Sign in to follow this  
Cige

Waxba la isulama harin!

Recommended Posts

Cige   

Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali-waraabe oo ku Hanjabay in aanay Rayaale Kaga Habrin Doonin Xabbad iyo Xabsi Toona

 

April 14th, 2008 [News] |

 

“Rayaalow xabsi baad sheegaysaa haddaad xabbad la dhacdo raggan horaad isu soo marteen oo rag xabbad iyo xabsi kaaga gabanaaya maaha ee wax alla waxaad la hadhaa yey jirine soo daa”

 

Axmed-Siilaanyo

 

 

 

 

 

 

 

“Madaxa isuma kaayo xidhi kartid, Maxamed Siyaad Barre ayaa isugu kaayo xidhi waayey, Sheekh Bilisaa na fali kari waayey ama Libaax soo qal ama Waraabe soo qaloo nama qabto annaga sixirku”

 

Faysal Cali-waraabe

 

 

 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaradka UCID iyo KULMIYE, ayaa ku hanjabay in aanay Madaxweyne Rayaale kaga habran doonin xabbad iyo xabsi toona, isla markaana aannu waxba kaga qaadi karin fal iyo sixir toona.

 

Guddoomiyeyaasha mucaaradka oo ka hadlayey shir-jaraa’id ay shalay ku caddeeyeen mowqifkooda ku wajahan xaaladaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo Md. Axmed Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali si adag uga afeef dhigteen tallaabo kasta oo Md. Rayaale ku doonayo in uu ku meel-marsado go’aanka muddo-kordhinta Guurtida oo ay ku tilmaameen sharci-darro iyo arrimo kale oo dhawr ah.

 

Ugu horreyn Md. Faysal Cali Waraabe oo tusaalaynaya hab-dhaqanka Rayaale iyo xukuumaddiisa ee muddada shanta sanno ahayd dalka ka wadeen waxa uu yidhi; “Shanta sannadood ee aynu qaadanay dimuqraadiyadda dhibaatada iyo boobka ku dhacay dalkeena soddonkii sanno ee Koonfurtu dalka xukumaysay kumu dhicin, waxaas oo dhan waanu arkaynay baddii baa la leefay, berigii baa la leefay oo shilin baa inagu dhegtay, dawladdii waxay noqotay shillin aan doonayn inay dadka wax u qabato, intaa waxaannu la sugaynayn in waqtiga doorashadu yimaaddo oo ay doorasho xalaal ahi dhacdo, tiina waxaynu aragnaa in wax caqliga ka weyn la keenay oo la yidhi 25 oday oon waxna akhriyin waxna qorin oo iyagu distoorba aan ku jirin ee ku jira xeer-dhaqameedkii, distoorkeenuna waxa uu sheegayaa in hay’ad kasta la soo doorto oo hay’ad aan la soo doorani ka hawlgalayn waddanka. Waxa uu caqligu ina siin waayey 25 oday in la yidhaa ummaddaa dhan ee saddexda milyan iyo badhka ah ayey u goynayaan masiirkeeda oo ay u talinayaan, wax caqliga galena maaha, anigu iyaga lama yaabsani, laakiin ka ka rumaysanaya Xaaji Cabdi wuxuu kuu gooyo ayaad ku socon doontaa ayaan la yaabsanahay.

 

Dalkan waa la dhacay, waa la boobay shacbi masaakiin ah weeye oo qabyaaladii kala jebisay, koodii xumaa ama wasiirkii xumaa markaad la hadasho ayaa lagu odhanayaa waar reer hebel maxaad ula hadashay. Qofku hadduu ummadda xoolaheeda ku tagrifalo wuxuu doono ha ahaadee waxa xaq loogu leeyahay in la sheego waxa uu sameeyey, cid naga mamnuucaysaa ma jirto in aannu ka hadalno cidda ku tagrifalaysa ummadda xoolaheeda. Waxaannu sheegaynaa haddii aan la joojin waxyaabahaa Madaxtooyada dhexdeeda ka socda in aannu soo bandhigi doono waxyaabo badan oo aannu qarinayno.”

 

Eng. Faysal Cali waxa uu sheegay oo kale in aanay dhibaatada xukuumaddu wadaa ku koobnayn intaas oo kaliya, laakiin dalku uu af-duuban yahay, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale khiyaamo ku doonayo inuu muddada ku koradhsado. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maanta arrintu Guurti ma taagna ee dalkii dhammaa ayaa la afduubay oo madax-furasho ayaa loo haystaa. Waxa la ina leeyahay haddii aad soo dhaqaaqdaan wuu burburayaa dalku, annagoon haddaba dalka burburin baanu iyaga burburinaynaa, cod baanu ku burburin doonaa.

 

Waa xaaraan wixii 15-ka May ka dambeeya oo Rayaale sharci uu u leeyahay inuu Madaxweyne noqdo ma leh, isagaa iska dayacay waqtigiisii shan sanno ayaa la siiyey, wuxuu xaq u lahaa isagoo wax kasta haysta inuu doorashooyinka diyaariyo waqtigoodii, laakiin wuxuu ka doorbiday inuu ina khiyaameeyo oo waxa uu is yidhi waad khiyaamayn karaysaa ee aad koradhsatid, dalka khiyaamayn mayside annagu haddii aannu UCID iyo KULMIYE nahay waxaannu doonaynaa inta ka horreysa 15-ka bisha in aannu dalka ka wadatashano.

 

Waxa kale oo aan u sheegayaa ciidammada uu soo saar saarayo, ciidammadu waa beelo iminkuun baynu isku qodbaynay, waynu ognahay oo mid kastaa wuxuu fuushan yahay gaadhigii tignikada ahaa ee reerkoodu iibiyey ee mid dawladi iibisay ma saran, waxaan leeyahay fadlan ciidammadaas hakala saarin oo waddanka dib ha ugu celin halkii 1990-kii. Dalkan intaad xaq u lahayd waad qaadatay haddana waa laguu ogolyahay in aad si xalaal ah u barantatid (tartantid), laakiin madaxa iskuma kaayo xidhi kartid, Maxamed Siyaad Barre ayaa isugu kaayo xidhi waayey, Sheekh Bilisaa na fali kari waayey ama Libaax soo qal ama Waraabe soo qaloo nama qabto annaga sixirku.”

 

Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu cambaareeyey xadhiga lagula kacay masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid daandaansi ah oo iyaga qudhooda ku dhacday.

 

“Xadhiga la xidhay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE waa daandaansi, wuxuu doonayaa in dadku kaco oo fowdo timaado, laakiin kicimaayo.

 

Annaga waxa nagu dhacay ciyaartoygayagii Laascaanood waa loo diiday inay ciyaaraan oo Badhasaabkii iyo booliskaa lagu soo diray, dharkii yaraa ee aannu halkan uga iibinayna waa laga qaatay, markaa arrintu ilaa Laascaanood ayey socotaa, waxaannu doonaynaa waddankan inuu geliyo qalalaase, laakiin gelin maayo mana gelin karo, qofkii isyidhaa xumeena isaguun bay xumaantu ku hadhi. Waxaannu jecelnahay shacbigu inay nabadgelyada ilaaliyaan waa cadceed dhacaysa ee waxba yeynaan ku degdegin way inaga tegayaan wixii xun oo dhamiye,” ayuu yidhi Md. Faysal Cali Waraabe.

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu shirkaa jaraa’id ka jeediyey su’aalo uu sheegay inuu doonayo in Madaxweyne Rayaale ka jawaabo, kuwaas oo khuseeya doorashooyinka soo socda.

 

Isaga oo arrintaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Anigu waxaan doonayaa in aan su’aalo boorin ah u soo jeediyo shirka oo uu ka jawaabo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaana ka mid ah; Waynu maqlaynay labadii cisho ee u dambeeyey laba go’aan oo iska horimanaya ayaa soo baxay, midi wuxuu ahaa kii Guddiga Doorashooyinku soo saareen ee caddaynayey goorta la qabanayo doorashooyinka ee axsaabtuna isku raacday, kaas oo deeqbixiyayaashii kharashka iyo lacagta bixinayey ee gacanta inaga siinayey geeddi-socodka dimuqraadiyadda, ictiraafka aynu ka doonaynay ee aad inoo daawanayey ee inoo danaynayeyna mowqifka ay taagan yihiin shalay markay madaarka joogeen ka caddeeyey, kaasi wuxuu ahaa go’aan. Ka kale wuxuu ahaa kii Guurtidu ku dhawaaqday. Waxaan jecelahay inuu Daahir Rayaale Kaahin ummadda u caddeeyo labadaa go’aan ka uu raacsan yahay, ma wuxuu raacsan yahay kii Guurtida ee isaga waqtiga u kordhinaysay ee aan hay’addii ku shaqada lahayd, dunida wax ina siisa iyo axsaabtu toona ku raacsanayn mise waxa uu taageersan yahay kii kale?

 

Su’aasha kale waxay tahay, ogow Guddiga Doorashooyinku waqtiga la qabanayo doorashooyinka ee 6 October iyo 31-ka December ee 2008-da may kala caddaynin labada doorasho ta horreynaysa, waayo iyagu waxay yidhaahdee tii aad isla garataan xisbiyadiinu ayaanu soo horreysiinaynaa, annagu haddii aannu labada xisbi qaran nahay [mucaaradka] waxaannu istaagnay mowqif ah inay doorashada Madaxweynuhu soo horreyso, sababta oo ah waa ta ugu muhiimsan ee siyaasadda Qaranka saamaynta weyn ku leh. Daahir Rayaale inuu taa nagu raacsan yahay iyo inuu ka baqayo in doorashada Madaxweynuhu soo horreyso oo uu wax walba ka dhiganayo wax alla wixii cimri dherer u kordhinaysa, taana ummadda ha u caddeeyo?”

 

Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay in aanay mudanayaasha Golaha Guurtidu fahansanayn wixii lagu yidhi u codeeya oo la marin habaabiyey, isla markaana loo sheegay inay sidaasi sax tahay. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Golaha Guurtida waynu ognahay oo cahdi qarmeedkii bay ku fadhiyaan, dhawaan mar uu nin ka dhintay oo la is yidhi cid ku beddela, maxkamaddii sare way garanweyday ma distoorkay isticmaashaa mise cahdi-qarameedkii bay isticmaashaa. Waa wax ka baxsan wadcigan aynu joogno distoorka aynu ku dhaqano dibadda ka taagan. Anigoon ceeb u geysan oo waa odayaale aan meel kaga dhacayn, haddana xaqiiqdu waxa weeye oo aan qaar iyaga ka mid ahna ka maqlay wixii la kala dooranayey iyo wixii la soo hordhigay may fahmin, waxa yidhaahdeen, ‘annaga waxa nala yidhi sidii axsaabtu isku raaceen oo inyar sharciga la waafajiyey uun u codeeya, sidaas baanu u codaynay.’ Masaakiin sidaad wax u saarto garanmaysid, guddi [Guurtida ka tirsan] baa loo saaray aanay intooda badani waxna akhriyin waxna qorin, markaa amarkii la siiyey ee la yidhi waxaasaa Madaxweynuhu doonayaa ayey ku shaqeeyeen.”

 

Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in Golaha Guurtidu dalka ku tilmaamaan in aanay nabadgelyo ka jirin iyagoo toddobaadkii horena ka doodayey oo aad uga xanaaqsanaa Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland oo hadal uu jeediyey ku sheegay in nabadda ka jirta Somaliland tahay mid aan cago adag ku taagnayn, haddana iyaga oo u qiilsamaynaya Madaxweynaha ay baabiiyaan rajadii iyo wixii muddada intaa leeg loo soo halgamayey ee dunida laga iibinayey

 

“Odayaashaas oo aanaan u quudhayn af-xumo, laakiin aannu is leenahay jaahilnimay ka tahay waxaannu leenahay Ilaahay dunuubta ay dalka ka galeen ha ka saamaxo, laakiinse go’aankaa ay qaateen mid soconaya iyo mid dhaqangelya midna maaha,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo

 

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu ka hadlay hadal uu Sabtidii doraad u jeediyey warbaahinta Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in si sharci darro ah loo xidhay, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Shir jaraa’id waxa shalay (Sabtidii) qabtay Xoghayaha UDUB, waxay wax ka sheegeen xagga dambe ee KULMIYE oo ay lahaayeen ‘**** xumayaal,’ annagu ninkaa odayga ah xagiisa hore iyo xaggiisa dambe midna wax ka sheegi mayno, aflagaadooyinka qaarkoodna waaba wax laga xishoodo in la soo qaado. Waxa muuqata in maalmahan dambe dawladdu bilawday, hanjabaad iyo cago-juglayn markay soo dhaaftay ayey xabsi iyo xidhxidhis ku bilaabeen xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE, miyaanay ayaan-darro ahayn Wasiirka Daakhiliga oo ah nin oday ah oo annagu sharaf iyo qiimo u hayno intuu halkaa istaagay buu yidhi xisbiga KULMIYE ayaa qarxiyey meel, bal kaba soo qaad inuu qof qarxiyey oo uu weliba qofkaasi KULMIYE hayahay, KULMIYE qof maaha ee waa qaran, waa ummadda kala badh, in xisbi baa wax qarxiyey la yidhaahdaa baa, dambiga ma xisbi baa galay mise qof baa gala haddiiba uu qarxin lahaa mid KULMIYE ka tirsani, anigoo og hubana in aanay dhicin inuu qarxiyey qof xisbiga ka tirsani ee Cabdillaahi-dheere uu isagu intuu xafiiskiisa ku diyaariyey uu ka tagay oo uu qarxiyey. Hadalkaa Wasiirku af-siyaasadeed maaha, af-xilkasnimo maaha, af-dawladi ku hadasho maaha. Dadka kale ee loo hanjabayo ee la leeyahay waarano ayaa loo soo jaray Maxamed Kaahin baa ka mid ah, raggna way xidhan yihiin. Waxaannu halkan ka caddaynaynaa Daahir Rayaalow xabsi baad sheegaysaa haddaad xabbad la dhacdo raggan horaad isu soo marteen oo rag xabbad iyo xabsi kaaga gabanaaya maaha ee wax alla waxaad la hadhaa yey jirine soo daa.”

 

Sidoo kale Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isagu shirkaa jaraa’id ka sheegay magacyada qaar ka mid ah masuuliyiinta KULMIYE ee xukuumaddu u xidhay falkii qaraxii ka dhacay xarunta Guurtida, waxaannu sheegay in ragga la soo eedeeyey yihiin mujaahidiin waaweyn oo aan u qalmin in la yidhaa qol yar bay qarxiyeen.

 

Isaga oo isna arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Dadka la xidhay waxa ka mid ah Dayr Maxamed Cilmi ah oo ah oday reer Burco ah, kana mid ah dadka baayacmushriga ah oo la leeyahay wax buu qarxiyey ninka 20-ka guri Hargeysa ilaa Gaashaamo ku leh ee 300 ilaa 400 boqol ee halaad leh ee 20-ka carruur ahi Burco dugsiyada ugu jiraan ee la leeyahay meel buu qarxiyey waa ayaan-darro. Waxa ka mid ah dadka la xidhay Mujaahid Axmed Cumar X. Cabdillaahi oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE iyo Keyse Ismaaciil Cabdillaahi (Hirka), labadooduba waxa weeye raggii mujaahidiinta ahaa ee ugu waaweynaa xisbigii SNM oo meel yar oo Cabdillaahi-yare galo iyo meel oo Daahir Rayaale galo iyo raggii qarxin jiray maahee waa raggii ku qarxay Birjeex iyo Mandheera. Waxa kale oo ka mid ah inan [gabadh] ka shaqaysa Golaha Guurtida oo aan KULMIYE-ba ahayn, weliba waxa la sheegayaa in gabadhaa la jidh-dilay oo la garaacay.”

 

Intaa kadib qaar ka mid su’aalihii suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgalay weydiiyeen masuuliyiinta labada xisbi oo iyaguna si wadajir ah uga jawaabayey waxay u dhaceen sidan:

 

S: Haddii ay dhiciba waydo in laga noqdo muddo kordhintan, diyaar ma u tihiin in aad qaadacdaan doorashada labadiinan xisbi, maadaama aad aaminsan tihiin in aanay sharci ahayn?

 

Faysal Cali-waraabe J: Mar haddii aannu nidhi ma ogolin go’aankaa Guurtidu soo saartay ee qayrul sharciga ah nooma muuqato in aannu doorasho ka qaybgalno, ka qaybgelimayno doorasho isagu keligii ha haysto. Waanay dhimaynaysaaye ogow haddii waqtigaasi uu dhammaado oo aan intaa heshiis gaadhin waa la sadqeeyey nidaamkii dimuqraadiyadaynta, waanuna ka tashanaynaa oo waanaga 27-ka bishan u yeedhnay labada gole dhexe ee labada xisbi, habkii looga wareegi lahaa ee looga soo dhicin lahaa ayaa laga tashanayaa.

 

Siilaanyo, J: Horta su’aashu waa su’aal si u yara qallafsan, waxaannu ku nidhi doorashadu waqtigaas bay dhacaysaa, annagu doorashada waanu ka qaybgelaynaa isagu [Rayaale] haddaanu ka qaybgelayn isaga ayey jirtaa, waqtigii hay’addii ku shaqada lahayd u qabatay ee loo qoondeeyey waqtigaas ayaanu doorashada gelaynaa, waqtiga ay dhacaysaana waa kaa iyadoo duruufo kale oo ka duwan yimaadaan mooyaane.

 

S: Haddii ay dhacdo in waqtiga ay Guddiga Doorashooyinku u qabteen doorashooyinku ku dhacaan, waqtigii Madaxweynuhuna uu dhammaado, inta u dhaxaysa haddii aan dawlad wadaag ah la samayn maxaad yeelaysaan?

 

J: Annagu markaanu leenahay dawlad wadaag ah ha la sameeyo, macnaheedu maaha waxaannu jecelnahay in aannu dawlad Rayaale la yeelano, macnaheedu waxa weeye maadaama UDUB waqtigii ka dhacay xaq uma leh inay dawlad keligeed wadato, markaa waxa la samayn doonaa dawlad kooban oo shaqada ay qabaynasaa tahay oo keliya inay dalka gaadhsiiso doorasho, haddii ay taasi dhiciweydo waa waxyaabaha aannu doonayno in aannu ka tashano. Haddii maanta distoorkeena wuxuuni inoogu yaalaan waxaas baynu ku baxsan lahayn ee waxaan ku oolin meel sheegaysa marka xaaladan oo kale timaado waxa la yeelayo. Ta qudha ee aannu leenahay annagu waxa weeye mar haddii aanay taasi jirin waar aynu wadatashano oo wixii dalka dan u ah aynu yeelno, UDUB wuu na odhan karaa waar noo daaya, laakiin waa inuu yimaado oo uu ogaado in waqtgii ka dhacay.

 

S: Waqtigii Guurtida uu Madaxweynuhu u kordhiyey afarta sanno labadiina xisbi waxaad ku tilmaanteen inay sharci-darro iyo xaaraan, toddobaadadii ugu dambeeyey waxaad la kulanteen Guurtidii aad sharci-darrada ku tilmaanteen, haddii iminka arrintan aad ku tilmaantaan inay xaaraan tahay miyaan la odhan karin sida taas ayuun bay noqon oo waad iska aqbali doontaan?

 

J: Annagu mar walba waxaannu ka hadlaynay waxa weeye wixii danta iyo maslaxadda ummadda aannu moodno weeye waxaannu ka talinaynaynay ama aannu ku dhaqaaqaynay, waayo annaguu xilku naga saaran yahay ee ku shaqayn mayno cadho iyo iska dheh, dalka xasiloonidiisa iyo nabadgelyadiisa waanu ilaalinaynaa in alla intii suurtogeli karta. Maanta waanu ognahay dareenka dadweynuhu leeyahay iyo siduu u cadhaysan yahay, maalin walba qayladu way nagu soo dhacaysaa, waxaannu taaban karno oo aannu tuujin karno weeye, laakiin isla markaa haddana waxaannu xeerinaynaa xilka na saaran annaga oo og in aannu mar walba tallaabadu heerkay joogto anaan dhaafin oo haddii waanwaan la helayo lagu wado, tallaabooyin qaarkoodna haddii la arko in ummaddu jar ka dhacayso annaga iyo shacbigu toona ka gabanmayno in wixii waajib xaq ah ee na saaran ee ummadda daafacaadeeda ah ka hadalno ummaddana ugu baaqno markay halkaa gaadho, laakiin inta ka horreysa geed kasta waanu u fuulaynaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Faallo : Madaxweynuhu Haddii uuna kaxaysan Marwadiisa Ma Xaaska Faysal ayuu Kaxaysan Lahaa

Published: Apr 14 2008 - 12 56

 

Apr 14 2008 (Somaliland Net) - Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waa nin had iyo jeer lagu arko Saxaafadda, hase yeeshee marka aad daraasad ku samayso hadaladiisa waxa ku cadaanaysa inuu yahay nin isbedbedal badan oo uu mawqafkiisa siyaasadeed heehaabo, sababta ugu wacan heehaabkaasi ayaa lagu tilmaamaa in ay kow ka tahay waayo aragnimo la’aan siyaasadeed,

 

balse Eng. Faysal Cali Waraabe waa inin aan is ogay in uu xisbigiisa ku yahay Kalidii Taliye Shandad ku sita xisbiga iyo taladiisaba.

 

Sida lawada og yahay Eng. Faysal Cali Waraabe maalintii Jimcihii ayaa waxa ay BBC-du dood u qabatay 3 Xisbi iyo Komiishanka Qaranka, taasi oo lagaga doodayay xaalada dalka, balse waxa fajiciso ku riday bulshada reer Somaliland markii uu ka soo yeedhay hadal aanu ku hadal qof doonaya in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, hadalkaasi oo ahaa Madaxweynuhu waxa uu kaxaystaa Naagtiisa marka uu Safar u baxayo.

 

Jawaabaha ay bulshada inteeda badani ka bixinayso ayaa waxa ay ahayd hadaanu Madaxweynuhu kaxaysan Marwadiisa, hadaa Ma waxa uu ka xaysan lahaa Xaaska Faysal, balse waxaanu ogayn in caalamka Madaxweyneyaashu ay kaxaystaan Xaaskooda hadalkan markii shicibku uu maqlay aad ayay ula yaabeen.

 

Haddaba su’aasha in la is waydiiyo mudan wax weeyi Eng. Faysal Cali Waraabe dalkan iyo dadkan reer Somaliland Madaxweyne ma u noqon karaa?

Jawaabaha su’aashan waxa aynu ku eegi jawaabaha ay ka bixiyeen dadka siyaasada odoroosa ama ka faalooda iyo bulshada weynta reer Somaliland mid ka mida dadka siyaasada Somaliland aadka ugu xeeldheer oo magaciisa la yidhaahdo Pro. Cabdilaahi Cumar Cali oo magaalada Hargeysa ku sugan, ayaan wax ka weydiiyay in uu Eng.

Faysal Cali Waraabe dalka iyo dadka reer Somaliland uu Hogaamin karo waxa uu yidhi “Runtii Eng. Faysal maaha nin aan odhan karno waa siyaasi, sidaasi darted kuma haboona in uu dalka Madaxweyne ka noqdo qof kasta waxa lagu qiimayn karaa haddii uu siyaasi yahay Xisbiga uu ka soo jeedo miisaanka uu leeyahay iyo Masuuliyiinta ka dhex muuqda, taasi macnaheedu waxa weeyaan marka aad eegto Xisbiga UCID ma arkaysid nin Masuul ah ama siyaasi caana oo bulshadu taqaano, markaa xisbiga UCID waa Eng. Faysal Cali Warabe oo kaliya cid kale oo taraxdaa ma jirto.”

 

Waxa wali aynu ku dhex jirnaa dareenkii iyo figradihi ay ka bixiyeen Faysal Cali Waraabe dadka siyaasadda indha indheeya oo magaciisa ka cudur daartay in aan la xusin waxa uu yidhi “Waxaan xisbiga UCID ka quustay maalintii ay timid Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Jendayi Frazer magalo madaxdda Somaliland ee Hargeysa, boqoshada gaaban, taasi oo la kulantay Asxaabta Qaranka Masuuliyiintooda sar sare ayaa xisbiga UCID waxa la waayay Masuul sare oo kulankaa ka qayb gala, islamarkaana matalaya xisbiga UCID iyada oo uu maqnaa Guddoomiyaha UCID Faysal, sidaa daraadeed waxa kulankaa ka qayb galay xubno aan miisanka xubno yar yar oo iska xajin karayn Waftiga ay la kulmayaan, halka 2 Xisbi UDUB iyo Kulmiye ay ka socdeen Qamaamuurtii sidaa awgeed Xisbiga UCID maaha mid ku taagan rukun culus.”

 

Bulshadu meelaha ay ku kulmaan sida Makhaayadaha marka ay sheekaysanayaan arrimaha siyaasadda Xisbiyada, waxa ay Guddoomiyaha UCID ku tilmaamaan in uu yahay sida dabaysha Xagaayo ee dhinac kasta ka timaada, islamarkaana ku hadla wixii afkiisa ka soo baxa sidii maalintii Jimcihii 11/04/08 doodii ay BBC-du u qabtay saddexda xisbi iyo Komishanka.

Halka ay qaar kale qabaan in uu yahay Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Muuse Suudi Yalaxawga Somaliland, taasi oo ay sabab uga dhigayaan isbedbedalka faraha badan, hadalada miisanka lahayn iyo isaga oo xisbiga UCID u sameeyay in uu Qurbo Jooga reer Somaliland ku baadho.

 

Fikir kaa ka duwan waxa qaba dadka jecel Horumarka Somaliland in aan loo baahnayn nin Xaaskiisa iyo Caruurtiisu Yurub degan yihiin, oo isaguna sita Baasaboor wadan kale, balse dalku u baahan yahay nin aan Baasaboor dal kale sedan oo degan wadanka.

 

Isku soo wada duuboo Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe rayiga ay bulshada inteeda badan ka bixiyeen hadalada iyo doodaha dadweynaha waxa muuqata in aanu Faysal dalkan iyo dadkan Somaliland Hogaamin Karin, kasban Karin.

 

Si kasta ha ahaatee waxa muuqata marka aad bulshada dhex marto ee aad waydiiso manta cida kaliya ee dalka Hogaamin kara, Horumarna Gaadhsiin kara oo dalka iyo dadka u daacad ah? Waxa ay kugu jawaabayaan in maanta Madaxweynaha kursiga ku fadhiya cid uga daacadsani aanay jirin, islamarkaana uu yahay Madaxweynaha kaliya ee maanta Caalamka u soo istaagayo uuna keeni kara dalka Aqoonsi Caalami ah.

 

Haddaba tan iyo markii uu Madaxweyne Mudane Daahir Rayaale Kaahin kursiga ku fadhiistay waxa uu waji cusub ufuray siyaasaddii Arrimaha Dibada oo uu Guulo wax ku ool ah ka gaadhay, waxa kale oo uu intii kursiga ku fadhiyay kalka ka hir galiyey 3 Doorasho oo waayahooga lahaa, kuna cusbayd bulshada reer Somaliland.

 

Ciise Ismaaciil Axmed

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad ayeeba damaashaad u tahay waxaan shaqaaqa ah ka dhacaayo meeshaas. You can almost smell the euphoria on the surface on the disintegration of Waqooyi. Dad ayaa aad ugu farxaayo. Xaasid saan u camalfalaayo waxba ma dhaamo xaasidka dhanka kale joogo oo ku faraxsan waxa ka dhacaayo Koonfurta.

 

Soomaali wax sheeganaayo saan xaasid iskugu noqday. Yaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Sad really, these politicians should not destroy the peace of North West Somalia.

There is no peace in the North. The peace ended when they invaded Lascaanood and displaced thousands of civilians.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

“Madaxa isuma kaayo xidhi kartid, Maxamed Siyaad Barre ayaa isugu kaayo xidhi waayey, Sheekh Bilisaa na fali kari waayey ama Libaax soo qal ama Waraabe soo qaloo nama qabto annaga sixirku”

JB Sixirka iyo falkuna siyaasaday ka mid yihiin miyaa?

 

Dad ayeeba damaashaad u tahay waxaan shaqaaqa ah ka dhacaayo meeshaas. You can almost smell the euphoria on the surface on the disintegration of Waqooyi. Dad ayaa aad ugu farxaayo. Xaasid saan u camalfalaayo waxba ma dhaamo xaasidka dhanka kale joogo oo ku faraxsan waxa ka dhacaayo Koonfurta.

 

Soomaali wax sheeganaayo saan xaasid iskugu noqday. Yaab.

MMA, Qofku wuxuu yahay ayuu ku moodaa, haddii adiga bahalka xasadku kaa buuxo, dadka kale sidaada ha u malayn, JB waxa aan ka hadlayo waa fahamaye adigu maxaad xaggaas noogu qaaday haddii aadan JIRRANAYN?

Share this post


Link to post
Share on other sites

so your choice is a meeyoo..(u know his bad name..pus-cat) and hyena!! no problem there... i would definitely be with the waraabe when it comes to the animal kingdom!! lool. but no yeey.. thats french poodle..azz kisser!!

 

hey ce la vie!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Waraa black magic used to be southren speciality but now looks like the north is also picking up the habit. I used to hear from places like marka and afgooye people are turned to crocks and donkeys if they ever messed with the wrong people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think most of those stories were made up niyow ,,,, but some are still true and we have some masters from those areas living here ,, they can be used u know ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Indeed some are made up but a lot are true though. My aunt once told me about a true story that took place in her mogadishu neighborhood back in the days. She told me about a guy name ahmed, a shoe repairs man who had a stole beside her home . The guy was making good money as he was the only one in the neighborhood and made lots of loyal customers in the process. After a while another shoe repairs man spotted the place and opened another stole right beside him. The ex-shoe repairs man was friendly dude and he welcomed the new guy and kept his business as usual and the money kept following to his direction as everyone knew him very well. The other guy somehow got very jealous and have resorted to black magic to take away his neighbor's loyal customers. Anyhow he made something that would make mr. Ahmed to fall for sleep every morning when he opens his stole. Every morning whenever one of ahmed's customers arrive, they would wake him up to fix their shoes but he would decline and would point to the other guy and say "my friend will take care of you". Some people in the neighborhood took note of ahmed's continues naps including my aunt. But no one thought about black magic as most of the people in the area were from outside mogadishu. Sometime have passed until one day a milkmaid, a lady that used to bring milk in the neighborhood broke the silence. She asked my aunt if anyone in the neighborhood was sick and my aunt got suspicious and said "no, why do you ask?". The milkmaid told her that there was a tree in the area with a nile stuck on it and it is making a lot of screams which indicates someone is in pain. My aunt's response was take the damnn thing off and the milkmaid said "helll no". "They might come after me who ever did this thing". To cut some slack off, it turns out no one was sick in the area and only one guy kept sleeping up normally every morning and another guy kept smiling while making some bucks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this