Sign in to follow this  
Member-sol-

Alshabaab takes the presidential palace, ADC

Recommended Posts

Xoogaga ka tirsan kuwa Muqaawamada oo la wareegay gacan ku heynta Xarunta ADC-da ee Baarlamaanka kmg iyo madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Posted: 1/26/2009 3:57:00 PM

Shabelle: BAYDHABO

Xoogaga ka tirsan Muqaawamada ka dagaalanta Soomaaliya ayaa galabta la wareegay gacan ku heynta Xarunta ADC-da ee Baarlamaanka kmg iyo madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

 

 

 

Kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda Hanaan siyaasadeedka dowladda waqtigeedu uu sii dhamaanyo iyo joogitaanka ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya ayaa galabta waxaa ay la wareegeen xarunta ADC-da ee ay ku shiri jireen Barlamanka KMG Soomaaliya iyo aqalka madaxtooyada ee magaaladaasi Baydhabo.

 

 

 

Wararka laga helayo gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay tilmaamayaan in marqura rasaas xoogan laga maqlay Xarunta madaxtooyada iyo howlka Shirarka ee Barlamanka halkaasi oo laga soo ceyriyay maleeshiyaadkii ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya ee sugayay ammaanka xarumhaasi.

 

 

 

Ciidamadii maleeshiyaadka ahaa ee maanta ku dagaalamay gudaha magaalada Baydhabo ayaan la ogeyn halka ay cirib iyo jaan dhigeen,waxaase wararka halkaasi ka imaanaya ay sheegayaan in guud ahaan aan galabta magaalada Baydhabo lagu arkeyn ciidamo labisan dareeska dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Ilaa iyo hadda ma jiraan masuuliyiin ka tirsan xoogaga muqaawamada ee qabsaday xarunta Shirarka Barlamanka KMG ee ADC-da iyo xarunta madaxtooyada oo la hadlay dadka ku dhow dhow agagaarka xarumahaasi balse waxii warar ah ee ku soo kordhaa waxaad kala socon doontaan Shabelle.net hadii uu illaah inoo Saamaxo.

 

 

 

Maanta ayay aheeyd markii guud ahaan magaaladaasi Baydhabo ay isaga guureen ciidamada Ethiopia ee mudada labada sano aheeyd ku sugnaa,waxaana ay arintaani amaanaysaa xili xoogaga muqaawamada ay tartan ugu jiraan la wareegida goobihii ay baneeyeen ciidamada Ethiopia kuwaasi oo sugaya ammaanka goobahasi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab oo la wareegay inta badan Magaalada Baydhabo

By Somalimirror on 26 Jan, 2009 5:44 PM in Main, Wararka

 

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakadda Somalimirror ee Gobolka Baay iyo Bakool Xoogaga Al-Shabaab ayaa 05:00 Galabnimo la wareegay inta badan Gacan ku haynta Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay ka dib markii ay ka baxeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

 

Wariyaha ayaa sheegay in Xoogaga Al-Shabaab oo wata Gaadiidka Dagaalka ay ka soo galeen Magaalada Dhinaca Koonfureed isla markaana ay la wareegeen gacan ku haynta Madaxtooyada, Xarunta Baarlamaanka, Bangiga iyo Xaafada Suuqa xoolaha.

 

Isla ilahaas ayaa sheegay in Xubno isugu jira Maamulkii Gobolka ee DKMG ah, Saraakiil iyo Xildhibaano ay Magaalada Baydhabo ka joogaan dhinaca bari, waxayna ilo wareedyo kale sheegeen in ay wacad ku mareen in ay Is-difaacayaan.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale sheegay in Xoogaga Al-Shabaab ay joojiyeen Bililiqo xoogan oo ka socotay Goobaha ay la wareegeen taas oo ay ku kacayeen Maleeshiyo hubaysan iyo waliba Dad kale.

 

Wariyaha Somalimirror ayaa sheegay in Afarta jiho ee Magaalada laga maqlayo Rasaas kala duwan oo ka dhacaysa taas oo aan si dhab ah loo sheegi Karin cidda ay u dhaxeyso.

 

4 qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Tacshiiradaha ka socda Baydhabo iyo waliba Qarax la sheegay in lala beegsaday Gaari ay wateen Ciidamada Booliiska DKMG ah oo uu ka bad-baaday.

 

Isbitaalka Dhexe ee Magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in la dhigay dhaawacyo ka badan 20 qof.

 

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa xiligani ah mid kacsan waxay sheegayaan Dad ka mid ah Deegaanka inay ka cabsi qabaan in uu Dagaal ku dhex maro Xoogaga Muqaawamada iyo inta ka hartay Maamulka DKMG ah Gudaha Magaalada.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this