Sign in to follow this  
Kamaavi

Soomaali farabadan oo lagu xidh xidhay Magaalada Addis Ababa

Recommended Posts

Kamaavi   

Dhamaan ama intooda badan xaafadaha magaalada Addis Ababa ayaa saaka ku waabiriistay baadhitaan qaatay mudo dheer iyadoo dhamaan dadkii joogay xaafadaha baadhista lakulmay ee soomalida ahaa loo taxaabay xabsiyada.

 

Lama oga tirada rasmiga ah ee dadkaan xabsiyada loo taxaabay balse waxaa lagu qiyaasayaa inay kabadan yihiin kumanaan iyadoo dhamaan xaafadihii labaadhay aan wax dad ah looga tagin iyadoon la kalasoocin dadka haysta sharciga dalkan Ethiopia ee loo yaqaan mustawiqayad ama kaar qaxootinimo iyo xataa kuwii haystay dhalashada dalalka dibada.

 

Ma ahaan markii ugu horaysay ee Soomalida degan Addis Ababa ay la kulmaa raafka noocan oo kale ah lamana garan karo sababta dhabta ah ee ka danbaysa qab qabashada kediska ah ee saaka lagu ekeeyey xaafidihii ay daganaayeen dadka Soomaaliyeed laakiin wararka saaka la isla dhexmarayo magaalada Addis Ababa ayaa ah in raafkan loola jeedo dad khaas ah sidii horaybau dhici jirtay lana filayo in lasoo dayn doono dadka intiisa kale.

 

 

Addis Ababa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Adiss Ababa Siday Ku waa Bariisatay?

 

34huauh.jpg

 

Wararka shabakada ******today soo gaaraya ayaa sheegaya in labadii bari ee oogu danbaysay magaalada Adiss Ababa ay ka socdeen ol -ole xarig oo lagu soo qab qabtay dad Soomali ah kuwaas iskugu jira muwaadiniinta Soomaalida Ogadeeniya iyo Jamuuriyada Soomaaliya ,Ilaa haatan lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay xarigan balse waxaad moodaa inay tahay talaadabii Kenya ay qaaday oo kale.

 

 

Mid ka mid ah muwaadiniinta Soomalida Ogadeeniya oo u waramay ******today ayaa sheegay inta uu ogyahay in 6 wiil oo dhalin yaro ah laga baxay guryaha xaafada, Magananya 24.

 

Meesha dadka Soomalida ah xaafado kala duwan laga soo qabtay oo ay u badan yihiin xaafada Saaris.

 

Wixii ka soo Kordha kala soco ******today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this