Sign in to follow this  
Jabhad

Can Xabasho orphans please stand UP!!!

Recommended Posts

Jabhad   

Very interesting article for the famous Xabasho orphans here in SOL prepared by the frustrated Pro-Geedi website, Midnimo.com

 

 

Saraakiisha Dowladda Itoobiya ee ku sugan Muqdisho oo u muuqdaan kuwa Maamula Siyaasadda Dowladda Soomaaliya

 

Shaki kuma jiro in Itoobiya xilligan Siyaasad ahaan iyo Nidaam ahaanba Maamusho Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf, taasina waxay shaki gelinaysaa hadalkii ahaa Itoobiya waxay ka baxaysaa Soomaaliya marka ay Soomaaliya soo gaaran Ciidamada Midowga Afrika.

 

Saraakiisha Maamulka Adis ababa ka jooga Soomaaliya waxay shirar hoose iyo mid ballaaran la leeyihiin beelaha degan Muqdisho qaarkood oo ka hor yimid Siyaasadda Dowladda.

 

Waa ay adag tahay in C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha Soomaaliya iyo Cali Maxamed Geeddi Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah ama Guddoomiyaha Baarlamaanka midna uu go’aanka Mustaqbalka dalkiisu gaaro, tallaabo kasta oo ay qaadayaan waa mid ay wax ka og tahay Itoobiya.

 

Sidaas darted Dowladda Soomaaliya waxaa ku adkaan doonta inay helaan Kalsoonada Shacabka ay metesho, waxaana kor u sii kacaya dareenkii Nacaybka Itoobiya in kastoo la heli karo dad ku qanacsan Siyaasadda Itoobiya.

 

Sida uu sheegay Cabdi Imaan oo ka mid ah odayaasha Beesha ****** ee ka soo horjeeda C/llaahi Yuusuf iyo nidaankiisa wuxuu yiri isagoo ka hadlayay Natiijada ka soo baxday kulan dhex maray Itoobiya iyo odayaasha ****** ee ka soo horjeeda Dowladda “ Wuxuu nagu yiri Sarkaalkii hoggaaminayay Ciidamada Itoobiya beledkan anaga ayaa Maamula waa inaad qaadataan amarkeena”

 

Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Mr Gacama Dheere ayaa ku tilmaamay Itoobiya Saaxiibka dhaw ee Soomaaliya.

 

Marka Soomaalida waa ay ku kala qeybsan yihiin Siyaasadda Itoobiya ku wajahan Soomaaliya, waxaana qiyaastii badan dadka ku xiran Siyaasadaha Carabta iyo Talyaaniga.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this