Sign in to follow this  
Kamalu Diin

What a leader Galaal!

Recommended Posts

Jen. Galaal “Itoobiyaanku wey sii socdaan ee dadka aan waxba ka tari karin ee daan daansaya waxaan leeyahay daaya”

 

Jen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee ciidankii xooga

dalka Soomaaliya ayaa talo u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka

Banaadir, isagoo kula taliyay kooxaha wax weerara inay joojiyaan weerarada ay ku

hayaan ciidamada Itoobiyaanka oo uu sheegay in seemberi iyadoon wax qasaare ah la

gaarsiinin ciidankaasi ay shacabka Soomaaliyeed u geysanayaan qasaare xoogan oo naf

iyo maalba leh.

Sidoo kale, Jen. Galaal ayaa xusay in uusan la yaabaneyn sababta ciidamada

Itoobiyaanku ay madaafiicda ugu ridaan shacabka Soomaaliyeed marka weerar yar loo

geysto, isagoo sheegay in tabaha qofka ciidanka ah la baro ay ka mid tahay in haddii

wax lagu rido aysan la baqin waxa ay hayaan ee ay iyaguna ka bixiyaan jawaabo aad u

kulul “Waxaan kula talin lahaa kooxaha aan dantooda garaneyn iyo danta shacabka ee

wax ku tuuraya goobaha ciidanka Itoobiya, waxaad leyneysaan caruurt iyo dadka

waayeelka ah ee iska daaya, nimankaani waxay noo sheegeen inay baxayaan mar ee ha

laga daayo taa taabashada aan waxba looga qaadeyn” ayuu si kulul u yiri Jen. Galaal

oo si weyn u dhaliilay kooxaha wax weerara.

 

Dhinaca kale, Jen. Max’ed Nuur Galaal ayaa talooyin u soo jeediyay dowladda

federaalka KMG Soomaaliya isagoo sheegay in loo baahan yahay in dowladdu ay ka

dhabeyso balan qaadyadeeda ah inay dib u heshiisiin qabaneyso inay dadka

Soomaaliyeed wax u qabaneyso, isagoo sidoo kalena kula taliyay in hub ka dhigista

dalka ay u marto dad qabiiro ah iyo System toosan.

 

Garaad Salaad Xirsi

garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this