Sign in to follow this  
Gabbal

Most of Mogadishu taken by Al Shabaab, disarmed include Indhacade, Axmed Diiriye, etc

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo la wareegay maanta fariisimo badan oo Maxkamadaha Islaamiga ee taageerasan dowladda ay ku lahaayeen Muqdisho.

Posted: 5/10/2009 11:41:00 PM

 

Shabelle: MUQDISHO

 

Ciidamada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa la wareegay maanta fariisimo dhowr ah oo Maxkamadaha Islaamiga ee taageerasan dowladda KMG Soomaaliya ay ku lahaayeen gudaha Magaalada Muqdisho.

 

 

 

kadib dagaalo qaraar oo saakay ay ku waabariisatay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo intooda badan ka dhacay wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka ayaa Ururada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar waxaa ay kula wareegeen duhurnimadii maanta fariisimo dhowr ah oo ay lahaayeen ciidamada maxkamadaha Islaamiga ee haatan ku biiray dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Sheikh Xasan Mahdi oo ka tirsan saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntii wasaaradda Gaashaadhiga ayaa warbaahinta u sheegeay in Al Shabaab iyo Ururkooda ay kala wareegeen waxaa uu ku tilmaamay cadowga Umadda goobo ay ka mid yihiin wasaaradda Gaashaadhiga,xeradii Guulwadayaasha iyo garoonkii Stadium Muqdisho,waxaana uu sheegay in masuuliyiintooda ay kala tashan doonaan hadii ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan waxaa uu ku tilmaamay cadow.

 

 

 

Maanta ayaa waxaa lagu arkayay inta badan goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada maxkamadaha Islaamiga gaar ahaan wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka ciidamada Ururada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam Garabka uu hogaamiyo Dr Cumar IImaan Abuu Bakar oo ku sugan,waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay cirib dhigeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa iyadoo aan wali wax war ah ka soo bixin masuuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ee dowladda ku biiray.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

 

 

Shabelle Media Network - Source of Somalia News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gaashaandhiga,Guulwa dayasha ,Saldhiga wardhiiglay ilaa isgooyska Foronso ee deegaanka xararyaalo oo dhawaan la wareegeen xoogaga Alshabaab

 

Dagaal xoogan oo xiligaan u muuqda mid soo gabagabooya ayaa waxaa dhamaan dhulkii lagu diriray la wareegay xoogaga Alshabaab kuwaa oo dhamaan ka wada taagan calanka madoow ee lagu yaqaano xarakadaasi

 

Mar aan baabuur ka soo bilaawnay Degmada dayniile aan soo marnay dhamaan wadooyinka ayaa waxaan indhaheena arkeen in dhamaan goobahaasi ay ka suranyihiin calamka madoow ee Alshabaab iyadoona halkaa horey u joogeen ciiidamada Maxkamdaha

 

Gaashaandhiga,Guulwa dayasha ,Saldhiga wardhiiglay ilaa isgooyska Foronso ee deegaanka xararyaalo ayaa dhamaan la wareegeen kooxa sida weyn uga soo horjeeda dowla sheikh sharii garwadeenka ka yahay

 

Dagaalka oo u muuqda mid soo afjarmaayo ayaa la dhihi karaa dowlada waxay ku soo aruurtay goobaha ay joogaan ciidamada Afrika halkaa oo gaabaad ay ka dhiganayaan lamana yaqaano waxa xiligaan keenay in looga awoodroondo dagaalada socday maamahaan

 

Wax xabad ah lama maqlooyo xiligaan oo Muqdisho tahay 5 iyo 20 daqiiqa waxaana muuqda in leysku awood sheegtay oo dagaalka uu hadu yahay 3iyo 0 waxaase la sugaa ciyaar waa galin danbo waxii ku soo gordha dagaalada

 

 

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Alshabaab oo hub ka dhigis ku sameeyey Sheekh Yuusuf Indhacadde

 

War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in Sheekh Yuusuf Indhacadde oo in mudda aay ku heeraarsanaayeen Alshabaab ayaa wax yar ka hor Si nabad gelyo ah hubkiisii ugu wareejiyey Alshabaab oo aay waayihii ugu danbeeyey ay isku indha xumaayeen.

 

Sheekh Yuusuf indhacadde iyo Xisbigiisa Xisbul Islam ayaa u muuqda in aay meesha ka baxayaan mar haddiiba Hubkii lagala waregay isagoo rayad ahna Sheekh Xasan Daahir la hoos geeyey .

 

Sidaas daraaded waxeey u muuqataa in aay inta badan Magaalada Muqdisho la wareegeen Xarakada Alshabaab.

 

si kastaba ha ahaatee Dagaalkaan ayaa u muuqda mid aay iskugu soo harayaan Labada Xoog ee kala ah Ahlusunna waljamaaca iyo Alshabaab maadaam aay muuqato in aay meesha ka baxeen dhammaan qaybihii kale ee xoogga sheegan jiray iyaga oo sababsaday Alshabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Gabal,

 

Where does it say anything about Axmed Diiriye?

 

Also, since when had Axmed Diiriye a militia?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Meiji:

Gabal,

 

Where does it say anything about Axmed Diiriye?

 

Also, since when had Axmed Diiriye a militia?

Axmed Diiriye adopted his concept of "Madani militia" after reorganizing those of his clansmen in Shiirkole. The area has been overran by Al Shabaab and the fighters there, in their entirety, have been disarmed by Al Shabaab. As such I would categorize Axmed Diiriye as being among the "disarmed".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

LOOOL Gabal,

 

You are hallucinating man.

 

Axmed Diriye had nothing to do with the current fighting, he is an elder.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Gabbal:

Wax xabad ah lama maqlooyo xiligaan oo Muqdisho tahay 5 iyo 20 daqiiqa waxaana muuqda in leysku awood sheegtay oo dagaalka uu hadu yahay 3iyo 0 waxaase la sugaa ciyaar waa galin danbo waxii ku soo gordha dagaalada

This quote captures it. We see this whole war as a game.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

Some of the stuff written here are pure sensationalism. To the best of my knowledge Odey Axmed Diiriye isn't a militia commander. Unless things changed rapidly in the last 24 hours, which is unlikely since I spoke with Xamar last night, so how can A. Diiriye's militia's be defeated? Secondly, Indhacade has only bodyguards so there's nothing t disarm.

 

Regarding the Anti-Dowlad factions, I pity them 'cause they're caught in a catch-22. If they didn't advance against government positions, government forces would have advanced against them when they gathered sufficient capabilities. If they did, as already occurred, they've exposed themselves to even greater enemies. Now Ethiopia, disgruntled groups (including those loyal to the government) and even the US will put these anti-Dowlad factions in their cross-hairs. Especially the US and Ethiopia since the first sees these Islamic factions as off-shoot of Alqaida (and Alshabaab's allegiance to Osama ices the cake for their charge) and the latter sees these Anti-Dowlad groups as proxies of Eritrea.

 

Any gains by the Anti-Dowlad factions will be Pyrrhic victory.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this