Sign in to follow this  
me

Large Mosques in Xamar: Its Jihad

Recommended Posts

me   

Masaajidada Waaweyn Ee Magaalada Muqdisho Oo Lagaga Dhawaaqay Jahaad Ka Dhan Ah Ciidamada Cadowga Ethiopia

Warkii 26-Apr-2007 iyo Qormadii: faytin

Masaajidyada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xawli ah uga socda is qorista dhalinyaro Jihaad la gasha ciidamada cadowga Itoobiya ee ku soo duulay Diinta, Dalka iyo Qarannimada dadka Soomaaliya.

 

 

Ilaa Boqolaal dhalinyaro ah oo isdiiwaan gelisay kana soo jeeda beelaha Soomaaliyeed oo dhan ayaa haatan qeyb-qeyb u gala dagaallada Muqdisho ee looga soo horjeedo cadowga Itoobiyaanka ee caasimadda Soomaaliya ka wada dagaallada, iyadoo qof walba oo Soomaali ah uu ka dhiidhiyey dagaallada ay Itoobiyaanku ka wadaan Muqdisho oo aan la ogeyn sababta uu uga dagaalamayo gudaha Muqdisho oo wax ka khuseeyaa aanay jirin.

 

 

Sidoo kale Isbitaallada Muqdisho ee dhaawaca dadka rayidka uu buuxo ayaa iyagana waxaa ku sii qulqulaya dhalinyaro dhiig u shubaya dadkaas dhaawaca ah ee ciidamada Cadowgu Madaafiic iyo Hoobiyaal la dhaceen, waxaana dhammaan beelaha Soomaalida ay ka siman yihiin inay dhinac uga soo wada jeestaan cadowga Itoobiyaanka, isla markaana gurmad u fidnayaan dadka ku dhaawacmay dagaallada iyo madaafiicda sida arxandarrada ah Itoobiyaanku ugu garaacayaan rayidka.

 

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalada ka soconaya magaalada muqdisho oo ay ku bara keceen kumaan qoys oo soomaali ah ayaa marba marka kasii dambaysa sii kicinaya dhiiga dadka soomaaliyeed ee wadaniyada iyo diintaba leh iyadoo ay isasoo tarayaan carada xoogan ee loo qabo ciidamada wadanka kusoo duuley ee Ethiopia .

 

 

yaasiin faytin

 

afnugaalnews

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this