Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Maslax iyo Morgan oo la wareegay dagaal-gelinta Ciidamo ku-wajahan Gobolada Jubooyink

Recommended Posts

Maslax iyo Morgan oo la wareegay dagaal-gelinta Ciidamo ku-wajahan Gobolada Jubooyinka (Shirkada Sirdoonka Mareykanka ee Black-Water oo maal-gelinaysa Dagaal-oogayaashii Soomaaliya)

 

general_morgan.jpg

 

maslah.jpg

 

 

Ciidamo lagu soo tababaray Dalka Kenya oo tiradooda lagu qiyaasay 650 ayaa soo gaaray Xuduuda Libooya Kenya iyo Soomaaliya u dhaxaysa,ciidamadan ayaa loogu tala-galay inay gacanta ku dhigaan Gobolada Jubooyinka,waxaana maalin-gelinaya Shirkad Sirdoonka Mareykanka maal-geliso oo lagu magacaabo (Black-Water)

Ciidamadan ayaa waxaa hogaaminaya Genera Maxamed Saciid Xirsi (Morgan)iyo Ex-Seedigiis General Maslax Maxamed Siyaad-Bare iyo Saraakiil sar-sare oo la sheegay inay ka mid ahaan-jreen Ciidamadii hore ee Milateriga Soomalaiyeed,

 

 

Dagaalkan ayaa loogu tala-galay in lagu wiiqo awooda Kooxaha Islaamiyiinta,iyadoo Gobolada-Dhexe loo xilsaaray Dagaal-ooge lagu magacaabo Cabdi-Shugri,halka Gobalada Gedo iyo Bakool loo xilsaaray inuu dagaalka hogaamiyo dagaal-ooge Bare Hiiraale,isagoo durbaba maanta weerar gaadmo ah kula wareegay Degmada Buulo-Xaawo,

Shirkada Sirdoonka Mareykanka ee (Black-Water)ayaa qandaraas ku qaadatay dagaaladan lagu maal-gelinayo Dagaal-oogayaashii Soomaaliya,inkastoo la filayo inaysan wax guul ah ka gaarin dagaalka,maadaama Shacabka Soomalaiyeed ay ka dharag-siin-yihiin siyaas-xumada Dagaal-oogayaasha

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this