Sign in to follow this  
Scientist

....MOGADISHU;Business as usual....

Recommended Posts

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhacay degmada Yaaqshiid Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhacay degmada Yaaqshiid

 

Mogadishu 13 Nov. 05 ( Sh.M.Network) Waxaa bilowday isku day lagu doonayo in lagu joojiyo Dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Maxkamada, Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhacay degmada Yaaqshiid islaamka ee degmada Yaaqshiid iyo maleeshiyooyin degaankaasi ku sugan, iyadoo ay sii xoogeysaneysay rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhginac ka dib markii ay burburtay saakay waan waan la doonayay in lagu joojiyo dagaalka, waan waantaas oo ay wadeen odayaal iyo waxgarad ka tirsan labada dhinac.

 

Isku daygaan oo ay bilaabeen odayaal iyo culuma udiin ka tirsan labada dhinac ayay ku doonayaan in xabad joojin ay ka dhex sameeyaan ciidamada maxkamada islaamiga ee degmada Yaaqshiid iyo maleeshiyooyin degaankaasi ku sugan, iyadoo dagaalkuna uu si teel teel ah uga socdo goobihii saakay uu ka bilowday dagaalka ee saldhiga degmada Yaaqshiid Gurigii uu ku soo dagay Ra'isulwasaare Geedi markii uu yimid magaalada Muqdisho iyo agagaarkiisa.

 

Dagaalkaan oo saacado dhowr ah socoday ayaa waxa uu geeystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo tirada dhimashada ay gaareyso 10 ruux oo uu ka mid yahay ilo yar oo rasaas habow ah ay ugu tagtay gurigoooda oo ku yaala Xaafadda Buulo Barrey oo ka tirsan degaanka Suuqa xoolaha, iyadoo isla goobtaasina ay ku dhaawacmeen labo ruux oo dumar ah sida uu Shabelle u xaqiijiyay suxufi madax banaan oo goobtaasi tagay.

 

Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku saabsan khasaaraha dagaalkan ka soo gaaray inkastoo uu xaqiijiyay wariye ka tirsan Shabelle oo tagay isbitalka Madina in la geeyay isbitalkaasi ilaa 14 ruux oo ku dhaawacmay dagaaladaasi, kuwaasi oo isugu jira Maleeshiyooyinka labada dhinac iyo dad rayid ah oo rasaas ay ku haleeshay goobta dagaalka, waxaana dhaawacooda uu daran yahay 11 ruux oo ka mid ah dhaawacyadaasi.

 

Wariyeyaal ka tirsan Shabelle oo tagay goobta dagaalka ka hor intii aysan bilaaban israsaaseynta ayaaney u suuro galin in ay la kulmaan Gudoomiyaha maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho si ay wax uga ogaadaan waan waanta la doonayay in lagu joojiyo dagaalkan iyo qasaaraha dhinacooda inta uu la eg yahay balse, daqiiqad uun ka dib ayaa waxaa bilowday rasaas xoogan oo kooxaha maleeshiyooyinka ah ay la beegsadeen ciidamada maxkamada islaamiga, iyadoo xaaladuna ay noqotey mid adag oo qof kasta uu doonayay in uu la baxsado nafsadiisa.

 

Gudoomiyaha Maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh Shariif oo saakay wareysi ay la yeelatay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu ka duwan yahay wajigii Shneemooleeyda iyo ciyaal xaafadeedka uuna isku badalay dagaal siyaasadeed, isagoo carabka ku dhuftey in weerar looga soo qaaday saakay Gurigii uu ku soo dagay Ra'isulwasaare Geedi markii uu yimid Muqdisho, waxa uuna xusay in maleeshiyooyinkaasi ay ku hubeysnaayeen gaadiidka dagaalka.

 

 

 

Dagaalkaan oo aan wali si rasmi ah u istaagin ayaa waxaa jira is rasaaseyn teel teel ah oo labada dhinaca ay isku ridayaan, iyadoo dad aad u fara badan ay ka qaxayaan halka dagaalka uu ka socdo.

 

Dagaalkaan oo saakay bilowday ayaa salka ku haya shineemooyin ay albaabada u laabeen maxkamada islaamiga degmada Yaaqshiid, ka dib holwgal ay shalay ka fulisay degmada Yaaqshiid oo ay ku xir xirtey dhowr shineemo.

 

 

Shabelle Media Network, Mogadishu

 

 

Warar Maqal ah

Sat 8am 1:30Pm 7Pm

Sun 8am 1:30Pm 7Pm

Mon 8am 1:30Pm 7Pm

Tues 8am 1:30Pm 7Pm

Wed 8am 1:30Pm 7Pm

Thur 8am 1:30Pm 7Pm

Fri 8am 1:30Pm 7Pm

Wareysi

Geedi oo wareysi dhinacyo badan taabanaya ay la yeelatay Shabelle

Diiradda Shabelle

Morgan oo ka qeyb qaatay Barnaamijka Diiradda

Qudbad xasaasi ah

Qudbad xasaasi ah uu Jeediyay C/lahi Yusuf Xiligii dowladii Carta

Shabelle Producers Shabelle Technicians Shabelle Reporters Max'ed Amiin Mustafa Xaaji Aweys Short Maxamed Yuusuf MCF Afgooye Farxiyo Yuusuf Cabdi Cuud Taajirow Cumar Shaam Cali Suxeyfa C/rashiid Rashka Ismaciil Faarax Xasan Kalkata

Shabelle Anchors Shabelle Reporters Shabelle Technicians Sahro Yuusuf Farxiyo Yuusuf Axmed Taajir Cabdi Cuud Max'ed Yuusuf Colaad Rashka

Shabelle Anchors Shabelle Reporters Shabelle Technicians Muqdisho Jakuul Colaad Boodhari C/sataar C/qaadir Honest Xamdi Xiise NAIROBI Maryan Qalanjo S/Africa Gentle Man Kismaayo Farxaan Lafoole Gedo Axmed Saalixi BAYDHABO Max'ed Cadaawe HIIRAAN Ambiyo Nuur BAKOOL Abuukar Karyare AFGOOYE Axmed AC SH/HOOSE Xuseen Geeseey MARKA Max'ud C/qadar HARGEYSA Barqad GALKACYO Farayaamo BARI Xaamud C/lahi

Shabelle Reporters Shabelle Technicians Fantastic C/shakuur Cali Ajey Axmed Yare C/naasir Cali Hiiraan

 

 

© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this