Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Buubaa Talks about Somaliland

Recommended Posts

Proff Ismaaciil Mohamud Hurre buubaa oo ka mida golaha Baarlamaanka Federalka Somalia ayaa markii ugu horeysay rajo wanaagsan ka muujiyay in beesha Caalamka aqoonsi buuxa siiso Somaliland. Dhageyso

 

Xildhibaan Buubaa oo Wareysi gaara siiyay Waagacusub Media waxaa la waydiiyay aragtida uu ka qabo doorashooyinka ka dhacaya Somaliland iyo Puntland?

 

"Way wanaagsan yihiin ,goboladaas waa degan yihiin,Somaliland sida arrimaha u socdaan,waxaa jira runtii dowlada waaweyn oo hadii ay arrinka ku sii socoto u ololeeynaayo in Somaliland aqoonsi buuxa la siiyo,way tahay taas waxayna qabaan in hadii koofurta u sii socoto ,la siiyo aqoonsi buuxa" ayuu yiri Buubaa.

 

Ismaaciil buubaa wuxuu sheegay in aqoonsi ay hesho ku dheganeyn Dowladda Federalka Somalia.

 

"Somaliland inay aqoonsi hesho kuma dhegana Dowladda Federalka,waxaa waaye Mandaqada oo dhan,Caalamka ayey u taala,waana sida ay u dhaqanto Somaliland,hadii Somaliland dooneyso in la aqoonsado waa inay u dhaqanto sida dowlad aad u daneeynaysa deganaanshaha iyo nabad abuurista Mandaqada oo dhan,Somaliland waa inay ka shaqeeyso sidii koofur u degi lahayd,taas macno weyn bey siineysaa,aqoonsiga wuxuu ku jiraa taas,60-kii ayaa dib loogu laabanayaa,dhibaatada waxay ka jirtaa dhinaca koofurta ee Talyaniga gumeysan jiray,waxaa laga doonayaa in Somaliland dhigto gogol nabadeed,hadii ay aqoonsi dooneyso maxaa yeelay Somaliland way degan tahay,waa meel nabdoon,waana inay dunida ka iibiso inay Koofurta nabadeynteeda gacan ka geysaneyso" ayuu yiri Buubaa.

 

Proff Buubaa Hurre wuxuu qaraxyadii Hargeysa ka sifeeyay mid la doonayay in lagu wiiqo doorashooyinka Somaliland.

 

Sidee u aragtaa in koofurta lagu xalin karo ayaa la waydiiyay Buubaa?

" Waxaan qabaa in Koofur caqligeedu taliyo,waxaana ku talinayaa in Somaliland ka shaqeyso sidii koofurta loo nabadeyn lahaa,waa meel degan,dana way ugu jirtaa"ayuu yiri Ismaaciil Mohamud Hurre Buubaa.

 

Proff Ismaaciil Buubaa oo la tiriyo Diblomaasiyiinta waaweyn ee xilalka sare ka qabtay Dowladda Federalka Somalia wuxuu riyo ku sifeeyay in doorasho madaxbanaan ka qabsoomi kareyso Somaliland 2009.

 

" Xukumadda Nuur Cadde waxba ma qaban marka laga reebo dib u heshiisiinta DJabouti oo beesha Caalamka riixeyso,waxaana arrimaha socda u sababa is fiirsi iyo shaqada sideey ku wanaagsan tahay oo laga weecday"ayuu buubaa kaga gaabsaday khilaafka u dhaxeeya Madaxda Federalka Somalia.

 

Hadalka Buubaa uu kaga hadlay inay dhawdahay rajada aqoonsi la siiyo Somaliland ayaa ka dhigan midkii ugu cuslaa ee ka soo baxa Masuul heer Wasiir dibadeed ka soo qabtay Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaa jira runtii dowlada waaweyn oo hadii ay arrinka ku sii socoto u ololeeynaayo in Somaliland aqoonsi buuxa la siiyo,way tahay taas waxayna qabaan in hadii koofurta u sii socoto ,la siiyo aqoonsi buuxa"

:D:D ..... ma anaan garan inaanay wax kele ka hadlinayn odayga ,,, loooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Xaq:

he's preparing himself to become the president of Somaliland

Exactly ! Just like those before him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

He is just trying to find an excuse to go back ,,,,
:D

how will he be treated if he comes back? And what sort of questions does he need to answer?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Abwaan:

quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

He is just trying to find an excuse to go back ,,,,
:D

how will he be treated if he comes back? And what sort of questions does he need to answer?
Like where were you all this time ?

His response : dancing with the wolves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this