Sign in to follow this  
General Duke

Puntland officials to meet PM of Somalia in Jowhar...

Recommended Posts

Wafdi ka socda Puntland oo lagu wado inuu gaaro Jowhar

Garowe:- Waxaa lagu wadaa in ay dhawaan tagaan magaalada Jowhar ee xarunta Dowlada Federaalka Soomaaliya, wafdi balaaran oo ka socda dowlad gobaleedka Puntland.

 

Wafdigan ayaa la sheegay inuu yahay mid uu maamulka Puntland u saaray sidii u wax uga qaban lahaa khilaafka dowlada Puntland iyo maamulka Federaalka soo dhexgalay ee la xariira arrimaha Macdanta iyo Shidaalka laga baarayo Puntland.

 

Wafdigan ayaa la sheegay in ay kamid noqon doonaan guddi khaas ah oo uu maanta ku dhawaaqay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Md.Xassan Daahir Afqurac.

 

Xubnahan ayaa waxaa kamid ahaa sida wareegtada kasoo baxday Madaxtooyada PL ku qoron:

 

1) Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)___Wasiirka Maaliyada Puntland

 

2) Barkhad Cali Saalax___Wasiirka Diinta & Awqaafta Puntland

 

3) C/risaaq Cali Yuusuf(Geesood)___Wasiirka warfaafinta Puntland

 

4) C/raxmaan Max’ed Siciid (Dhegaweyne)___Wasiirka Caafimaadka Puntland

 

5) C/laahi Cumar Bootaanm___xubin

 

6) Liibaan Xaaji Yuusuf___xubin

 

Xubnahaan iyo kuwo kale ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Jowhar si ay xukuumada Federaalka ugala tashadaan arrimaha la xariira heshiis ay dowlada Puntland la gashay shirkad baarta macdanta.

 

Tan iyo intuu soo baxay murranka labada dhinac u dhaxeeya ayaa waxaa jiray xiriiro hoose oo dhexmarayey Xukuumada Cali Maxamed Geedi ee dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland.

 

Labada dhinac ayaa ayagu ku heshiiyey in si toos ah uga wadda xaajoodaan arrimaha la xariira Shidaalka iyo macdanta.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

A different prespective - Interesting...

------------------------

 

M. Cade iyo ku-xigenkiisa oo magacabay Guddi

 

Warar ka soo baxaya Magaalada Bosaso ayaa waxa ay sheegayan in ka dib markii ay xiriir taleefanka ah ku wada hadlen Madaxwaynaha DGPL Mud.Cade oo hada ku sugan...

 

Wadanka Imaradka Carabta arimo caafimad dartood iyo Ku-xigenkiisa Xasan Dahir Afqurac ay magacaben Gudi ka socda DGPL oo hal dhinac ah, xubnahaan la magacaabay ayaa lagu tirinayaa in ay aragtida Heshiiskan kala mid yihiin Madaxwaynaha DGPL Mud.Cade.

 

Gudiga la magacabay ayaa waxa la filayaa in ay dhowaan u ambabixi doonaan magaalda Jowhar oo xarun u ah DFKMG ah si aya wada xajood ugala yeeshaan arimaha heshiiskan la sheegay in MGPL la galay shirkada Consort.

 

Gidigaan ayaa ka kooban sidatan:

 

1-Wasiirka Maaliyada DGPL Mud.Maxamad Cali Yusuf "Gaagaab"- Gobolka Mudug

 

2-Wasiirka Howlaha Guud DGPL Mud.Cabdulahi Cali Xirsi "Timacade"- Gobolka Sool

 

3-Wasiirka Caafimaadka DGPL Mud.C/raxman Maxamad Siciid "Dhagawayne"- Gobolka Bari

 

4-Wasiirka Warfaafinta DGPL Mud.Cabdirisaq Cabdulle Geesood- Gobolka Mudug

 

5-Wasiirka D/Hoose iyo Horumarinta R/M Mud.Cali Cabdi Awaare- ka dib markii uu ka cududaartay ka mid noqoshaha wafdigaas ayaa waxa lagu badalay Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Barkhad Cali Salax-Gobolka Bari

 

6- Libaan Musse Boqor- Dulaal u dhexeeya Shirkada Consort iyo DGPL

 

7- Cabdulahi Cumar Bootaan- Ganacsade Dagan wadanka Imaaraadka Carbta.

 

Hishiiskaan oo ahaa in shirkada lagu magcaabo Consort ay baaritaan iyo soo saarid ku sameyso wixii Nafci leh oo ku jira dhulka Puntland iyo Badda (All sub-soil resources offshore and onshore) ayaa sida aan la wada socono wuxuu khilaaf ka dhex dhaliyay maamulka DGPL gudihiisa iyo DFKMG ah oo dhinac ah, oo iyadu ku tilmantay in heshiis walba oo lala galayo wadamo shisheeye ama shirkadaba ay dhinac ka ahadaan sida ku qoran Axdiga ku-meel gar ah.

 

Ka dhagayso halkan waraysiga C/lahi Yusuf ee BBC

 

Wixii warar ah oo ka soo kordha arimhaan kala soco isha wararka Garoweonline.com

 

Garoweonline.com

Xafiiska-Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

2 wasiirs from Bari region, 2 wasiirs from Mudug region, and 1 wasiir from Sool region. What's missing? Nugaal and Sanaag regions. If Cadde Muuse/Gaagaab continue to push this so-called "deal" to extract Somalia's natural resources, I'm afraid it will undoubtedly lead to the demise of a united Puntland, once and for all. I, for one, don't want to support a system that empowers the few whilst completely overshadowing the existence and the rights of the many. Perhaps, Md. Gaagaab thinks Col Yeey will budge to a little bit of ina-adeernimo. Macangagnimada Col Yeey buusan war ka heyn baan is idhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this