Sign in to follow this  
Paragon

Foreign exodus in Bosaso

Recommended Posts

Paragon   

When did this foreign exodus begun, I wonder? 2500 people comprising of Ethiopians, Sri-lankans and Tanzanians? Damn. Its a crazy world. Yesteryear, there were hundreds of Zanzibaris seeking asylum in Xamar. Whats the attraction?

 

 

Ajaanib ku qulqulaya Bosaso

 

Axmed-Kismayo BBCSomaliOnline

 

Dadkaas galaya Bosaso oo iskugu jira Itoobiyan, Syrilanka iyo Tanzain ayaa haatan waxay dhibaato badani ka haystataa xagga nolosha iyo jawiga kulul ee magaalada Bosaso, ka dib markii ay joogsadeen safarradii doonyaha tahriibta ah.

Dadkan oo haatan tiradooda lagu qiyaasay 2500 oo qof, ma laha guryo ay seexdaan waxayna daadsan yihiin gidaarada magaalada iyo dhirta waawayn hoosteeda, mana hayaan wax shaqo ah; marka laga reebo tira aad u yar oo ka xoogsata dejinta iyo raridda alaabada.

 

Maadaama aysan ku hadli karin Afka Soomaaliga, waxa dadkaan aad ugu adag inay dadka u sheegaan waxa ay doonayaan sidaa awgeed marka aad dhexmarto magaalada Bosaso waxaad arkaysaa qaar badan oo ku biiray dadka dawarsada ama tuugsada.

 

Inta badan dadkani waxay uu ka yimi dalka Itoobiya, muddo haatan laga joogo saddex bilood waxa mar keliya magaalada Bosaso soo galay dad gaaraya 600 oo qof oo Itoobiyaan ah, waxa kaloo jira kuwo kale oo iyagana u dhashay dalka Syrilanka oo tan iyo bartamhii sanadkii hore ku soo qulqulayay magaalada Bosaso.

 

Muddooyinkii hore dadka tahriibta ah waxay u badnaan jireen dad dhallinyaro ah, hase ahaatee waxa hadda ku soo biiray dad xaasas ah oo ay wehliyaan haween iyo caruur aad u tira badan.

 

Urur Samafaleed oo haween sameeyeen

 

Ma jiro wax samafal ah oo dadkaa loo fidiyay marka laga reebo ururada wadaniga ah qaarkood oo mar-mar gacan u fidiya dadkaas, Ururka Midaynta Haweenka Soomaalida (SRWU) ayaan haatan waxa uu wadaa olole dadkaas loogu gargaarayo.

 

Boosteeyo Siciid Yusuf oo ururkaas madax ka ah ayaa ii sheegtay inay haatan quudiyaan dad gaaraya 480 oo qof oo ka kala yimi Itoobiya, Syrilanka iyo Tanzaniya, iyagoo la kaashanaya xafiiska hay'ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Bosaso, waxana dadkaas ilaa hadda la siiyay raashin ku filan muddo toddobaad ah.

 

Qaar ka tirsan dadkan Syrilankaha oo gaaraya ilaa toban qof ayaa Hay'adaha Qaramada Midoobay waxay u aqoonsadeen in la siiyo magangelyo siyaasadeed waxana haatan si ku meel gaar ah gacanta ugu haya Ururka Midaynta Haweenka Soomalida sida ay ii sheegeen masuuliyiinta ururkaas.

 

Marka laga yimaado dadka ajnabiga ah waxa iyana jira dad Soomaali ah oo ka soo barakacay gobollada Koofureed ee dalka, kuwaasoo iyana aan hooy iyo degaan wanaagsan ku haysan magaaalada Bosaso, haatan ayaa waxa socda qorshe la xiriira sidii dadkaas loogu heli lahaa meel ay degaan.

 

Dadkaas oo gaaraya 38 kun oo qoys sida uu sheegayo tirakoob dhowaan laga sameeyay, waxay ku nool yihiin ilaa 12 xero oo ku yaal daafaha magaalada Bosaso meelahaas oo aan lahayn adeegyadii asaaska u ahaa nolosha bulshada.

 

Maamulka Puntland ayaa dhowaan bixiyay dhul gaaraya 1 Km oo isku wareeg ah oo loogu tala tala galay in guryo looga dhiso dadkaas, kaasoo ay dhismahiisa iska kaashanayaan qaar ka mid ah Hay'adaha Qaramada Midoobay.

 

Haddii uu qorshahaasi hirgalo waxa la hubaa inuu wax wayn ka beddelayo nolosha dadka faraha badan ee ku nool guryaha ka samaysan baakadaha iyo bacaha aan looga gabban Karin kulaylka iyo qabowga midnaba.

 

Source: www.bbcsomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this