Sign in to follow this  
Kamaavi

Xaflad Qalin Jabin oo loo Sameeyay Ardada Ogadeeniya ee Dalka Sudan

Recommended Posts

Kamaavi   

vmr8mq.jpg

 

Habeenimadii Xalay ayaa waxaa Garoonka Jaamacada Caanka ah ee International African University(Jaamacada Caalimiga ah ee Afrika ee Sudan) ka qalin Jabiyay Arday Gaaraysa 23 oo Reer Ogadeeniya ah, Ardadan ayaa Kala Bartay Kuliyada Dhaqaalaha Siyaasada, Sharaciyada, Waxbarashada Iyo Maamulka Ganacsiga.

 

Ardadan ayaa Markii lagu soo Dhaweeyay Microphoonka waxaa Hal Mar Sacab qabsaday Dhamaan Madaxda Kulanka Fadhiday Halkaas oo oogu Horeeya Nin caan ah Arrimaha Ogadeeniya wax ka qora oo Lagu Magacaabo Xasan Maki Ahna Maamulka Sare ee Jaamacada Wax Ka Dhiga.

 

Waxaa Kaloo Madasha Fadhiyay Safiir Ku Xigeenka Dowlada Itoobiya, Safiirka Eritrea, Madax kala soco 90 Dowladood oo Aduunka ku Yaala oo ka soo qayb Galay Ardada Jaamacada ka Qalin Jabinaysay oo Dhan Guud ahaan 250.

 

Waxaa Farxad wayn u ahayd in Ardada Reer Ogadeeniya ay ka dhex Muuqdaan 250 Dowladood ee Habeenimadii Xalay Qalin Jabinaysay Walow Magac ay wateen uu ahaa Ethiopia Balse ay Kaga Faraxsanaayeen in Loogu Yeero Ogadeeniya.

 

 

Isku soo duu duubo Ardadaas Qalin Jabisay ayaa Filaya Inay Dalkooda Hooyo wax u qabtaan oo Cilmiga ku Shaqeeyaan Walow ay Jiraan walaac ka haysta Dhanka Amniga oo ay Baqaan Iyagoo wax danbi ah aan Galin in La iska Xiro Sida Caadada ah ee Dhacda Mar walba.

 

******today

Sudan Khartuum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this