Sign in to follow this  
Gar-haye

Ethiopia/TFG Loosing Hiiraan

Recommended Posts

Gar-haye   

Taliyihii ciidamada Nabad sugidda (Sirdioonka) gobolka Hiiraan oo galabta La khaarajiyay

Beerdhiga 28.01.2008 17:48

 

Taliyihii ciidamada Nabad Sugidda (Sirdoonka) gobolka Hiiraan Maxamed Cali Gaaboow ayaa waxaa abaare 5:00 galabnimo ee xilliga Beled weyne lagu toogtay bartamaha Magaalada Baledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Sarkaalkan ayaa wxaa la sheegay in Nin ku hubaysnaa Bastoolad uu ku toogtay bartama Beled weyn ka dibna uu ka baxsaday goobta.

 

Dilkan loo gaystay Maxamed Cali Gaaboow oo ahaa madaxaa ciidamada Nabad sugidda (Sirdoonka) DFKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa uu noqonaya xubintii ugu saraysay ee lagu dilo Magaalada Baledwey ee caasimadda Hiiraan.

 

Falkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ay xalay saqdii dhexe Jentekundisho isaga huleeleen ciidamada gumaysiga ee ku sugnaa goobtaas in muddo ah ayna faarujiyeen gabi ahaanba gobolka hiiraan marka laga reebo deegaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan.

 

Sidoo kale dilkan loo gaysatysarkaalkii ugu sareeyay ciidamada Nabadsugidda (Sirdoonka) ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay cabsi farabadan soo wajahday Maamulka Gobolka hiiraan oo weheshan jiray ciidamada Itoobiya isla markaana aan wax sumcad ah ku dhex lahayn bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

 

Saraakiisha sirdoonka DFKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga ayaa waxay noqdeen kuwa ugu badan ee la beegsado waxana todobaadkii la soo dhaafay gudaha Magaalada Baydhabo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Nabad sugidda (sirdoo).Beerdhiga.org

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

[QOUTE]Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo markale isaga Huleelay Jentakundisho

Beerdhiga 28.01.2008 09:03

 

Ciidamadii Itoobiyaan ka ahaa oo fariisinka ku lahaa Jentekundisho ayaa xalay saqdii dhexe markale isaga huleelay goobtaas ka dib markii ay habeen hore ka guureen intii badnayd ciidamadii gumaysiga oo ku sugnaa goobtaas Muddo sanad ku dhawaad ah.

 

Sida uu noogu soo waramay weriyaha Beerdhiga ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu noo xaqiijiyay in ciidamada gumaysigu ay gabi ahaanba faarujiyeen Jentakundisho oo ciidamadii horay ugu sugnaa ay isaga guureen habeen hore waxaana shalay soo gaaray goobtaas ciidamo cusub kuwaas oo kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay Maamulka Yuusuf daba Geed isla markaana xalay saqdii dhexe isaga guuray.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in badankood ay u gudbeen Feerfeer halka qayb ka mid ah lagu reebay deegaanka Kalabayr oo ah fariisinka kali ah oo ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ka joogaan gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

 

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka aroorinimadi waxay ayaga oo raxan raxan u soconaya ku soo waabariisteen Jentkundisho waxayna dabal deg ka bilaabeen goobta ay isaga guureen Itoobiyaanku ayaga oo la sheegay in ay rasaas kor u ridayaan isla markaana buuxdhaafiyay Buurta weyn ee ku taala Jentkundisho.

 

Dadka deegaanka jentkundisho ayaa ahaa kuwo wajiyadooda laga dheehanayay farxad aan horay loo arag waxayna sheegeen in dhawr jeer ay Itoobiyaanku digniin ugu siiyeen haddii la soo weeraro in aysan kala soocayn ayaga iyo kuwa soo weeraray waxayna ciidamada gumaysigu bur burin kula dhaqaaqeen guryihii dhagaxa ahaa ee halkaa ku yaalay si aan dib loogu isticmaalin taas oo ku tusinaysa cadaawadda ay u qabaan Dalka.

 

Goobta ay ciidamadu isaga huleeleen ayaa waxaa laga helay lafaha Nin lagu sheegay in uu darawal ka ahaa gawaarida isaga kala gooshta gobolada dhexe iyo caasimadda Muqdisho ninkaas oo ay itoobiyaanku mar sii horaysay kala dageen gaarigiisa ka dibna ay dileen.

 

Magaalada Baledweyn ayaa waxa sidoo kale aan maanta lagu arkayn ciidamadii la shaqayn jiray gumaysiga waxayna dhamaan isugu aruureen hoyga Yuusuf Dabageed mana jiraan wax dhaq dhaqaaq ah oo ay ka samaynayan gudaha iyo dibadda magalada toona.

 

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dul deganaa ciidamada gumaysiga Itoobiya tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamiga Soomaliyee isaga soo baxeen muddo haatan laga joogo sanad waxayna itoobiyaanku ka gaysteen tacadiyo aan la soo koobi harin ayaga oo dhawr jeer duqayn u geystay gudaha magalad taas oo geysatay khasaarooyin dhimasho iyo dhawacba leh.

 

 

Geedigan ay galeen ciidamada gumaysigu ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Hiiraan ay weerar qorshaysan oo aad u xoogan ku qaadeen malmihii inna soo dhaafay ciidamada gumaysiga oo ku sugan deegaanka Kalabayr taas oo ay ku dileen tiro askar itoobiyaan ah isla markaana ay kaga gubeen gaari nooca tiknikada loo yaqaano taas oo cabsi weyn ku abuurtay ciidamada gumaysiga oo ku fariisinka ku leh gobolka Hiiraan keentayna in ay isaga baxaan.

 

 

"]www.Beerdhiga.com[/QOUTE]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Wararka

Ciidamo ka guurey saldhig

By

Jan 28, 2008 - 8:07:15 AM

 

 

Ciidamadii Ethiopia ee ku sugnaa Buurta Janta kun Dishee [115] ee duleedka Bari ee degmada B/weyne ayaa qaybtii ugu dambeysay isaga guuray Xalay galinkii danbe gabi ahaanba fariisimihii ay ka degenaayeen halkaas.

 

Guuritaanka ciidamadani ayaa la ogeyn xiligaan waxa ku soo beegay iyada oo dadka deegaanka sheegayeen in saaka ay arkayeen ciidamo aad u fara badan oo ku hubeeysan Dabaadka oo ka sii talabaya xadka uu gobolka Hiiraan la wadaago dhulka Ismaamulka Somalida Ethiopia.

 

Goobta Ciidamadani ka guureen ayaa waxaa ugu yaaley xabsi ay ku xiraayeen sadex qofood kuwaasi oo dib u helay xuriyadooda ka dib markii ay sii daayeen inta aysan ka bixin halkaas.

 

Dad aad u faro badan oo halkasi ka dhawaa ayaa u daawasho tagey saldhigas ay ka guureen iyada oo la sheegayo in ka tageen waxyaabo qarxa isal markaana dhib u keeni kara dadka degaanka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ee halkaasi ka guuray bur-buriyeen dhismayaal ku yaalay deegaankaas.

 

Ciidamada Ethiopi ayaa inta aysan guurin waxa ay shaley kulamo la qaaten sarakiisha ciidamada, Gudoomiyayaasha gobolka iyo degmada ilaa iyo haatana wax war ah kama soo bixin kulankaasi.

 

Ciidmada Ethiopia ah ayaa weli waxaa ay fariisin ku leeyihiin isgooyska kala Beyrka oo 30 KM kaga beegan Woqoyi Bari ee magaalada B/weyne.

 

Lama oga sababta keentey bixista ciidankaan xili ay soo kordhayaan weerarada lagu qaadayo fariisamaha ciidankaan.

 

Ilyaas Guute, Garoweonline

B/weyne

 

 

http://www.garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Ciidamada Itoobiyaanka oo qeybtii ugu danbeysay isga baxay Jentekundisho ee kontaroolka Baladweyne.

Posted to the Web Jan 28, 08:15

 

Ciidamadii Itoobiyaanka ee fariisinka ku lahaa Jentekundisho ayaa xalay markale saqdii dhexe isaga guuray goobtaas xili ay habeen hore ka guureen intii badnayd ee ciidamadii itoobiya ee muda joogay halkaasi.

 

Ciidamadan halkaasi ka baxay ayaa la sheegay in qaarkood ay u gudbeen Feerfeer, iyadoo qaarkalana ku haray fariisinka ciidamada Itoobiya ee lagu magacabo kala beer ee ee Goabalka Hiiraan.

 

Sidoo kale Dadka ku dhaqan agagaaraha halka ay ciidamada faarujiyeen ayaa si weyn u soo dhaweeyay bixitaanka Ciidamadaasi ,islamarkaana soo buuxiyay halka ay ka bexeen Itoobiyaanka.

 

 

Wararka ayaa sheegaya intii ay ciidamada ka bixin Goobtaasi ay kulan laqaateen Gudoomiyaha Gobalka Yuusuf Dabageed Islmarkaana aan la’ogayn wax yaabaha ay ka wadada hadleen.

 

 

Sikastaba ha’ahaatee waxaa Goobta ay ciidamadu ka bexeen ayaa helay lafaha Nin darawal ka ahaa gawaarida isaga kala gooshta gobolada dhexe iyo caasimadda Muqdisho ninkaas oo ay itoobiyaanku mar sii horaysay kala dageen gaarigiisa ka dibna ay dileen sida ay ku warameen dadka magaalada baladweyne.

 

 

Xafiiska wararka Soomaalinews, Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

When Beerdhiga.org,Garoweonline,Soomaalinews writes! You know it's the truth. I know for a fact garoweonline is written by people abroad and i'm sure the other ones are to.

Little advice, don't get believe and get excited over these two bit sites.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

^^^it could be that they are doing there weird rotation, which they abandon the whole area before there next unit comes in, or perhaps they felt the pressure from the resistance and made a necessary military calculation; in which case they were forced to move. No one knows for sure what is in the minds of the Ethiopian generals or the resistant commanders. However, it never hurts to entertain the possibilities here on sol.

 

Somalipride, posting news from different websites does not attest to being excited. It just shows whets dominating the Somali media at that moment. How you interpret it depends on you.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Somalia: Ethiopian Troops Abandon Key Military Base

 

 

 

Email This Page

 

Print This Page

 

Comment on this article

 

Visit The Publisher's Site

 

 

 

 

Garowe Online (Garowe)

 

28 January 2008

Posted to the web 29 January 2008

 

Garowe

 

Ethiopian troops backing Somalia's transitional federal government withdrew from a key military base in the central regions on Monday, witnesses and residents said.

 

Since early 2007, the Ethiopian army maintained a 1,000-strong garrison in a base east of Beletwein, the capital of the central Hiran region.

 

 

Ethiopian army trucks were seen leaving the base on Monday and were reportedly heading west, towards the Somali-Ethiopian border.

 

Ethiopian army

 

The exact number of troops and trucks could not be confirmed, but our Beletwein correspondent reported that the army base was "completely vacant," save for some "explosives material" that worried residents.

 

Three Somalis who were jailed by the Ethiopian army at the base were also released.

 

Before leaving, the Ethiopian commanders met privately with Hiran regional officials, including Governor Yusuf Daboged.

 

No report emerged from that meeting and Somali officials declined comment on these latest developments.

 

But the withdrawal of Ethiopian forces from the Beletwein area coincides with increasing attacks on their position. The Ethiopian army still maintains a small contingent in Kala-Beyr village, near the border, local sources said.

 

Last week, heavily-armed insurgents battled joint Somali-Ethiopian forces in parts of Hiran region.

 

Meanwhile, targeted killings of Somali government officials continued when Hiran regional intelligence boss Mohamed Ali "Gabow" was shot and killed.

 

Witnesses said three men armed with pistols killed Mr. Gabow in front of a hotel in Beletwein town.

 

Relevant Links

 

East Africa

Arms and Military Affairs

Conflict, Peace and Security

Ethiopia

Somalia

 

 

 

One civilian was wounded during the attack. The killers escaped before police arrived on the scene and began questioning potential witnesses.

 

No group has thus far claimed responsibility for the killing, but it becomes the first successful targeted killing of a government official in Hiran region.

 

Regional officials have been attacked several times, including Governor Daboged who was attacked at least two times in the past year.

 

http://allafrica.com/stories/200801290024.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Listen folks, I am all for Somalia and hope that the real Somali army defeat these xabash.

 

No need to claim victory when there are none.

 

But when you see a tactical retreat, call it a tactical retreat.

 

The Ethio's do not want to be pinned down; you must remember these woyane's started of as rebels fighting a conventional army. So they know how to deal in situations like this.

 

Remmember the principles of guerrilla warfare.

 

The enemy advances, we retreat. The enemy camps, we harass. The enemy tires, we attack. The enemy retreats, we pursue.

 

So in my opinion its the Ethio's that are harassing....not the real Somali army. It should be teh other way around.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Odayaal dhaqameedyo u dhashay G/Hiiraan oo maanta warsaxaafadeed ka soo saaray Hadaladii Yuusuf Dabageed

Beerdhiga 26.01.2008 16:23

Odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad u dhashay gobolka Hiiraan ayaa maanta waxay war saxaafadeed ka soo saareen hadalkii Yuusuf Dabageed oo uu uga hadlay dagalkii ka dhacay deegaamka Kalabayr kaas oo dhexmaray ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya oo dhinac ah iyo xoogagga mujaahidiinta oo weerar ku qaaday fariisinkaas.

 

Odayaashan ayaa waxay sheegeen in Yuusuf Dabageed uu raadinayo colaad uu ka dhex abuuro dadka Soomaaliyeed oo kala degan Goboladda Hiiraan iyo G/guduud ayaga oo sheegay in aysan gabi ahaanba waxba ka jirin wararka uu faafiyay yuusuf daba geed oo uu ku sheegay in dagaalka laga soo qaaday Gobolka G/guduud islamarkaana uu ku eedeeyay reer G/guduud in ay ku soo duuleen Hiiraan.

 

War saxaafadeedkan ayaa waxay Odayaashu ku sheegeen in dagaalkii ka dhacay Kalabayr uu u dhaxeeyay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee u dhashay deegaanka Kalabayr iyo ciidamada Itoobiya oo xoogga ku jooga dalka Soomaaliya waxayna ciidamada Itoobiya ugu baaqeen in ay isaga baxan Gobolka hiiraan iyo dhamaan gayiga Soomaaliya.

 

Odayaasha war saxaafadeedkan soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa Garaad Fiidoow Gaaboow, Sh. Maxamed Ibraahim iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee dega Gobolka Hiiraan.

 

Yuusuf Dabageed ayaa waxaa uu ku tilmaamay weerarkii ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ay ciidamada gumaysigu ku leeyihiin Deegaanka Kalabayr mid laga soo qorsheeyay gobolka G/guduud wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay dadka Dadka deegaanka G/Galguduud in ay duulaan ku yihiin G/Hiiraan asaga oo difaacaya ciidamada gumaysigu oo qabsaday dhaman dalka Soomaaliya isla markaana ka wada gaboodfallo aan lasoo koobi karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

^^^and this supposed to be a reconciliatory transitional government. they are the only one trying to ignite tribal hatred and violence. its about time we do away with this institution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this