Sign in to follow this  
Abtigiis

MICHEAL JORDAN MEETS MAXAMED DHEERE- A PARODY

Recommended Posts

Abtigiis   

Mawlihii na abuurtay ee ninba meel ku ogaa

Michael’ kii Ina Jordan murquhuu ku manaystay

Million buu ku helaa oo Chicago mushaaxaa

Bullskii wada maagtay inta uu kor u qaaday

Maamuus ayna heleen iyo magac waa ka u keenay

 

Miskawaynaha haysta magaaladii Moqdiishaadna

Maxamed dheeraa la yidhaa’oo waxa uu ku mashquulay

Madaafic dadka laysiyo, maamul beenoo la sheegtiyo

Maatidoo baad laga qaado oo midba meel laga tuuro

 

Maxamed oo Memphis gaadhay waakay Mike is arkeen

Micheal baa la horeeyay oo ‘join NBA’ ku salaamay

M.o.r.yaantii madaxeedu madaxuu lulayoo waxa uu ku jawaabay

Mugga! waa maxay caydu? Maan fahmin hadalkaaka!

 

Ma igaar macna wayniyo miisaan aanaba lahaynoo

Mudnayn aabad imooday mise waa turjumaanka?

Midka leexiyay weedha ee anoo maamula dawlad

‘Kubad aan wada dheelo’ murtidii ku aloosay?

 

Micheal’oo aad ula yaaban ninkan aan war ka haynin

MVP haduu qaatoo misaaniyadda sugaysa iyo media coverage’ka

Mar qudhuun ku dhawaaq wiil yaroo alalaasi ‘O my God! The warlord!’

Jordan wuu wis wisoo 'mother f..ker’ mooye weedh kale laga waa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed dheere tolow Michael Jordan ma yaqaan? This is the man who said "dowladaha xuduuda barriga naga xiga aa dhibta ka imaahee" :confused: not knowing there is only big ocean on our east side. And that famous phrase when he was talking about kenyan foreign minister "Xoy yahay waa Ja*****r xunn ah" darn with our (his excellence) mayor of the CAPITAL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this