Sign in to follow this  
Jacpher

“Riyaale uma aqoonsanayno Madaxweyne Maalinta la gaadho 15/May/2008”. Xisbiyadda

Recommended Posts

Jacpher   

“Riyaale uma aqoonsanayno Madaxweyne Maalinta la gaadho 15/May/2008”. Xisbiyadda

 

Hrgeysa(AT)Xisbi ee Mucaaridka ah, ee ka jira Maamulka S/land ayaa xalay si adag u qaadacay go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Riyaale oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna caddeeyeen in aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin inuu yahay Madaxweyne marka la gaadho 16ka bisha May 2008.

 

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay xalay soo saareen, kadib kulan ay kaga wadatashanayeen go’aanka Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Riyaale, waxa ay ku sheegeen saddexda xisbi iyo Komishanku ay shalay 09/04/2008 isku raaceen qorshe-hawleed ay ku cadyihin wakhtiga Komishanku ku hirgelin karo diiwaangelinta codbixiyayaasha, isla markaana doorashada ku qaban karo.

 

Golaha Guurtidu iyaga oo ka warhayey in wadahadalkaasi u socdo Komishanka iyo Axsaabta, la iskuna afgartay ay maanta soo saareen go’aan aan haba yaraatee wax tixgelin ah siinin heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku gaadheen.

 

Sidaa darteed, labada xisbi ee mucaaridka ahi, waxay deedafeeyeen go’aankaa Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ugu horrayn ku tilmaameen inuu yahay mid sharciga baalmarsan.

 

Warsaxaafadeedkan oo ay si wada jir ah ugu saxeexan yihiin labada Guddoomiye ee labada xisbi ee mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Iyagoo ku caddeeyeen warsaxaafadoodkooda si wadajirka ah mawqifka labada xisbi ka qaateen go’aankan golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Rayaale.

 

Waxayna warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay ummadda u caddaynayaan:

 

In “go’aan-ku-sheeggaasi” i aanu ku fadhiyin wax sharciyad ah, maadaama qodobka 83 (3) ee ay u cuskadeen go’aankaas aanu waafaqsanayn duruufta maanta jirta ee nabadgelyada ah, sidaas darteedna, qodobkaa isticmaalkiisu uu yahay mid lagu gefey

In aanay Odayaasha “go’aan-ku-sheeggaasi” gaadhey awood-sharci u lahayn inay doorasho muddeeyaan ee cidda qudha ee sharci ahaan u muddeyn kartaa doorasho ay tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

In sababta nabadgelyo darrada ah ee aan jirin ee ay ku saleeyeen “go’aan-ku-sheeggaasi” uu dalka iyo Maamulka Somaliland ku yahay meel-ka-dhac, khatarna ku yahay himiladooda.

 

1. In Odayaashaasi “go’aan-ku-sheegga” aanay u gaadhin danta ummadda, balse uga doorbideen dantooda gaarka ah.

 

2. In “go’aan-ku-sheeggaasi” laalay deeqihii iyo taakulaynihii bulshada caalamku gelinaysey geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

 

3. In “go’aan-ku-sheeggaasi” uu yahay mid iska horimanaya marka la eego inay aqbaleen taariikhda doorashada hore qabsoomayso oo ay ka qaateen heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku isla gaadheen, halka doorashada dambe ee ay u riixeen xiliga ay ku dhawaaqeen ay u cuskadeen nabadgelyo-darro aynaan ogeyn.”

 

1. Inay ixtiraamayaan heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku isla gaadheen, diyaarna u yihiin in la dhaqangeliyo.

2. Inay si adag uga soo horjeedaan “go’aan-ku-sheegga” lagu burburinayo heshiiskaas xisbiyada iyo Komishanku isla qaateen oo aanay marnaba aqoonsanayn.

 

3. In marka la gaadho 16/05/2008 aanay labada xisbi iyo shacbiga Somaliland u aqoonsanayn mudane Daahir Riyaale Kaahin Madaxweyne, maadaama muddadii loo doortay ku egtahay 15/05/2008. Waxa looga gudbayona labada xisbi wadahadal uga socdo.

Dhinaca kale, weftiga ka socda Komishanka Midowga Yurub ayaa shalay galab booqasho ku yimi dalka, waxayna isla xalay kulamo la yeesheen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Akadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta Somaliland.

 

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow kulamadaas, weftigu waxay hay’adahaas ka xogwaraysteen arrinta doorashooyinka Somaliland iyo khilaafaadka ka dhashay muddada la qabanayo doorashada, waxaana la sheegay in Komishanku u caddeeyey weftiga Midowga Yurub inay ku taagan yihiin heshiiskii Saddexda Xisbi iyo Komishanka, mudda-kordhinta Guurtida iyo wakhtiga ay u cayimeen doorashada Madaxtooyadana aanay tixgelinayn.

 

Wararku waxay intaas ku dareen in Midowga Yurub oo ku deeqay 75% lacagta ku baxaysa Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Somaliland ay caddeeyeen in aanay wax lacag ah bixineyn haddii aan lagu soconayn heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku gaadheen. Iyadoo ay xalay baaqatay Xaflad aad u balaadhan oo loogu ballansanaa in guddoomiyayaasha Saddexda xisbi si rasmi ah ugu saxeexaan heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku , kadib markii Golaha Guurtidu shalay muddo sannad ah u kordhiyey Rayaale muddada xilka. Taasoo aan laysla ogayn.

 

Ali Musa

Axadle Times international–Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

"The Kulmiye chairman vowed to discredit the unrecognized authority of the governor After May 17."

 

Riyale 's apprehension of the opposition group is turning to be very obvious to the public view.

 

The Elders' intervention derogates the tripartite agreement reached by the contestants. And It is instructive to note that Riyale has tampered with the Elders' hasty decisions to upset the process.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this