Sign in to follow this  
Maaddeey

Dhismaha Markaz Ca'isha (Lascanod): wax ku darso

Recommended Posts

Maaddeey   

Warbixinta Dhismaha Markaska Caa’isha ee Laascaanood

Markaska dacwada Caa’isha wuxuu ka mid yahay maraakista dacwada haweenka kuwa ugu waaweyn ee magaalada Laascaanood, waxaana la asaasay sannadkii 2005. Ujeeddada loo asaasayna waxay ahayd waxbaridda dumarka aan fursadaha waxbarsho heli Karin Markaska waxaa lagu qaataa waxbarashada heerka asaasiga ah ee shareecada islaamka. Sidoo kale waxaa loo dhigaa maaddooyinka ay ka midka yihiin xisaabta, soomaaliga, taariikhda iwm, mustaqbalkana waxan rajeynaynaa in lagu daro maaddooyinka caafimaadka, farsamada gacanta , Computerka, iwm.

 

Tirada hadda dhigata waxay kor u dhaafaysaa kun arday oo waqtiyo kala duwan soo galay. Haddaba markaskan oo kiro ahaa, isla markaana gurigii kirada ahaa laftigiisii dadkiisii u baahdeen, ayna codsadeen in looga guuro muddo hadda la soo dhaafay ayaa Alle mahaddii hadda waxaa si rasmi ah u bilawday dhismaha dhul cusub oo markaska loo gaday, kana bilawday meel u dhaw meeshii horey ardayda wax loogu dhigi jirey.

 

Waxaa ololihii lacag u uruurinta dhismaha markaskan cusub ka qaybqaatay jaaliyadda dibedda ee deegaankan gaar ahaan waddammada UK ( London, Bermigham) iyo dalalka Scandanevianka qaarkood , sida Denmark iyo Norwey. Waxaan walaalaha uga mahad celinaynna dedaalka ay sameeyeen, Ilaahayna waxaan uga baryeynaa inuu miisaankooda aakhiro ugu daro.

 

Haddaba dhismihii oo hadda maraya seeskii , ahna mid shub ah ayaan walaalaha waxaan u soo gudbinaynaa muuqaalkiisu meeshuu hadda marayo; si ay ula socdaan, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan walaalaha khayrka jecel oo dhan meel kasta oo ay joogaanba inay ka qaybqaataan hirgalinta markaskaan dacwadeed. Markaskan wuxuu qaybweyn ka qaadan doonaa kor u qaadista aqoonta dumarka, waana mashruuc waqaf ah oo waalidiinta loo niyaysan karo, qofkuna ajar joogto ah ka helayo maadaama uu yahay sadaqo jaariya taasoo ajarkeedu go’ayn inta camalkaasi socdo.

 

Waxaa xusid mudan in kharajka lagu dhisayo dabaqa koowaad ee markaska uu gaarayo $85,000. Dabaqa labaadna wuxuu noqon doonaa wajiga labaad. Dhulka markasku ku fadhiyo waa 30m x 16m . Sababta loo doortay dhismaha dabaquna waa yaraanta dhulka.

 

Ciddii gacan ka gaysanaysa dhismaha markaska Caa’isha waxay la xiriiraysaa guddiga dhismaha markaska oo ah culimo & ganacsato ka kooban 10 xubnood, waxaana ka mid ah : Sh. .Axmed Maxamed Suleymaan, Sh. Saciid Axmed Cadar, Sh. C/naasir Faraa’id, Cali C/nuur Xaashi, Saciid Cabdi Ducaale.

 

Wixii tabarrucaad ah waxaa lagu soo aaddinayaa Shirkadda Amal, xisaab number: 01613-04-45338-01( magaca:dhismaha machadka Caa’isha) ama magacyada kor ku xusan oo laga la soo xiriiri karo telefoonada kala ah: 0025224161007/ 0025224497961/ 0025224496013

 

Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan

 

salmaandheere@hotmail.com

Ps. ka daawo sawirrada dhismahaL Somalimirror.com & Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good,,this is the kind of reports/stories that make sense yaa Muudeey,,,,not the fake Jihaad and Alshabaab Mafia halkaa gubtay iyo Dagaal and roob ayaanu wadnaa!!! ..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this