Sign in to follow this  
ansaar17

Maxkamadaha oo la wareegay xerada CeelCirfiid iyo meelo kale

Recommended Posts

ansaar17   

Malishiyad qabsadey Ceel Cirfiid

1 Apr 1, 2007 - 3:54:02 AM

 

 

 

Ciidamo daacad u ah Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo ka tirsanaa Guddigii Shuuradda Maxkamadihii Islaamiga ee laga awood roonaaday ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanada Ceel Cirfiid, Darmoole iyo Suuqa Xoolaha.

 

Macalin Xaashi oo ka tirsanaa maamulkii Maxkamadihii Islaamiga isla markaana ahaa Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sh/Dhexe ayaa haatan Muqdisho ku sugan isagoo sheegay in ciidamadiisa ay si rasmi ah ula wareegeen deegaanadaasi isla markaana ay ka taliyaan wuxuuna sheegay in ay iska difaaci doonaan wax uu ku sheegay Gaalada iyo inta raacda.

 

Macalin Xaashi ayaa shacabka Muqdisho gaar ahaan dad kasoo jeeda Waqooyiga magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ku soo biiraan walaalahooda Muslimiinta ah ee jihaadka kula jira wax uu ku sheegay ciidamada shisheeye ee duulaanka ku soo qaaday dalka iyo Diinta.

 

Ciidamada dalka Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa shalay isaga caraabay deegaanka Ceel Cirfiid iyo Darmooley sababo aan la sheegin dartood.

 

Waa markii ugu horeysay ee Macallin Xaashi ku dhawaaqo in ciidamadiisa ay ku jiraan kooxaha dagaalada ka wada Muqdisho isagoo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

This guy exposed himself. He has no real force as he claims and thought the ethopians had left for good so he could jump back into action again. He is now easy prey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this