Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Al Shabaab run away from their dead

Recommended Posts

Meydadka rag Argagixiso ah oo lagu dilay dagaal dhex maray ciidamada Qaranka iyo argagixisada oo maanta Muqdisho lagusoo bandhigay.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay meydadka laba nin oo ka mida dagaalyahanada argagixisada oo saaka lagu dilay dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxaha nabad diidka ah,dagaalkaas oo ka dhacay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay meydadka laba nin oo ka mida dagaalyahanada argagixisada oo saaka lagu dilay dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxaha nabad diidka ah,dagaalkaas oo ka dhacay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho.

 

Meydadkan argagixisada ayaa lagusoo bandhigay shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay taliyaha guutada 5-aad ee xooga dalka Soomaaliyeed Col Gacma Dullo.

 

Waxaa taliyuhu uu sheegay in meydadkan argagixisada ay ciidanku ku dileen dagaaladii saaka waabarigii hore ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo huruwaa inkastoo dagaalkaa xoogiisu uu yaaqshiid ka dhacay.

 

"Waxaa ay ka mid yihiin 21 argagaxiso ah oo aan ku dilnay dagaalkii saakay" sidaana waxaa Yiri Gacma-dulo oo saxaafada kula hadlayay agagaarka Isgoyska Towfiiq ee magalada Muqdisho halkaas oo ka mid ah goobihii saakay ay dagaaladu saameyeen.

 

Sidoo kale Taliyah guutada 5-aad ee ciidamada Xooga dalka ayaa sheegay in ay qasaarooyin fara badan u geysteen kooxaha nabad diidka ah oo saakay dagaalka ka qayb galayay.

 

Arintan ayaa horumar u noqonayso dagaalada iyo howl-galka ay sida wada jirka ah u wadaan ciidamada Qaranka iyo kuwa nabad ilaalinta Itoobiya ee kusugan dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Cali Carraalle Cosoble [Gacmo-duulle] oo ah taliyaha ciidamada DF ee ku suganaa isgoyska Towfiiq oo uu dagalka xooggiisa ka dhacay oo saxafada shir jaraa'id u qabtay ayaa tusay maydadka 4-qof oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen dhinicii weerarka kusoo qaaday.

 

"Maydadkaan waxay qayb ka yihiin kuwii aan dagaalka kaga dilnay kooxihii nasoo weeraray, inagoo ka furannay hubkii ay wateen, kuwo kale oo badanna waxay firirsan yihiin ilaa Jaamacadda Muqdisho" ayuu yiri Col. Gacmo-dulle.

 

Sarkaalkaan u hadlay DF, wuxuu sheegay in Midowga Maxkamadaha ay ka dileen 21-qof ayna ka dhaawaceen 19-qof oo kale, wuxuu beeniyay jiritaanka in laga qabsaday saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamadooda iyo kuwa Ethiopia; isagoo khasaaraha dhankooda kusoo koobay askari uu dhaawac fudud gaaray.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo maanta soo bandhigay Meydad sida la sheegay ahaayeen Kooaha ka soo horjeeda Dowladda.

 

Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa maanta soo bandhigay Meydad la sheegay in ay ahaayeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, kadib dagaal faraha looga gubtay oo saaka ka dhacay Hareeraha Jidka Warshadaha.

 

Sarkaalka Ciidamada Dowladda ee jooga Jidka Warshadaha oo lagu magacaabo G/Dhexe Cali Caraale Cosoble (Gacmaduul) ayaa saxaafada u sheegay in 4 ka mid ah Meydadka Kooxaha soo weeraray saaka ay ku hayaan agagaarka Isgoyska Towfiiq, isagoo dhanka kale beeniyay in saaka laga wareegay fariisimaha ay ku leeyihiin Miisaanka Dhuxusha iyo Towfiiq.

 

Qaar ka mid ah meydadka ragaas oo ay soo aragtay saxaafada ayaa jirkooda waxaa ka muuqday jirdil aad u xoog badan, oo ay u geysteen Ciidamada Dowladda iyagoo meyd ahaa, waxaana dul yaalay sida la sheegay Qoryo fud fudud oo ay saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in ay ahaayeen kuwii weerarka ka dambeeyay.

 

G/Dhexe Gacmaduul ayaa sidoo kale sheegay in Kooxihii saaka soo weeraray ay dib u caabiyeen, isla markaana ka dileen 21 ruux waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in meydadka afarta ruux ay yihiin Xoogagii saaka dagaalka kula jiray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ee Maxkamadaha islaamiga.

 

Dhanka kale dadka deegaanka Towfiiq ayaa goor dhoweyd la sheegay in ay dib usoo qaadeen Meydadka afartaas ruux, kadib markii ay heysteen Ciidamada Dowladda muddo dhowr saacadood oo ay wadada dhigeen, waxaana Meydadkaas la sheegay in loo qaaday dhanka Suuqa Xoolaha sida wararka ay sheegayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this