaanka tababarka ciidamadaasi Booliiska

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Bolis Oo tababar loogu soo xiray Carmo

 

Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 26-Sebtember-2007

 

Wafdi ka Socda Dowlada KMGS ayaa maanata soo Gaaray Magaalada Bosaso Wafdigan ka Socd KMGS ayaa waxa ay isugu jiraan wasiiro Ku Xigeeno oo uu Ka Mid yahay Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Maxamud Sayid Aadan Xildhibaano Iyo Taliyaayasha Ciidamada Dowlada Somaliya Iyo Sidoo kale Ha'yada UNDP.

 

Wafdigan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Ee Bosaso ku soo dhaweeyay Qaar ka mid ah Golaha Wasiiraad Punt land oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga ah Cabdi Salaad Iyo Sidoo kale Maamulka Gobolka Bari.

 

iyada oo wafdigani markii ay soo gaaren Bosaso ay isla markiiba ay u gudbeen Degmada Carmo oo 100 Km Dhinaca koonfur Bosaso kaga Beegan iyada oo ay halkaasi ay uga qayb galayaan Xiritaanka Tababar Muddo 6 Bilood tababar uga socday Degmada Carmo.

 

waxaana ay markii ay halkaasi ay gaareen ka qaybgaleen Munaasbadaasi iyaga oo ku bilaabay salaan sharaf ay ka qaateen Ciidamada Tababarka Loo Xirayo Waxaa ugu Horayn halkaa hadal ka soo jeediyay Macalimiintii Tobobarka waday mudaas Lixda bilood waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay taliyaha Ciidamada Booliska waxa uu tilmaamay in ay booliskani ay ka qayb qaadan doonaan Sugida Amaanka ee dalka iyo Sidii Loo Dhaqan Celin Lahaa Maleeshiyaadka Ku Sugan Dalka.

 

Dhinaca Punt land ayaa waxa halkasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bari,Duqa Carmo Iyo Wasiirka Qorshaynta Xiriirka Caalamiga ah oo Dhamaantood ka sheekeeyay Faa'iidada uu Tababrkani u leeyahay Ciidamada Iyo Sugida Amaanka Dalka waxaana ay ku booriyeen Ciidamadii Tababarka Loo Soo Xiray in ay Noqdaan Kuwo Wax Qabta Dalkooda Dadkooda Iyo Diintooda waxaana ay sidoo ay u sheegeen in ay punt land ay wax kasta la garab taagan tahay.

 

Tababarkaasiw axaa Soo Xiray Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Maxamuud Sayid Aadan oo Wafdigan Hogaaminayay khudbad Caaqibo leh ka dib oo ku tilmaamay waxyaalaha looga baahan yahay Booliska Isaga oo sidoo kale tibaaxay in dowlada Ku meelgaarka ah Somaliya ay Diyaarisay wax qabadyadii Iyo Mushahaaraadkii Ciidankan isaga oo sidoo kale Ku aamanay Qaabka Wanaagsan ee ay uga Faa'iideysteen Tababarkani waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay Ha'ada UNDP oo Maalgalinaysay Tababarkani waxaana ku tilmaamay mid had iyo Jeer Garab Taagan Ciidamada Booliska Soomaliyeed.

 

 

Filo Goor Dhow Khudbadihii Goobtaasi Laga Jeediyay

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Superb accomplishment by the TFG.

Thanks Duke for the pics.

 

I am really inspired by the progress and firm determination of the TFG in the face of such internal adversity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fellas, this is progress for nationalists and a Big Blow to those fascist in Asmara, and their incapables in the diaspora (barking foolishly "we will liberate Somalia from their living room...lol" however the scale of graduates should have been more like 4,000 instead of 600. very shortly, the insurgency will be crashed, it all comes down to time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Yaab ka Yaabkiis, please appreciate the effort in the midst of such faceless adversity and opposition. We can't live in anarchy forever.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dugsiga Carmo Oo Tababar Loogu Soo Xeray 600- Oo Boolis Ah

Posted to the MOL September 28, 2007, 7:51 am

 

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) ayaa deegaanka Carmo tababar ugu soo xeray tiro boolis ah oo halkaa tababar uga socday .

 

Mr Qeybdiid ayaa tababarka u soo xeray ilaa 600 oo boolis kuwaasi oo dhameeystay tababar dhanka booliska , iyadoo tababarkaasi uu mudooyinkaani uga socday dugsiga tababarka boolisma ee Carmo.

 

Waxaana munaasabada tababarkaasi lagu xerayay ka qeyb galay mas`uuliyiin ka socotay dowlada KMG ah ,Maamulka Puntland iyo saraakiil ka socotay hay`adda UNDP

 

Xafladdan munaasabada aheyd ayaa waxaa loo soo agaasimay si weyn, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyay wakiilo ka socday DFKMG ah iyo Qaramada Midoobey kuwaasoo xiritaanka tababarka ciidamadaasi Booliiska ku tilmaamay mid guul ah.

 

Qeybdiid ayaa halkaasi ardayda dhameeystay tababarka boolisnimo guduunsiiyay shahaadooyin muujinaya wax ay qaateen .

 

Ma ah markii ugu horeeysay oo deegaanka Carmo ee Puntland lagu soo xero tababar dhanka booliska ah , waxaana horay halkaa tababar ugu soo qaatay boqolaal boolis ah .

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this