Sign in to follow this  
Cowke

The First Ever Biyo Xireen Construction Begins in Nugaal/Karkaar

Recommended Posts

Cowke   

biyaxirApr25.jpg

 

Wasaarada Deeganka ee Puntland oo Maantey soo bandhigtay mashaaric Biyo Xireen ah oo laga Fulinayo Gobollada Nugal & Karkaar.

 

Garowe, Apr 25 - Shir Balaaran oo Ay Soo Agaasintey Wasaarada Deegaanka, Daaqa & Duurjoogta Dawlada Puntland ayaa Maantey ka Dhacay Xarunta Gobolka ee Magaalada Garoowe, Waxaana goob joog ka ahaa Madax ka Tirsan Golaha Wasiirada, Madaxda Gobolka, iyo Wakiilo Hay'adeed.

 

Shirkaan ayaa Waxaa uu ahaa shir ku Saabsan Mashaariic ay soo Bandhigtey Wasaaradu Taaso ah Mashaariic Biyo Xireen ah Wasaaradu ay ka Fulineysaa Mashaariicdaan Gobollada Karkaar iyo Nuugaal.

 

 

Waxaa ugu Horeyntii Shirkaan Furay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Deegaanka, Daaqa & Duurjoogta Dawlada Puntland Mudane Cismaan Cawad Waxaana uu Wasiirku Sheegey Mahiimada ay Bulshada Reer Puntland u Leedahay Mashaariicdaan.

 

Wasiirka Ayaa Sheegay iney Jiraan Dhul Faro Badan oo Qarka u Saaran inuu Noqdo Togag Waaweyn iyadoo uu intaasi ku Daray in Qof kastaa oo Reer Puntland ah ay Mas'uulid ka Saaran tahay Dhulkiisa iyo Deegaankiisa.

 

Shirkaan oo ay ka Hadleen Masuuliyiin uu ka Mid yahay Wasiirka Maamul Wanaagada Dawlada Puntland Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Masuuliyiin ku Hadlay Afka Madaxda Gobolka Nuugaal iyo Wakiilo ka Kala Socdey Ha'adaha UNICEF Iyo ILO oo iyagu hirgelinaya mashaariicda, oo sida la sheegay ay maalgelinayso Japan.

 

Mashruucaan Biyo Xireenka ah ayaa Waxaa Fan ku Bixiyay Hay'adaha UNICEF Iyo ILO Waxaana Wakiiladii u Hadlay Ay Sheegeen iney Mashruucaan ay ka Faa'iideysan Doonaan Boqolaal Dhalinyaro Reer Puntland ah.

 

Shirkaan ayaa Waxaa uu ku soo Dhamaadey Jawi aad u wanaagsan iyo Sidii Loogu Tala galay, Waana Markii ugu Horeys oo Deegaanada Puntland Laga Hirgaliyo Mashruuc Biyo Xireenna ah.

 

Maxamed C/lahi Cali 'Kooshin'

Daljir, Garowe

 

You can listen to the press conference hereHere

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Ducaysane, There is canals around karkaar/nugaal and river-streams all over the Puntland Region. They just not as big as the webi shabelle, however a dam construction in nugaal and karkaar will be excellent developments for the people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this