Sign in to follow this  
General Duke

Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan

Recommended Posts

MUQDISHO: Dagaallo mar kale maanta ka qarxay Muqdisho iyo diyaadaha dagaalka oo ku jira dagaalka

 

Posted to the Web Mar 30, 11:12

 

 

Muqdisho (PP) – Dagaallo qaraar ayaa maanta mar kale ka billowday Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Agaggaarka Stadium Muqdisho, halkaasoo ay ku dagaalamayaan ciidammo kuwa Dowlada ah oo ay gacan siinayaan ciidammo Ethiopian ah, waxaana dagaalka saakay uu ka xoog badan yahay dagaalladii shalay dhacay.

 

Dagaalka oo haatan xooggiisa uu ka socda agagaarka Stadium Muqdisho iyo dhammaan waddooyinka soo gala oo la sheegay inay goosteen kooxo ka soo horjeeda Dowaldda, waxaana dagaalka saakay uu ahaa mid ka xoog badan kii hore, iyadoo ciidammada Ethiopian-ka la sheegay inay furteen dhowr jid oo ka go’naa.

 

Agagaarka Isbartiibada ayaa waxaa si xowli ah ugu dhacaya madaafiic laga rido qoryaha PM-ka loo yaqaan, waxaana madaafiicdaan oo ka soo dhacaya intooda badan agagaarka taliskii hore ee Asluubta Soomaaliyeed ay waxyeello ka geysteen agagaaraha Isbartiibada weyn ee Muqdsiho.

 

Wararka ay Shabakadda Wararka ee Puntlandpost ay ka helayso goobaha ay madaafiicda ku dhacayso ayaa waxay sheegayaan in dagaalka socda uu yahay mid xoog badan, isla markaana ay sababeen madafiicda dhimasho iyo dhaawac dad fara badan.

 

Mid ka mid ah dhallinyarada deegaanka Towfiiq oo aan qadka taleefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu yahay mid ka xoog badan kii shalay, isagoo sheegay in dagaalka maanta khasaaraha uu daliyay ay aa u fara badan yihiin, waxaana uu sheegay in dadkii ku dhintay dagaalkaan ay yaallaan waddooyinka degmada Towfiiq.

 

Wuxuu sheegay in aan dadkaas la qaadi Karin, waxaana uu carrabka ku dhuftay in dadkaas maydkooda aan la qaadin, lana qaadi karin maydadkaas sababaha dagaalka awgood.

 

Dagaalkan maanta socda ayaa waxaa ka qayb-qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee dalka Itoobiya kuwaas oo fariisin ay u tahay Garoonka magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamada Nabad ilaalineed ee dalka Ugandha.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dagaallo ka socda meelo kooban oo Muqdisho ka mid ah.

 

30. Mar 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wararka aannu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal midkii shalay aad uga yar uu ka soconayo agagaarka Isbartiimada wayn ee Muqdisho , halkaasi oo haraagii maxkamadaha iyo ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya ay dagaallo ku dhex marayaan.

 

Saxafi kusugan goobaha dagaalku ka dhacayo ayaa sheegaya in dagaalkan uu ku kooban yahay aagga Stadium Muqdisho ,wuxuu sidoo kale noo sheegay wariyahan in la maqlayo dhawaqa madaafiicda.

 

Deegaanka Xararyaale ayaa sidoo kale maanta laga maqlay dhawaqa rasaas iska soo horjeedda oo loo malaynayo inay dhex martay haraagii maxkamadaha iyo ciidamada dawladda.

 

Xaafado maalintii shalay dagaallo kharaar ay ka dheceen ayaa maanta deggen ,waxaana xaafadahaasi kamid ah laga bilaabo wasaaraddii gaashaan dhigga illaa iyo towfiiq iyo sidoo kale Huriwaa iyo isogyska Cali Kamiin.

 

Waxaa jirta madaafiic habow ah oo la sheegayo inay ku dheceen xaafado ay daggan yihiin dad rayid ah , hase ahaatee lama sheegin khasaaraha ay gaysteen.

 

Cusbitaallada magaalada Muqdisho waxaa iminka la jiifiyay dhaawac aad u badan oo ah shacab dhibaato kasoo gaartay dagaalkii shalay.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamo fara badan oo caawa la soo dhigay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

30. Mar 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)-Waxaa caawa magaalada Muqdisho laga dareemayay dhaqdhaqaaqyada ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ay ka sameynayaan isgoysyada magaalada Muqdisho iyadoo gaadiidka tinikada la dhigay goobo hor leh.

 

Isgoyska Xararyaale oo maanta dagaal xoogan uu ka dhacay ayaa ka mid ah meelaha ciidamada la soo dhigay sidoo kale Isgoyska Siinaay ayaa lagu arkayey ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kuwaasi oo kontoroolaya dadka iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa caawa meelaha lagu soo daadiyay ciidamada ka mid ah isgoyska Sanca oo gaadiidka tiknikada iyo ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen.

 

Tallaabadan ayaa ah mid lagu xoojinayo amaanka isla markaana looga hortagayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda in ay colaad ka abuuraan deegaanada nabdoon ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamo fara badan ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho si ay ugu qeyb qaataan howlgalada lagu nabadeynayo caasimada Muqdisho.

 

Caawa magaalada Muqdisho waa ay degan tahay mana jiraan dagaal xiligan socda walow laga cabsi qabo in beri uu dib u bilowdo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka Madaxweynaha “Hawlgalka waxaa lagu soo celinayaa amniga"

 

 

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed) oo u warramay Idaacadda SBC ayaa sheegay in aysan war iyo wacaal toona u haynin diyaarada la sheegay inay ku soo dhacday magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in xaalada Muqdisho ay degan tahay hase yeeshee ay jiraan dagaalo ka socda xaafadaha qaarkood oo dhexmaraya ciidamad dowladda iyo kooxo ka soo horjeeda.

 

Balse afhayeenku wuxuu sheegay in mar haddii uu dagaal dhaco goobaha dagaalka ay ka dhici karaan la dilo askar iyo shacab, in la gubo Taakiniyo iyo diyaarado taasina ma ahan buu yiri wax ugub ah.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo loo geystay ciidamada dowladda ee hawlgalka wada.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen diyaarad helicopter ah oo qiiq uu ka baxayo taasoo u jiheysatay dhinaca gegida dayuuradaha ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

C/qaadir Nuunow

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal maalintii labaad ka socda caasumada Somaliya, iyo dad dhintay oo mayd ah oo mar kale lagu jiiday dariiqyada Muqdishu

Posted to the MOL March 30, 2007, 6:57 am

 

 

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in maalintii labaad ay dagaalo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ka soconayaan halkaas, iyadoo dagaalkaas iminka ka soconayaan xaafadaha Towfiiq iyo Ceymiska.

 

Dagaalkaan oo saakay subaxnimadii hore ka bilaamay aagga Stadiyo Muqdisho oo ay gabaad ka dhigteen kooxahaha haraadigii maxkamadaha ayaa waxaad moodaa in dagaalku hadda gabagobo yahay iyadoo ay xoogii haraadigii maxaakiimtu iminka aad u wiiqmay.

 

Waxaa mar kale internetka website-ka Shabele la soo galiyay sawiro la sheegay inay yihiin askar Itoobiyaan oo dhintay oo maydkoodii ay haraadigii maxkamaduhu ku jiidayaan dariiqyada Muqdishu. Ficilkaas oo aduunka dhan markii la arkay laga cambaareeyay ayaa ah anshax xumo aan diinteena islaamka meelna ka soo galin.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa waxyeelo culus ka soo gaartay dadka rayidka iyadoo rasaasta ay labada dhinac isdhaafsanayaan haleeleen dad badan oo riyad ah. Wararka ugu dambeeyayay ayaa sheegaya in boqolaal dad rayid ah oo dhaawac ah la dhigay cisbitaalada Muqdishu.

 

Ra’iisal wasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay inay dawlada ka go’an tahay inay sida ugu dhaqsaha badan u maarayso haraadiga maxkamadaha ee dagaalka hubaysan dawlada kala hor yimid. Wuxuu sheegay Ra’iisal wasaaruhu inaysan beel ****** wax ka maqnayn, hadalada ah inay beel ****** dagaalamaysana ay kooxaha xag jirku ku raadinayaan inay awood dheeri ah kaga helaan beesha ****** oo uu sheegay inay haysato jagada ugu sareysa ee dawlada oo isagu ku fadhiyo, beeshana Hawiyana ay aad u taageersan tahay dawladiisa.

 

 

Dhinaca kale, dawlada maraykanka ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in wali ururka alqaacida uu ka dagaalamayo magaalada Muqdishu. Waxay kaloo sheegeen inay marna u ogolaan doonin ururkaasi inuu dalaal uu ku shaqeeyo ka helo geeska afrika oo muhiimad weyn u leh dawlada maraykanka.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

^^^^Adeer horta allahu u naxristro daadka muslimeenta that are caught in this unessary violence, it is they who lose the most may Allah help them......mida kale why are they thinking shelling urban areas ninyahow....what does that solve? why do they need xamar.....this Zelwei cat sounds lot like Bush walaa, and his regime aint liked in Ethiopia neither, things look bad for this dude hes deluded....if they-TFG are interested in peace and building government why not pull out to friendly city and isolate the unrulely city of xamar? taas wa iga talow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bakhaarro kale oo qarandiidka hub ugu jiray oo ciidanka xoogga dalku furteen.

 

Ilaa iyo sadex bakhaar oo kooxaha mucaaradka ee qarandiidka uu hub ugu keydsanaa ayaa waxaa u suuragashay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta Itoobiyaanku in ay soo furtaan,xalay iyo saaka waabarigii.

 

 

Ilaa iyo sadex bakhaar oo kooxaha mucaaradka ee qarandiidka uu hub ugu keydsanaa ayaa waxaa u suuragashay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta Itoobiyaanku in ay soo furtaan,xalay iyo saaka waabarigii.

 

Wararka ku dhow dhow ciidanka xoogga ayaa sheegaya in sadex bakhaar oo uu hub ku keydsanaa laga furtay kooxaha qaran diidka kuwaasoo ku kala yaalay Masajidka Sh Cali Suufi,Saraha jarmalka iyo Duleedka Jaamcada Muqdisho ee agagaarka qabuuraha barakaat.

 

Horay ayaa waxaa u jiray in bakhaarkii ugu weynaa ee hubku ugu jiray kooxaha qarandiidka laga furtay kaasoo ku yaalay agagaarka SHiirkole,kaddib howgallo ay ciidanka xooggu halkaa ka fuliyeen todobaadkii hore.

 

Tallaabda hubkan ay ciidanka xooggu kula wareegeen ayaa ah tii ugu dambeysay ee khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxaha qaran diidka ee muqdisho,oo hatan wixii ka dambeya sii noqonaya kuwo dhimasho u joog ah oo tabartii ka dhamaatay.

 

Sikastaba ha ahaatee dadweynaha Soomaaliyeed ee nabadda iyo daganaashaha jecel ayaa ku hambalyeynaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howsha baaxada lehoo ay wadaan ayna ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan nidaamkii iyo kala dambeyntii muqdisho ee lumay in ka badan 15 sanadood ka hor.

 

 

Maxamed Cusmaan Axmed

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdishoi.

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jeele::: Waa lama Huraan in awood loo adeegsado argagaxisada Caasimada xarunta ka dhigtay

Last Updated::2007-03-30 18:38:17

 

Muqdisho:- Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ee DFKMG Salaad Cali Jeele ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

W/kuxigeenka ayaa soo afjaray safar uu ku aaday dalka Ugandha oo uu casumaad ka helay.

 

Mr.Jeele ayaa saxaafada u sheegay markuu soo gaaray magaalada Muqdisho in safarkiisa uu salka ku hayey wadatashi uu lasoo yeelanayey dhigiisa dalka Ugandha markii uu casuumaad ka helay.

 

Salaad Cali Jeele ayaa sheegay inuu magaalada u yimid sidii uu hogaamin lahaa hawlaha militariga Dowlada Federaalka ay amniga ku sugayaan.

 

Salaad Cali Jeele ayaa ku nuux nuuxsaday in ay lama huraan tahay in magaalada Muqdisho lagula dagaalamo kooxo uu sheegay in ay saldhig ka dhigteen una adeegsadaan caasimada Soomaaliya xarun ay uga duulaan dalal kale.

 

Jeele ayaa sheegay in uu ogaa in dagaalada noocaan ah ay ka dhacayaan Muqdisho, asagoo hoosta ka xariiqay in aan la joojin doonin hawlgalada amniga lagu sugayo illaa magaalada laga saaro kooxo hubeysan oo dowlada kasoo horjeeda.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
JJ_MAHAD   

GD,

Ilaah ka cabso walaal,

 

Dont glorify the the shelling of your people by an Ethopian heavy artilleries.

 

This is wrong and you know it is indeed unjustifiable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khalaf,

 

Brother the TFG is a national government.

Mogadishu is the capital of Somalia, it will be secured insha Allah.

 

These people have been given 3 months, they were clown court fighting for the "faith".

 

Now they are fighting for the clan?

They are hiding behind smokescreens, they are killing anyone and everyone.

 

The price is too high & heavy, these clan gangs are losing...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Welcome back bro :D I thought you were unable to move a finger and bed ridden. Any last words on your Uncle A/Y's whereabouts? Odaga maa Gaalkacyo loo duuliyo Xamar waa u dhammaataye?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Saxib did you think the Duke was promoted to the vacant post of Somali Ambasador to South Africa?

 

As for the second part of the question, are you again deluding yourself? Are we re-inacting the scene of victory yet again?

 

Xoogsade, the end for your little group is nigh, I am sympathetic to to you, but Culusow. Abdiqasin, Gooley, Daylaf, Galaal, and their little puppets are finished..

 

I am sad all these people have to die to end their little daydream.. But the era of scrapmerchants, charcoal traders and clown courts are over...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

Wlc back Generaalka. Your balanced coverage on Somali polticis is desperately needed. We have ppl claiming to have overtaken Villa Somalia, to have hundreds of Ethiopian soldiers, to have reconquered Muqdisho. LOL. You have a track record for presenting reality against fiction. Keep the updates coming, bro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Your balanced coverage on Somali polticis is desperately needed

LOL,That sounds like Fox New's Fair & Balanced slogan.

 

Even you{Pie}, Dont beleive that statement. Duke has a balanced coverage?

 

Translation: I Have been bombarded[Pun intended] with Negative news, I desperatly Need something to cheer me up....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this