Sign in to follow this  
Gabbal

Islamic Courts of Gedo continue to function.

Recommended Posts

Gabbal   

Allgedo - News, Jimco January 19, 2007

 

Gacan ku dhiigle ayaa maanta lagu qisaasay fagaare ku yaala degmada B/xaawo ee gobolka Gedo

 

Mogadishu Gacan ku dhiigle xalay nin ku dilay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta lagu qisaasay meel fagaaro ah oo ku yaala degmada B/xaawo, iyadoo boqolaal dad ah ay halkaasi isugu soo baxeen.

 

Gacan ku dhiiglehaan la qisaasay oo la oran jirey Faarax Axmed ayaa waxa uu xalay dilay nin la oran jirey Axmed Muuse, iyadoo markii uu dulay isla xalay howl-gal ay sameeyeen ciidamada amaanka ay u suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo.

 

Maxkamadda Shareecada ee degmada B/xaawo ayaa fulisay xukunka qisaasta ah ee lagu riday Gacan ku dhiigle Faarax Axmed.

 

Boqolaal dad weyne reer B/xaawo ah ayaa u soo daawasho tagay fagaarihii lagu qisaasayay gacan ku dhiigle haan, iyadoo aanu dhicin wax rabshado ah xilligii qisaastu ay dhaceysay.

 

Dadka degmada B/xaawo ayaa dilal badan ka dib waxa au go’aan ku gaareen in xukunka islaamka lagu fuliyo qofkii qof dilaa, iyadoo tan iyo markii ay qaateen nidaamkaana uu yaraaday isdilka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Che-Guevara:

You mean clan courts

 

And what was the Mogadishu Courts union? And why the disintegration? Sheikh Sharif might have left, but surely not Islam?

 

This is what the governor of Beled-Xaawo said when political opportunists who had hijacked the good objective of the Courts had designs on using Islam to capture the country for them.

 

Maamulka Degmadda Beled-xaawo oo beeniyey inay socdaan qorshe Maxkamad Islaami ah looga hirgelin doona B/Xaawo.

 

Mogadishu, Khamiis, Okt 26, 2006 Radio Simba

 

Guddoomiyaha Maamulka ee Degmadda Beled-xaawo, Axmed Maxamed Yuusuf "Bar-kuus", ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka lagu sheegayo in Maxkamad Islaami ah haatan laga dhaqan-gelinayo Degmadda Beled-xaawo.

 

Guddoomiyaha, oo maanta u waramayey Idaacadda Simba, isagoo ku sugan Degmadda Beled-xaawo, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Bulshadda ku nool Degmadda Beled-xaawo mar hore dhisteen Maxkamad Islaami ah oo ay ku mideysan yihiin, isla markaana ay Maxkamaddaasi qaado nooc kasta oo fal-dembiyeed ah iyo Dacwadaha Maddaniga.

 

Mar wax laga weydiiyey Aragtida uu Maamulkiisa ka qabo haddii ay Maamulka Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia ku dhaaqaaqaan inay Maxkamad Islaami ah oo Cusub ka hirgeliyaan Degmadda Beled-xaawo, waxa uu ku baaqay in la tixgeliyo Maxkamadda Islaamiga ee ay wada dhisteen dadweynaha ku nool Degmadaasi.

 

Guddoomiyaha Maamulka ee Degmadda Beled-xaawo, waxa uu tilmaamay inay Bulshadda ku nool Degmaddaasi yihiin kuwo Aragti ahaan taageersan Hawlaha GMIS ka wadaan Goballadda Koonfurta Somalia.

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

when political opportunists who had hijacked the good objective of the Courts had designs on using Islam to capture the country for them.

Is that the reason stop supporting the courts?

 

Surely, you could have advocated change within the courts, and not right switch the to the TFG side.

 

 

As for Beled Xaawo, My bad on that actually, I commend for their good work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this