Sign in to follow this  
Liibaan

Kulan dhexmaray Hogaanka SSC iyo Madaxwayne Geele

Recommended Posts

Liibaan   

hogaanka%20ssx%20xol.jpg

 

geele.jpg

 

kulan wayne oo dhexmay hogaanka SSC. oo weheliyaan Isimada SSC ee jooga Jabuuti iyo Madaxynaha Jabuuti Ismaciil Geelle

 

Waxaa Maanta Kulan ku dhex Maray Aqalka Madaxtooyada Dalka jabuuti Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti iyo wafti ka Socday Hogaanka Badbaadada iyo Mideynta SSC oo ay weheshaaan Issimada Jooga Jabuti .

 

Kulankan oo ahaa Mid Waji wanaagsan ku dhacay ayaa ku dhamaaday is afgarad iyadoo laga wada hadlay dhibaatada deegaanada SSC iyo Xaalada Dalka Soomaliya Guud ahaanba .

 

Madaxwayne Geele ayaa sheegay Inuu taageerayo Hogaanka sidii uu Hawlihiisa u Gudan lahaaa Kuna Baaqay In la raadiyo Midnimo Soomaliyeed Hogaankuna Noqdo Mid Somalida isu keena

 

Kulankan oo qaatay Muddo dhawr saacadood ah ayaa Ku dhamaatay waji is afgarad ah iyadoo laga Balamay sidii wax looga qaban lahaa talooyina looga gaysan Lahaa dhibaatooyinka ka jira Gobalada Sool sanag iyo Cayn iyo guud ahaan Somalia

 

Issimada Ayaa ka Mahadceliyay Madaxwayne Ismail Cumar Geele dadaalka uu ugu jiro Una Galay Raadinta Midnimo iyo Dowlad Soomaliyeed iyo Sida walaalnimada ah ee uu u Garab taaganyahay shacabka Soomaliyeed

 

XLO www.xargaga.com

 

(Jabuuti) 26.12-09 Waxaa maanta kulan dhexmaray Waftigii isugu Jirey Isimadda , Hogaanka iyo Madax ka socota Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti

 

Dhanka SSC waxaa kulankan u matalayey Labada Garaad , Garaad Jamaac Garaad Cali iyo Garaad Cali Buraale , Hogaamiyaha SSC Dr: Suleiman Ciise Axmed halka Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil C. Gelle iyo Raxan ka tirsan Golaha wasaaradda ee Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Kulanka oo saacado badan soconayey ayaa waxaa looga wada hadlay Xaalada SSC iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka oo halkaas ay ka soo jeediyeen Waftiga SSC ee isugu jira Hogaanka iyo Isimadda.

 

Waxaana dhanka Jabuuti Madaxweynahoodu balan qaaday in uu dhinackastaba dadka SSC wax la qaban doono. ayaodo halkaas lagu balamay iskaashi labada dhinac oo dhankastaba leh. War wuxu intaa ku daraya in Hogaanku ay gudaha geli doonaan ka hor inta uusan shirka Hol hol uga furmaya isimadda uusan bilaamin.

 

Widhwidh Online News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this