Sign in to follow this  
Dhubad.

Kismaayo - Daa'uud Dirir , A Prominent Businessman Assassinated !

Recommended Posts

Dhubad.   

Marxuum Xaaji Daa'uud Dirir Guuleed CadCad Oo Kismaayo Lagu Dilay Dahurnimadii Maanta Yaase Dilay?.[sawiro hore]

Oct 19,2009

by Kismaayo Gedo-News

Warar faahfaahsan oo aan ka helnay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in daqiiqado kahor lagu dilay magaalada gudeheeda laba ruux oo magaalada si weyn looga yaqaanay, mid ka mid ahaa ganacsade weyn oo ka degaanka caanka ahaa oo hadda ka hor soo qabtay maamulkii odayaasha ee ka arimin jiray magaalada Kismaayo sanadkii 2007.

 

Labadaas marxuum ee la dilay waxa lagu kala magacaabi jiray Dr. Daa'uud Dirir Cadcad oo ahaa ganacsade caan ka ah degaanka, ahaana madaxa odayasha ee maamulkii 2007, sidoo kale waxaa marxuum Dr.Daa'uud la dhintay wiil uu waarid u ahaa oo isagana lagu naanaysi jiray FUR-BAASUUKE.

 

Labadaas qof waxay kasoo bexeen salaadii Duhur ee maanta waxaana lagu dilay meel aan sidaas uga fogayn masaajidkii ay ku tukadeen labadooda.

 

Marxuum Daa'uud Dirir wuxuu maalmo kahor ka yimid magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana lagu wargaliyay markii uu tagay Kismaayo inuu ka boxo magaalada sidaas waxaa ku wargaliyay maamulka Kismaayo ka arimiya ee Al-Shabaab.

 

Dr. Daa'uud rabi ha u raxmadee wuxuu si cad Al-Shabaab ugu sheegay inuusan meelna u socon oo uu joogayo magaalada, laakiin jawaabtii uu helay waxay noqotay dil bareer ah oo maalin cad lagu dilay magaalada gudeheeda.

 

Marxuumka kale ee ay isku haybta ahaayeen wuxuu kula soo tukaday masaajidka wuxuuna ahaa mid kamid ah ilaalada shirkadii bari hore lagu magacaabi jiray SOM-TEL oo haatan ay la wareegtay shirkadda Alyampic.

 

Marxuum Daa'uud laftiisa oo ganacsade si weyn ahaa, wuxuu hadda kahor maamule ka ahaa shirkaddaas lagu magacaabi jiray SOM-TEL.

 

Sida warar xaqiiqo ah ay tilmaamayaan waxaa dilka labadaas marxuum ay ka dambeeyey Al-Shabaab, qaabka loo dilay labadaas qof ayaa la iigu cadeeyey in gaari noociisu yahay TOYOTA [QOOQAN] ay kadaba timid markii ay masaajidka ka baxeen kadibna rasaas la huwiyay, labadooduna waxay u geeriyoodeen rasaastii lala dhacay..

 

Dr. Daa'uud intii uu maamulka Kismaayo hayay waxaa lagu xasuustaa maamul wanaag iyo cadaalad, wuxuuna ahaa madaxa kaliya ee aan yeelan waardiye intuu uu maamulka hayay, wuxuuna si cad waqtigaas u sheegay in malaga dilaya aysan jirin cid ka celin karta, suuqyada iyo wadooyinka ayuu lugayn jiray, sidoo kale gaari kuma socon jirin waqtigaas.

 

Dr. Daa'uud rabi ha u naxariistee wuxuu maamulkii uu hayay ku wareejiyay Yaasiin Nuur Gaas [Yaasiin Raadeer] oo haatan ku sugan magaalada Mandheeraa ee dalka Kenya.

 

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa iminka kacsan waxayna isku badashay mid jahwareersan walina ma jirto cid ka hadashay dilkaas oo dhacay wax yar kahor.

 

Waxaa ay dhamaan bahweynta Gedonet meel kasta oo ay joogaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan xaasaskii, caruurtii, dhamaan reer Cadcad iyo eheladii uu ka baxay marxuumka, janadii fardowso aheyda allaha ka waraabiyo. aamin, aamiin

 

Maxamed Jaamac Faarax-Bare.

 

GedoNET News-Desk Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

According to Halgan.net, Al-Shabaab was behind it because they asked him to leave the town or otherwise he will be killed! Apparently Daa'uud Dirir's presence caused a rift between the top leaders of Al-shabaab in Kismaayo.

 

No comment from Al-shabaab side yet!

 

 

Ganacsade Daauud Dirir oo ay xoogagga Al-Shabaab ku dileen Magaalada Kismaayo

Posted to the Web Oct 19, 13:11

 

Kismaayo:-Allaha u naxariistee waxaa daqiiqado ka hor lagu dilay magaalada Kismaayo ganacsade Daauud Dirir oo ka mid ahaa ganacsatada ka xoogsan jirtay magaalada Kismaayo ,ganacsadaha ayaa waxaa la dilay xili uu soo tukada salaadii duhur iyadoo ay soo daba galeen dhalinyaro hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxaan ay ku dhex toogteen gurigiisa agtiis halkaas oo uu hadda meydkiisu yaalo.

 

Allaha u naxariistee Ganacsade Daauud Dirir ayaa waxaa lala dilay wiil ilaalo u ahaa oo la socday lana soo tukaday Salaadii Duhur,ninka dhalin yarad ah ee lala dilay ayaa waxaa lagu naanaysaa FUR-BAASUUKE.

 

 

Ganacsade Daa'uud Dirir ayaa maalmo ka hor yimid magaalada Kismaayo imaan shaha Daauud Dirir ayaa waxaa uu khilaaf ka kala dhex abuuray Maamulka Al-shabaab ee Kismaayo iyagoo isku qabtay imaanshihiisa magaalada Ksimaayo.

 

 

Ragga ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa ku dooday in ganacsade Daauud Dirir laga saaro magaalada Kismaayo halka Masuuliyiin ka tirsan Maamulka ay arinkaas diideen.

 

 

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa insha Allaahu.

 

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Aamiin,

 

 

Tani waxay dab ku siishidaysaa, Xaalada cakiran ee Kismaayo.

 

Bal aan kawarsugno waxay Al-shabaab ka dhahaan arintaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

alshabaab did what they do best and that is to execute.

 

but Dhubad is right this will probably speed up alshabaab's fall. at the minimum it will cause further division within thier ranks as reports already indicate

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this