Sign in to follow this  
Gabbal

Xildhibaan Barre Hiiraale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Recommended Posts

Gabbal   

Xildhibaan Barre Hiiraale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo

 

Kismaayo 29 march/2008 Waagacusub.com

 

Xildhibaan Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale" iyo Wafdi uu hogaaaminayo oo kasoo ambabaxay magaalada Baardheere ee gobaka Gedo ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

 

Xildhibaanka iyo Wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbada Hoose iyo Dadweyne aad u fara badan kuwaaso ruxayay caleemo qoyan kuna dhawaaqayay erayo uu madaxa u ruxay Barre Hiiraale.

 

Wafdiga uu hogaaminayay Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa kamid ahaa Gen. Axmed Warsame Maxamed, Mataan Cabdi iyo Yuusuf Kaanti oo iyagoo dhoola cadeynaya lagu soo wareejiyay magaalada Kismaayo.

 

Barre Hiiraale oo muddo ka maqnaa Kismaayo ayaa u ekaa mid ku faraxsan imaanshiyahiisa, waxuuna shacabka u garaacayay dadweynaha kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

 

Xiriiro aan la sameynay maamulka Kismaayo ayay ka gaabsadeen inay ka hadlaan ujeedka socdaalka Barre Hiiraale uu ku yimid Kismaayo, iyadoo xiriir aan la sameynay Baardheere ay sheegeyn inaysan la socon socdaalka Barre isla markaana uu degmadaasi ka baxay xili habeen aheyd oo inta badan dadweynaha jiifeen.

 

Waxaa xusid mudan in Barre Hiiraale ay la socdaan in ka badan 12-gaadiida dagaalka ah kuwaaso ay wateen ciidamada maamulka Gedo Land oo muddooyinkii ugu dambeeyay sameynta maamulkaasi ku howlanaa xildhibaanka iyo mas'uuliyiinta socdaalkiisa ku wehlisa.

 

Si kastaba ha ahaatee, Barre Hiiraale ayaa magaalada Kismaayo waxaa ka bixiyeen Maxkamadihii Islaamiga kadib markii mas'uuliyiin ka tirsaneed Isbaheysigiisa ay kasoo jeesteen safkii Maxkamadaha Islaamiga taasoo keentay inuu dharaar cad magaalada isaga baxo.

 

Xafiiska Wararka Waagacusub Media

Muqdisho-Somaalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kismaayo: Wafuud uu hogaaminayo Xildhibaan Barre Hiiraale oo kulamo la yeelanaya Maamulka gacanta ku haya Magaalada Kismaayo.

29. marts 2008

 

APL

 

Kismaayo (AllPuntland) - Wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Barre Hiiraale oo xalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa kulamo la bilaabay Maamulka gacanta ku haya Magaalada Kismaayo.

 

Wafdiga uu hogaaminayo Xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka soomaaliya waxaa ka mid ah Xildhibaan Gen. Axmed Warsame iyo Xildhibaan Yuusuf Kaante, waxaana socdaalkooda lagu sheegay arrimo siyaasadeed.

 

Markii uu gaadhay Barre Hiiraale Magaalada Kismaayo waxaa si weyn magaaladaas ugu soo dhoweyay dad weyne aad u fara badan, waxaana la filayaa inuu dhowaan meel fagaaro ah kala hadlo.

 

Qalalaasaha iyo rabshadaha ka dhaca Magaaladaas xeebta leh ayay Xildhibaanada ka socda baarlamaanka la filayaa in ay u wajahaan xalinteeda qaab beeleed, bacdamaa magaaladaas horay looga soo saaray maamul ay dowladda u magacowday.

 

Xubnahan Xildhibaanada ayaa kulamo la leh waxgaradka beesha **** iyo maamulka gacanta ku haya magaaladaas oo wali usuura geli la'dahay maleeshiyo beeleedyada qaska ka wada magaalada.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Kismaayo gaaray, shirarna la leh Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobolka Jubbada Hoose

 

Sabti, March 29, 2008(HOL): Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa xalay gaaray Afar Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo socdaallo ku soo kala bixiyay Gobollada Gedo iyo Jubbada Dhexe.

 

Xildhibaannadan oo kala ah Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, Jen. Axmed Warsame, Yuusuf Kaanti iyo Nuur Mataan Biriq ayaa waxaa xalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo, iyagoo la dejiyay Hotelka Waamo ee Magaaladaas.

 

Xaflad soo dhaweyn ah oo Xildhibaannada loogu sameeyay Hotelka Waamo ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Jubbada Dhexe Axmed Cabdi Cumar (Axmed Sandheere), kaasi oo Xildhibaannada u sheegay in looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira Gobollada Jubbooyinka.

 

Intaas kadib waxaa isna hadal kooban jeediyay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo horay madax uga ahaa Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay in ay war weyn u wadaan Dadka Gobollada Jubbooyinka, iyagana looga baahan yahay in ay taladooda keenaan.

 

Xildhibaannada gaaray Magaalada Kismaayo ayaanan la ogeyn waxa ay u tageen Magaaladaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay doonayaan inay Gobollada Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo ka hirgeliyaan Maamul Goboleed la magac baxay Jubbaland.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Socdaalka ay Xildhibaannada ku tageen Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mar sii horeysay uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu sheegay in aaney Dowladda ka talin Magaalada Kismaayo, isla markaana ay halkaasi ka taliyaan Qabiillo, iyadoo warkaasina ay si weyn uga xumaadeen Dad ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo Waxgarad iyo Siyaasiyiin leh.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   
:D HornAfrique, niyow odayga Digital camera udir barrito wixii laga bilaabo. See camal, text khali ah ayaad soo galinysaa meesha!. Annaga hada Maakhir 35 digital cameras ayaa kaligay diray smile.gif . Bal barrito odayga xabbad udir lool!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^LOl. Horn will love to do that but unfortunately his warlord is no photogenic, some veiwers might get nightmares of the old used-less colonel...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Emperor waniyow qalbigaagu xoog waynaa. Oo laba nin ayaad hal mar isku jeclaatay :D . Qalbigaagu khattar ayuu ku jiraa hadii labadaas nin wada gashay lool I should come and check your heart beating rate and pulses smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

:D:D

 

Emporer alla hurdada kaasoo toosiyey. Toos wacan. ;)

 

Hunguri, rageedi baad tahay hadaad 35 digital camera maalin qura Badhan u dirtay. Waa arrin xusid mudan. :D

 

Paragon, duqa waan ku salaamay. smile.gif

 

JB, ma dhib baa laygu hayaa? icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Waar nimankan waa lagugu salliday uun niyow ,, inta yar eed ka hadasho uun maxaa tusay horta ??
:D

Awoowgey baa igu oran jiray wax walbaabaad ka jawaabi karayn "allahu aclam" dhe. ;)icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this