Sign in to follow this  
Suldaanka

Taariikhda noo geli meyso... baarlamaan Soomaaliyeed baa maalin ogolaaday in Amxaaro

Recommended Posts

Xildhibaan Jinni-boqor “Taariikhda noo geli meyso, caruurta Soomaaliyeed ee mustaqbalkana iskuulada loogu dhigi maayo baarlamaan Soomaaliyeed baa maalin ogolaaday in Amxaaro dalka la keeno

 

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradada xoogan kala soo horjeeda madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in aqlabiyada ugu badan ee baarlamaanka ay diidan yihiin ciidamada dowladaha safka hore ayna taasi ku cadeynayaan marka la gaaro xilliga loo codeynayo qorshahaasi.

 

 

“ Taariikhda noo geli meyso, caruurta Soomaaliyeed ee mustaqbalkana iskuulada loogu dhigi maayo baarlamaan Soomaaliyeed baa maalin ogolaaday in Amxaaro dalka la keeno †ayuu yiri xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) oo sheegay in Itoobiyaan-ku aysan jecleyn dowladnimada Soomaaliya taasina ay tahay mid uu ogyahay dhalaanka yar ee Soomaaliyeed, isla markaana C/llaahi Yuusuf isagoo taa maanka ku haya in ay kala weyn tahay kursiga madaxweynenimada ee uu helay.

 

 

“ Waad ogtihiin C/llaahi Yuusuf si xalaal ah laguma dooran ee lacag baa lagu doortay, waxaana maqlaayey lacagtiina hadda waa ka dhammaatay waxaan u maleynayaa in qorshaha uu ciidamada ku doonayo aan laad ku dhufan doono†ayuu yiri xildhibaan Jinni-boqor oo ka mid ahaa ragga ugu dhow dhowaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka hor tartankii doorashada, wuxuuna sheegay xildhibaan-ku in uu la soo shaqeeyey C/llaahi Yuusuf muddo ku dhow 38 sano.

 

 

“Soomaaliya waxey nasiib darro dhaxashay maalintii C/llaahi Yuusuf madaxweyne loo doortay , dadka ku nad-naadaya in shacabku uu qabo baahi dowladeed ayna taageerayaan , waxaana taa marqaati ka ah wareysiyadii uu bixiyey dhowr sano ka hor hadaladii uu ku yiri ee uu ku jaa’ifeeyey qaar ka tirsan qabaa’ilada Soomaaliyeed†ayuu yiri xildhibaan Jinni-boqor wuxuuna sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee u codeynaya ciidamada shisheeye in ay u kala bixi doonaan Soomaali & Soomaali-diid , sida uu yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this