RedSea Posted August 24, 2006 Gabaygu wuxuu ku billaabanayaa:    Allaa mansab leh makaan lagu nastiyo meelo darajeysan  Kii soo miciinsada asaan midig u waayeynin  Isagaa Malaa'igo dirsada ciidan magag weyn leh  Makhluuqiisa isagaan nahoo kownkan maamula y e  Mu'miniin inaan nahay asaan mahadineynaaye  Adna kii maroodiga watee Maka ku soo dulaay  Ee yiri xajkaan soo masixi Mowle gurgiisa  Abrahaad maskaxda liidatiyo magac wadaagtaane  Miyirkaadi kibirkaa qarribay wuu ku muufeyne  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Maan laawe danihiisa moog lagu muraadsanaye  Maxas laaye muudsade dhallaan mahad ma soo celiye  Marin lagu hodaayiyo jid baas mugdi ku guureeye  Marax liita inkastood tahoon murti laguu quurin  Oo ay mamnuuc tahay inaan ***** u maansoodo  Mujrim qooqay inad tahay ayaan dhaar ku marayaaye  Anigoon mashquul kaaga dhigin mas'alo qaangaar ah  Miinleyda suugaan ayaan kuu malgacadeyne  Iyadoon basaas kuu macnayn miinka waad garanne  Waa taan madraso kuu dirniyo macallin waagiiye  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Mukhtaarkii Gumeysiga niciyo Mahdigii Suudaanta  Mandeelliyo Nakruumiyo raggii muujay cududdeenna  Mintidkii Lamuumbaan tabniyo wiil madaale ahe  Maxamuud sidiisii hadduu geesi maamulayo  Mowlaheenna uu garabgaloo marinsan qaadsiiyo  Mar horey Afriikada madow caadka mari layde  Maanka iyo lama quursadeen midabka kooda ahe  Maashaa Alley noqon lahayd meel ammaan badane  Mug shidaal leh oo keydsan iyo macdano nooc nooc ah  Wabiyaal iyadoo ay maraan badu mallaay buuxo  Macaluul dhasheedoo u la'an misir ma tuugteene  Mucaawino ayay fidin lahayd mood intuu haraye  Maafiyo kuwey soo dirtiyo dulli macaanjecel ah  Maqaarsaaryo waxa noogu wacan aad midkood tahaye  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye    Waa meerto dunidani niyahow maalin iyo leyle  Mannixihii dergigu maalintuu miigga soo kiciyay  Muddulkiinnu maalintuu dumee taangi la marsiiyay  Maalintuu xasuuqaye Tigrey meydku tiro beelay  Maalinteey musiibadu dhacdeey qaxe malaayiintu  Maalintu dhul midabdoorsamee dhiiggu mulucleeyay  Midig iyo markaad bidix daydeed meel kastaba eegtay  Mushriggaad sugeysiyo markuu Mulxidba kuu deyrshay  Masiixigad walaalow lahayd kuguba maadeysatay  Adigoo madluunoo bukoo maanka jugi gaartay  Oo ciil madoobaadayoo murugo ooynaaya  Deris lagama maarmee halkaad mudatay waad garanne!!! ( MUQDISHO )  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Munkar ku hadli maayoo adaa ii marqaati ahe  Maganteyda goortaad gasheed muusannaabaysay  Marwooyinka dayacan iyo markaad muluqyo ii keentay  Mas'uuliyadda waanigii gutoo maatidow naxaye  Masaakiin canshuur laga guroo meel u qoondaysan  Marashiyo waa taan kaaga jaray bilo masruufkoode  Waa taan makaan aad degtiyo maalba kuu qoraye  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Maahsane haddii aadan ahayn qalbigu maareystay  Makhaayaddii Taleex Matabcadow meelahaad jiiftay  Martisoorki Soomaaliyeed waa mid aad garanne  Mafafaayga muuskii Jubbiyo khudrad la miisaamo  Muufada adiga oo daldali maraqu hoos yaallo  Macaanaada adigoo hayoon murudna reebeynin  Intaad indhaha mirig siisayeed margatay baa badane  Maamuuskii gobonnimo sidaan macangag kuu sooray  Iyo sidaad nacayb iigu miri waaba kala maane  Mannasheegadkaan diiddanniyo marti ka sheekeyne  Milyan gabayna waan marin lahayn milgo la'aantaaye  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Waa maacaleesh ruux hadduu yara marqaamaaye  Xamar waa magaalee haddaad jaman mushaaxeeda  Meelahaad ku nooleyd haddey muhatay laabtaadu  Mar kaleeto inaad noo timaad ma aha ceebaale  Macariifo adigoo yaqaan Muuse iyo Faarax  Magan Alla adoo dhihi karoon manfac laguu waayin  Maquuniyo haddii aad is tiri khasab ku maareyso  Alleylehe inaad mujrim tahaa marag ma doonta ahe  Miyir inaad qabtoo aad dhantahay minidkan aan joogno  Iyo inaad majnuun tahay ayuu muran ka joogaaye  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Dabinnadaad maleegeyso iyo meeshad xaal geysay  Makrigaagu waa waxan la maqal dunina soo marine  Ma gudbiyo saqiir miijiy iy o mici ku dhiigloo dhan  Marduuf qaada kuwo lagu masliyo odayo ********a  Qamri miiste balwadaha ku mamay oo macsida quuta  Maqaraaruf aan tacab aqoon meheredlaawoo dhan  Xabsiyada intii mudan lahayd mooro lagu owdo  Haddaad maamulkood nala rabtiyo inan musiibowno  Alleylehe inaad mujrim tahaa marag ma doonta ahe  Miyir inad qabtoo aad dhantahay minidkan aan joogno  Iyo inaad majnuun tahay ayuu muran ka joogaaye  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Meel ka dhacyo waa lagu yaqaan ruux is mahadshaaye  Haddaad Malik is moodeyso iyo boqor la maamuuso  Ooy qaar ku maaweeliyaan kaa muraadsanaya  Mudanowda beenta ah haddaad uba maqsuudeyso  Dhabtu waa miskiin inaad tahey marinhabowsheene  Sida macallinkaadii anoo casharro kuu meerin  Oo aan mushaar kaaga rabin fahamka maahmaahda  Anigaa runtii kuu macneyn qaar maldahayeene  Misaal iyo tusaalaan ku siin kuu muraayad ahe  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Mowle nimuu dulleynaayo yaan maaro loo heline  Malaayiin iyagoo hantoo maal adduun haysta  xilal aysan mudan iyo iyagoo mansabyo loo dhiibay  kuwa madaxda lagu sheegayaa aysan uba muuqan  Oo raba malyuun inay dilaan maalmo gudahooda  Kuwa malafsan gurigaada oo miririfleynaaya  Een mucjisee kaa faaruqayn kuguna meeraysta  Oo inaadba soo mayratiyo musqushi kuu diiddan  Minyarooyin siday kuu yihiin minanka kuu jooga  Kuwa ay marwada kuu dhaxdaa kaba masayrayso  Oo meel xishoodkii dhigtayee tuuray maradiisi  Duuflaaladaa miyirka laad tahay misaalkoode  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Mujrim ruux kastoo soo ahaa maxas wuxuu laayo  Maalin buu nabsiga meerayaa madaxa soo qabanne  Miruhuu abuurtuu qofiba muudsan doonaaye  Middiduu afeeyaa ka jari marin halbowla ahe  Doqonkii Manrooofiya xukmay mala' awaalkiisii  Meydkii uu googoyn jiriyo mashaqaduu suubshay  Matantahoo lagaa jeexay oy muuqan dabadaadu  Maqas baa jirkaa taaban iyo mindiyo soofeysan  In maqaarka laga siibi karo Doo ma filanayne ( Samuel Doe)  Mudankiisi yuu helay haddaan been la marinayne  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Mobuutihi Sa'iir yeeshayee looga kala maagay ( Mobutu Sese Seko )  Waxuu marras u xoogsheegto oo macashu laalaaddo  Wuxu midab shabeel soo xirtoo Miririqleeyaaba  Wuxu dheeman miistoo agoon mooraduugaaba  Maalkii dadweyanaha wuxuu meelo geystaaba  Xukunkii muddada dheer ahaa seken ma moodayne  Na mood iyo markuu shacabku yiri macasalaamoo tag  Isagoo miskiin yaabbanoo oo mergiga taagaayaa  Oo Marsheediskii laga la haray uu Milyaard siistay  Oo matoobo hantidiisu tahay uu ku mudan ciidda  Oo marad la luudaaya bey maalin qixiyeene  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Mengistihii galbaday waad ogtahay meeshii uu maraye (Mengistu Haile Mariam)  Maangaab wixii uu xushiyo Qalbi-malaasoo dhan  Maarrey sideedii wuxuu danyarta mooreeyo  Waxa uu midkoodii mintida marag ku taagaaba  Maslaxadda wuxuu diido oo muruq ku faanaaba  Mu'aamarad wixii uu ku dilo niman maqaawiira  Musuqmaasuq waxuu doorbidoo xaqa musmaaraaba  Magaranya hoosteeda iyo xaafaddii Makonon  Madaxtooyadiisii markii la isku meegaaray  Mulacyada sidoodii asoo muska ku hoos dhuuman  Haddii aan Mareykanku baxsheen magli ma seegeene  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Mufsidniintaa Maalik caasiyoo meyti iyo nool leh  Oo mayaci uu ugu darsamay mingis habaarqabe ah  Ayaad lagu misaalyow aduna marinkood haysaaye  Dadkaad marisay ehelkoodi baa mitirro kuu jira y e  Mar uun bay magaalada Addis mashxaradaysaaye ( Addis Abeba)  Makele-na mar baad orod ku mari mugdi habeenkiiye ( Caasimadda Tigray)  Mujrimkii mar baa lagugu oran laayay maatidiye  In milicda lagugu jiidayuu sheegay malaheeye  Haddii aadan meyd noqonninoon malag ku soo doonan  Oo aan madfaca duula iyo miino kula haadin  Mindhinaw inaad jeel ka dhihi adoo maxaabiis ah  Oo ay Maxkamad kuu dambeyn waa mid aan huba y e  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Waxba yaan murtidu ila durkine waxaan ku soo meershay  Muxibbiyo qaddarintaan mudnaa inaad i maamuusto  Abaal magid anoon kaa sugayn oo isaga maarmay  Inaad miyir lahaataan jeclaa ood macquul tahaye  Mandaqaddan holceysaan lahaa miis ku nabadeeye  Maqrib goortaan kuu diray haddaad mashriq u heeseyso  Adeegana maqsuud aad ku tahoy kula macaanaatay  Ood muhallig la kireysto iyo noqotay maal raadis  Maalmaa laguu tirinayaa maanta dabadeede  Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.    Miif miifta duqsigii badshee meel san dagi waaya  Mar uun buu madaarkiisu noqon maraq karaayaaye  Adna dabin rag miiqaa Masyahow mijaha kuu surane  Haddaad taada moogtoo nin kale tiisa kuu meersho  Ood Mowlahoon caabbudniyo Maxamed (SCW) oon raacnay  Muslinnimadii aad nagu nacdoo naguba maagayso  Muqdishaba haddaad karahdayuu ku dhibi muuqeedu  Masaajidka haddaad necebtihiyo Mu'adin sowdkiisa  Hadduu mala-awaalkaadu yahay mariba Soomaali  Marsadii Jabuutiyo Berbera Mudug intaad dhaafto  Marka iyo Kismaanyiyo illaa xeebka Mombaasa  Soo meher xalaalee hadduu tabayo maankaadu  Malahaagu waa riyo haddaad talo maqleysaaye  Nin mariid dalbaday baad tahoo malag hodaayaaye  Is-miidaamin haddii aad rabtiyo inaad is-miineyso  Dad Mujaahidiinaan nahoon mowdka ka cabsoonne  Inaan guul mataankeeda nahay waabad moogtahaye  Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye.    Miimiida is-madluumintiyo munkar la caadeysto  Waa idiin mashruuc muranka iyo deris la maagaaye  Miciinsiga shisheeyuhuna waa meheraddiinniiye  Sidii aabbahaa Minilik iyo Xeyle maanlaawe  Marmarsiinyo beeniyo adoon masabbid joogteynin  Adoon Moosko iyo Waashiton beenta kula meerin  Yaa Mucatab xiraneey adoon duni la meereysan  Madanaa dab kulul kuugu jira maashka daaweyne  Markaan guluf mahiigaan ah iyo maayad soo kicinno  Oo aan xaqii naga maqnaa muruq ku soo doonno  Markaan maanyo kugu soo rogniyo mool ku liqi doona  Adigoo macaaclow hirqaday milix markaad laacdo  Waa waxan hubaa inad matagi qaanta noo maqane  Is-miidaamin haddii aad rabtiyo inaad is-miineyso  Dad mujaahidiinaan nahoon mowdka ka cabsoonne  Inaan guul mataankeeda nahay waabad moogtahaye  Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashnaaye!    Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye  Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye  Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye    ******** DHAMAAD *************    ------------------------------------------------------------- source: alqaadiya.com  Alle-garabsi, Guul iyo Gobonnimo  Inj. Maxamed Cali Cibaar  Delft Holland  Mohamed_ebra@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites