Sign in to follow this  
Jabhad

Breaking news:Ethiopian hiding place under attack.

Recommended Posts

Jabhad   

War deg-deg ah: Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka ee Ceel-cirfiid ayaa waxaa ka dhacay Qarax weyn oo laga maqlay deegaankaasi, iyadoo rasaas ay fureen ciidamadaasina uu ku dhintay nin darawal ah.

 

Hobyonet. Muqdisho Isniin, March, 26, 2007

 

Qaraxaasi ayaa abaarihii 12.00 duhurnimo waxuu ka dhacay gudaha Saldhiga Ciidamada Itoobiyaanka Ceel-cirfiid ee wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad.

 

Qaraxaasi ayaa waxuu u geestay ciidamada Itoobiyaanka Qasaare aanu si rasmi ah loo xaqiijin, iyadoo xiligii qaraxaasina ay ciidamada Itoobiyaanka rasaas fara badan ku fureen Wadada fariisinka u ah.

 

Ciidamadaasi Itoobiyaanka ayaa waxey rasaastii ay fureen ku dishay halkaasi hal nin oo ahaa darawal, waxaana dadweynihii deegaankaasi la soo gudboonaaday cabsi xoogan iyo qalqal.

 

Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda ayaa xiray wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, iyagoo amar ku bixiyay in labada dhinacba aysan u gudbi karin dadweynaha iyo baabuurta.

 

Qaraxaaasi ayaanu si rasmi loo ogeyn waxa sababay in uu xeradaasi gudaheeda ka dhaco.

 

 

 

Ahmad Dahir

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.c

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this