Sign in to follow this  
MVP

Hizbulisla Took over kismaayo administration

Recommended Posts

MVP   

War deg deg ah oo kol dhaweyd nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Ururka Xisbul islam gaar ahaan qaybta Jubooyinka ay ku dhawaaqeen inay kala direen maamulkii ka ariminayay magaalada Kismaayo isla mar ahaantaana ay shacabkii magaalada Kismaayo ku war geliyeen in hantidooda ay xifdistaan oo ayna cidna uga dambayn inta laga soo dhisayo maamul cusub.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidamada Xisbul islaam ee ku sugan magaalada Kismaayo ay xidheen xafiisyada qaar waraaqana ay ku daadiyeen magaalada ay dadka ku ogaysiinayaan in magaalada uusan maamul ka jirin sidaa darteedna ay arimahooda iyagu tawilayaan ilaa iyo inta laga soo dhisayo maamul cusub.

 

Hadalka kasoo yeedhay Ururka Xisbul islaam gaar ahaan qaybta Jubooyinka ayaa yimid muran iyo khilaaf dheer kadib oo la xidhiidhay maamulka magaalada Kismaayo oo u dhaxeeyay labada urur(Xisbul islaam iyo Al-shabaab).

 

Labadan Urur ayaa bishii Agoosto ee kal hore si wadajir ah magaalada ugala wareegay maamulkii qabaliga ahaa ee uu hogaaminayey Barre Hiiraale.Waxayna si wadajir ah u dhiseen maamul kumeel gaadh ah oo loogu tala galay inuu magaalada ka arimiyo mudo 5-bilood ah.Kolkii ay dhaamatay mudadii loo igmaday maamulka oo ay balantu ahayd in maamul cusub lasoo dhiso ayay Masuuliyiinta Ururka Al-shabaab diideen in maamul cusub loo dhiso magaalada iyagoo sheegay inaysan jirin baahi loo qabo maamul cusub.

 

Dhinaca kale Ururka Xisbul islaam ayaa isagu ku adkaystay balantii horay loo wada galay oo ahayd in 5-bilood kadib maamul cusub la dhisi doono.Si kastaba ha ahaatee khilaafkii arintan ku saabsanaa ayaa cirka isku shareeray ilaa ay ku dhawaatay in labada Urur ay ku dagaalamaan magaalada. Khilaafkii oo halkiisii maraya oo ay dadka xog ogaalka ahi isweydiinayaan goorma ayay ka dhex dhici doontaa ayaa ilaahay amarkiis waxaa qarxay dagaaladii Xamar oo sababay in khilaafkii ku saabsanaa maamulka magaalada Kismaayo si kumeel gaadh ah meel la isaga dhigo islamarkaana loo gurmado ciidamada labada Urur ka tirsan ee magaalada Xamar kula dagaalamaya ciidamada DKMG.

 

Waxaa jira dhacdooyin badan oo xasaasi ah oo ka dhex dhacay labada Urur dhexdooda oo aan xog ogaal u ahayn hase yeeshee aanu go'aansanay inaanan tabinin anagoo ilaalinayna midnimada iyo wada jirka Muqaawamada.

 

Kolkii ay qaboobeen dagaaladii Xamar ayaa hadana mar labaad uu soo laba kacleeyay khilaafkii ku saabsanaa maamulka magaalada Kismaayo ilaa uu gaadho heer maanta Ururka Xisbul islaam uu waraaqo ku daadiyo magaalada Kismaayo oo uu ku war gelinayo shacabka in maamul uusan magaalada kajirin.

 

Dhanka kale majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Ururka Mujaahidiinta Al-shabaab oo la xidhiidha arintan, lamana garan karo halka ay ku biya shuban doonto khilaafka labada Urur ee la xidhiidha maamulida magaalada dekedda ee istaraatijiga ah ee Kismaayo.

 

Wixii kasoo kordha arimahan kala soco Warsidaha madax banaan ee Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
MVP   

It's about time to told alshabaab get lost. let the locals administer them seld. it was insult to them to have some outsider who does not anything about waamo dictate thier life. turki mistaken them when appointed them last year.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this