Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Xisbul Islam Vs Al Shabaab

Recommended Posts

Kadib dagaalo xoogan oo maanta magaaladda Buur Hakaba ku dhex maray ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam ayaa waxaa markale si xoog leh degmadaasi ula wareegay ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaaladda xoogan ayaa waxay maanta ka dhaceen magaaladda Buur Hakaba, dagaaladda ayaa yimid kadib markii ciidamadda Xisbul Islaam ay soo qaadeen weeraro qorsheysan, kuwaasoo ay wax-yeelo kasoo gaartay ciidamo u daacad ah Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaaladda oo saacado socday ayaa saameyn balaaran ku yeeshay dadka iyo gaadiid ee magaaladda Buur Hakaba, waxaana jira khasaaro xoogan oo kala gaaray ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam oo maanta ku dagaalamay Buur Hakaba.

 

Dagaaladda oo aad u xooganaa ayaa waxaa ka qeyb qaadanaayay gawaarida dagaalka ay Soomaalida u taqaano Suuga iyo Cabdi Bilaha, isla-markaana hugunka sawaxanka qeybaha kala duwan ee hubka ayaa waxaa laga maqlaayay inta badan magaaladda Buur Hakaba ee gobolka Baay.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda Xisbul Islaam ay markii hore ku fir fircoonaayaan dagaalkii ay maanta la-galleen ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee cabaar kadib ayaa waxaa la-sheegay in Xarakada Al Shabaab ay soo gaareen gurmad xoogan, taasoo keentay in cidamaddii Xisbul Islaam ee weerarka soo qaaday in’ay iskaga cararaan fagaarihii uu dagaalka ka socday.

 

Gacan ku haynta degmada Buur Hakaba ayaa waxaa iminka si toos ah ay gacanta ugu jirtaa ciidamadda Mujaahidiinta ee Xarakada Al Shabaab sida ay Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijisay Kariima Maxamed oo kamid ah haweenka ku dhaqan magaaladda Buur Hakaba ee gobolka Baay.

 

Hadaba dagaaladdii ugu dambeeyay ee ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ku dhex maray magaaladda Buur Hakaba ayaa waxaa ka hadlay Culimada Soomaaliyeed qaarkood, waxayna sheegeen in’ay dagaaladaasi yihiin kuwo Fidno ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Hadaba dagaaladdii ugu dambeeyay ee ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ku dhex maray magaaladda Buur Hakaba ayaa waxaa ka hadlay Culimada Soomaaliyeed qaarkood, waxayna sheegeen in’ay dagaaladaasi yihiin kuwo Fidno ah.

Fidno way dhaaftay!!! dadkan wadaadada isku sheegaya ee hadana dagaalka ku jira. Waa dad dhiigyo-cab ah.... Kuligood waa gacan ku dhiigle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afahayeenka Howlgalada Xisbul Islaam ayaa si hoose waxa uu uga hadlay Qabsashada Al-Shabab degmada Buur Hakabo kaasi oo si xoogan u canbaareeyay tilabadaasi.

 

Maxamed Cismaan Caruus ayaa seegay in ay Al-Shabab ku xadgudbeen hishiis ay horay ukala saxiixdeen Daahir Aweys iyo Abuu Mansuur kaasi oo dhigayay in la joojiyo colaada u dhaxesa labada Urur.

 

" Aad baan u canbaareyneynaa falkii waxashnimada ahaa ay shalay Shabab ku qabsadeen Degamda Buur-Hakabo ,halkaasi oo ay dad masaakiin ah kubarakiciyiin tilabadasina waan ka jawaabi doonaa" Caruus.

 

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay malmahani jirtay xur gof ka dhlatay Gaari kuwa dagaalka ah oo ay Al-Shabab qabsdeen asiga oo marayay Isgooska Ex-Coonatrool Balcad .

 

"anaka oo xalinta gaarigaasi ku jirna ayaa waxaa shalay si gadis ah ku maqalnay waxa ay hadana la wareegeen Degmada Buur Hakabo arintaasi looma adkeesan karo" Caruus.

 

Ugu danbeyntii waxa uu fartiin u diray saraakiisha Al-Shabab asigoo u sheegay in ay soo celiyaan degmadasi si loo dajiyo x

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dee waa siday ku dhaqmayaan ,,, iyaguna way is dilayaan dadkiina way laynayaan ,,,,,

 

waxaan xasuustaa gabaygii carabta:

 

 

Wa Axyaanan naqtul akhaanaa

Ithaa lam najid illaa akhaanaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this