Sign in to follow this  
Che -Guevara

Khilaaf Weyn oo soo Dhexgaley Madaxda Wanderers Party

Recommended Posts

Khilaaf Weyn oo soo Dhexgaley Madaxda Sare Wanderers Party

 

Waxaa maanta soo shaac baxay in khilaaf xoogan so kala dhexgali laba mas,uul ugu sareysa Wanderers Party Haatu Afjuunti iyo Che Laxsankataabte. Rag udhow laba mas'uul oo rabin magacooda inla baahiyo baa noo sheegay khilaaf salka kuhayo natiijada kasoo baxdey shir dhexmarey Wanderers iyo jabhada FLNO oo gudoomiyaha uyahey Kamavi Cagayare. Shirkaan baa lagasoo wariyey inee jabhada FLNO ku cagan seertey taladii iyo caawimadii Wanderers siin jireyn walaalahood gumeysiga dagaal kulajira.

 

Rag udhow Che oo rabin magacooda inla shaaciyo baa noo sheegey Che inow yiri FLNO weeyku jisaartey Wanderers laakinse Haatu wuxuu yiri dhibka dhaca maanta ma,ahaa mid FLNO raali katahey. Haatu waxuu ka dhawaajiye isku dirkaan ka,imanayo qeyr masuulnimida Cagayare kaasoo ah nin looga shakisan yahay inoow gumeysiga xiriir hoos la,leeyahey. Khilaafkaan baa lagacabsi qabaa inuu cirka isku shereero. Dad badan caawa dhagaha waxeey ku hayaan Gaariso iyo Xamar.

 

Warar aan la,hubin baa sheegaya Mujaahid A&T iyo Mujaahid The Zack inee ka caroodeyn Cagayare siduu ula dhaqmey Haatu iyo Che taasu ku tilmaameyn midla dhigmata dhacdadii Natanyaaho iyo Baadin.

 

La Suco Waxii Cusub..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

War Deg Deg Ah: Afjuunti oo u digay Cagayare

 

War saxaafadeed uu dhowaan soo saarey Mudane Haatu Afjuunti ayuu ugu digay Kamavi Cagayare oo uu ugu yeerey "nin kasoo horjeedo danta guud".

 

Dignaanshadan ayaa timid kadib markii la sheegay in jabhada FLNO ay ku gacan seyrtey taladii iyo caawimadii ay Xisbiga Wonderers ay siin jireen walaalahood gumeysiga ku nool.

 

Afjuunti wuxuu ugu baaqey taageereyaashiisa meel walbo ay joogaan, in ay hor keenaan Cagayare geeri ama nolol maadaama uu caqabad ku noqdey xoreynta ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu yiri "ninkaas wuxuu u shaqeeyaa gumaysiga madow...wuxuunan arki karin nuurka weyn oo ifaaya, oo ummadda Soomaaliyeed oo dhan u ifaaya...waxaa lama huraan ah in la qabto ninkaas inta uunan gumeysiga inoo gacan gelin."

 

Afjuunti oo war saxaafadeedka ka soo saarey magaaladda Gaarisa ayaa la sheegay in daqiiqadihii la soo dhaafey uu u duulay caasimadda Soomaaliya Muqdisho, si uu ula kulmo hogaamiyaha xisbiga Wonderers, Jaalle Che.

 

Wararka naga soo gaaraaya Boosaaso ayaa inoo sheegaaya in la tuhumsanyahey in Cagayare uu ku dhuumaaleysanaayo guriga nin la yiraahdo Mr. Somalia; ninkaas oo la aaminsan yahey in uu had iyo goor u taagan yahey dhabar goynta iyo la dagaalanka gumaysi diidka Soomaaliyeed.

 

Waxaa kaloo la sheegayaa in Rudy Diiriye oo ku sugan Mareykaanka, uu soo sii daayey rap-video cusub oo uu ku taageeraayo Haatu.

 

Waxaa la filanaayaa in saacadaha soo socda uu Che soo saari doona war saxaafadeed uu uga hadlaayo arintan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Tigreega oo la ilxun wararka dhiillada wata ee ay jawaasiistu ukeenaan :D

 

 

Dawlad kasta oo jirtaayi waxa ay leedahay jawasiis iyo sirdoonno darsa wax kasta oo quseeya danaha wadankaas.Laan kasta oo sirdoon oo wadan leeyahay waxay kala huftaa dhamaan xogaha ay keenaan jawaasiistoodu.Dwladda Itoobiya oo ah dawlad aad u da’wayn ayaa waxaa hubaal ah mar kasta in jawaasiisteedu ay jabiyaan ama ay kuridaan khalkhal.Qormadaydan waxaan rabaa in aan ku ifiyo siyaabaha ay Itoobiya ujabiyaan jawaasiisteedu.

 

Inkasta oo ay caado utahay gumayste kasta in umadda uu gumaysto uu ku dhex yeesho jawaasiis mar kasta usoo tabisa khataraha kaga imaan kara bulshada,lana soo socdsiiyaan wax iska badala fikirka dad waynaha.Laakiin hadii cidda wax adeejinaysaayi ayna wax badan oo aqooneed ama siyaasadeed ku dhaamin kan ay adeegsanayso waxa dhacda in xog kasta oo oo ay jawaasiistu keenaani ay kuwii dirsaday kurido argagax.

 

Xukuumad kasta oo Itoobiya ka dhalataayi waxa ay samaysataa jawaasiis aad ufara badan oo ay ugu talo galeen inay usoo tabiyaan wax kasta oo iska badala maanka dadka iyo cid kasta oo wada arimo kazoo horjeeda danaha Itoobiya.Laga soo bilalabo Xayle Salaase jawaasiista ay Itoobiya ka samaysatay dhulka ********ya oo aad ubadan ayaa waxa ay lahaayeen magacyo badan waxaana kamid ahaa,Qabalee Mahmar,Gabareey Mahmar,Tadhaaqii iyo Fadana-daraash.Dadka Soomaalida ********ya magacyada af Soomaaliga ah ee ay qaarkood ugu yeedhaan ayaa iyagana waxaa kamid ah : Koofiyad dhuub,Dabaqoodhi,Ha-waarin iyo kuwo kale.Dhamaan magacyadaasi waxa ay ku tusayaan heerka ay gaadhsiisan tahay adeegsashaha jawaasiista.

 

Hadaba jawaasiistaas faraha badani waxa ay xoogga saaraan in ay wuxuun war ah ugeeyaan Tigreega soo dirsaday si uu ugu farxo shaqada ay soo qabteen,taasoo ku qasabta ay 80% waxa aan jirin ukeenaan,taasoo naxdin iyo argagax kurida mar walba.Waa dambi halis ah in jaajuuskii Itoobiya ushaqaynayay uu yidhaahdo wax war ah mahayo,iska daa in wax lasiiyee isagaa laxidhayaa mar hadii uusan war keenin.Sidaas daraadeed waxa uu ku qasaban yahay in uu wax sheego oo uu iska ilaaliyo maya.Mida kale dadka labadii cadaawad isu qabtaayi waxa uu midba midka kale ku dacweeyaa in uu yahay shufti,Nabad-diid iyo waxyaalo kale,taasina waxa jaha wareer ku raidaa daganaashaha iyo kalsoonida sirdoonka Itoobiya.

 

Sanad kamaid ah sideetamaadkii nin makhaayad kuhaystay magaalo kamid ah magaalooyinka ********ya ayaa waxaa uyimid nin kale oo dhalinta magaalada ah,laakiin maskaxdiisu ayna dhanayn waxa uuna ninkii waydiistay in uu siiyo qado lacag la’aan ah.Ninkii makhaayadda lahaayi arintaas wuu diiday,reason kasta oo uu sheegayna qado ugama suurtoobin.Intaasi markay dhacday ayaa ninkii qadada loo diiday waxa uu aaday xerada talaiska ciidanka Itoobiya,waxa uuna Jeneraalkii ugu sareeyay ee ciidamada oo dhan xukumay usheegay in kaarayaashii iyo beebeeyadii Soomaalida la keenay huteelkaas Hebel (Ninka makhaayadda lahaa magiciisa),isla markaana larabo in ay caawa weeraraan xeryaha ciidanka.Jeneraalkii waxa uu markiiba bixiyay amar ah in si dag-dag ah makhaayadda isweedh looga qabto.

 

Markay ciidamadii isweedh ka qabteen ee ay durbadaiiba galeen makhaayaddii ayaa waxa ay markiiba qoriga dabadiisa ladheceen ninkii makhaayada lahaa oo dareen moog ah iyagoo leh away kaarayaashii iyo beebeeyadii meesha lakeenay?.Intii ay ninka garaacayeen ayaa ninkii qadada loo diiday waxa uu galay jikadii makhaayadda waxa uuna iskii ugu dhargay qadadii makhaayadda taalay.Markuu dhargay ee uu dibadda usoo baxay ayaa waxa uu soo ag istaagay ninkii makhaayadda lahaa oo aad urafaadsan iyo askartii oo miisaska hoostooda wax ka daydayaysa,waxa uu kuyidhi (War miyaad waalan tihiin sidee Kaarayaal iyo Beebeeyo ay ugali karaan miisaska hoostooda,ninku qado in uu isiiyo uyuu ii diiday sidaasaan idiinku soo dacweeyaye meesha iska baxa ).

 

Mar hadii jaajuuska in uu wax shego ay qasab kuatahay iswaydiin malaha in dad badan uu kusheego wax ayna ahayn oo markaan dhagta dhiigga loo daro.Waxaana jira meelo badan oo lagu gumaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsanin oo uun ama iskood loo maagay ama jaajuus in uu wax sheego ku qasbani ku shaambadeeyay waxayna ahayn.

 

Hadaan marka usoo daadagno nimanka hadda haya talada wadanka ee Tigreegu waxay si buuxda ugu kalax tageen samaysashada jawaasiis.Sanadihii hore jawaasiistu marka ay jawaasiistu soo sheegaan meesha ay jabhaddu joogto oo ay ubadan tahay in ay been tahay,waxay narkaaba hawlgalin jireen ciidan lasoo dagaalamo jabhadda lasoo sheegay,ciidankii markuu lug dheer galo ee uu 5 maalmood socod kujiro ee sahaydii ay isla dhamaato ee ay soo noqodka yihiin ayaa jabhadda oo dhulku uu keedii yahay dariiq,tog,laag iyo buurba ukala taqaana ayaa dhexda ku geli goor ay daalan yihiin,waxayna gaadhsiyaan khasaare laxaad leh.Arintaasi waxay noqotay mid muddo badan socota oo ciidankii mooraalkoodii si wayn udishay illaa markiii dambe ay gaadheen in ninkii jaajuus ah ee usoo sheega meel jabhadi joogto isaga ay xidhaan.Dhanka shacabka waxay ku dhiiradeen in marka lawaydiiyo in jabhaddii ay arkeen ay meel kusheegaan run iyo beenba.

 

Qolyaha kililka ayaa iyaguna iyadoo kooxiba rabta in koox kale ay ka tkhalusto ayay kusheegtaa in ay jabhadda tageeraan,taasi waxa ay noqotay furin kale oo dagaal oo ku furantay Tigreega,Si ay furintaas isaga awdaanna waxa ay badalaan maamulka kililka oo ku badalaan kuwo cususb,kuwaasina sidii kuwii ayaa la eedeeyaa,waxay taasi dhaxalsiisay in mudoo kayar 16 sano ay labadaleen 10 madaxwayne kusheeg,illaa iyo hadana masoo afjarmin arintaasi waa arin taagan oo nin walba oo Tigreega kalsooni ka raadsanayaaba uu kusheego kuwo kale kusheeyo nabad diid.

 

Laanta sirdoonka ee Tigreega marka ay soo gaadho xog ah:

 

1. In Hargaysa ay joogaan dad badan oo ONLF

 

2. In ONLF uu hub iyo ciidan uga soo dagay Boosaaso

 

3. In Xamar ciidan ONLF ah kasoo dagay

 

4. In xadka Jabuuti iyo Soomaliya ay kasoo gudbeen ciidan ONLF oo boqolaal ah.

 

5. In kismaanyo ay joogaan ciidamo ONLF ah oo ad utira badan

 

6. In Eratariya ay tababarto ciidan ONLF oo 10,000 gaadhaya

 

7. In Wadamada Yurub ay kajiraan Jaaliaydo mitid ah,oo hadii Malase cagaha dhigo banaanbax oodda kaga qaadi.

 

8. In Maraykanka Kanada iyo Australia ay kuwaas kuwa lamid ahi kajiraan,dhamaantoodna kuwada abtirsada ONLF

 

9. In Kenya iyo South Africa ay kajiraan jaaliyado aad uwaawayn oo aan la loodin Karin.

 

Waxaa markaba usoo baxaysa in ay jirto khatar dhan walba ah dibad iyo gudaba,waxayna saraakiishii Tigreega kuridaa khalkhal iyo argagax iyo in ay jabaan col hortii.Maadaama ay Tigreegu soo jabhadeeyeen ayna ogyihiin xumaanta shakhsiga jaajuuska ah waxaa lahayaa jawaasiis iyo rag badan oo u adeegi jiray oo ay laayeen iyo kuwo xabsiga ku abaaday,taasina waxay kamid tahay jaha wareerka jawaasiistu ku abuuraan oo ka sahwisiiya dhinicii loo socday.

 

W/Q Moktar Gundid

gundid@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^ laa xowla, war buug dhan baad inoo soo qortay. :D

 

It will take time which I don't have currently to read.

 

Until then.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

War Deg Deg Ah: Cagayare oo Tigreega loo gacan galiyay :D

 

Wararka naga soo gaaraayo Jigjiga ayaa inoo sheegayaa in Cagayare oo basaas Itoobiyaan ah, loo gacan galiyay isla Itoobiyaankii uu u shaqeen jirey.

 

La soco wararkeena xiga IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Kamafi - Huhhhhh-deyda waxay timaadaa marka aan la yaabo caqli darada dadka :D

 

 

Sheikh JB - wax aan samayno inoo sheeg :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this