Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

When two maroodi fight...

Recommended Posts

Saleebaan Colaad Rooble: "Dadka i aqrisanaya ha ila yaabina waxa aan sheegay waxaa iiga keenay karka"

 

Saleebaan Colaad Rooble oo ah siyaasi ka soo jeeda beelaha Jareerweyne oo aan ku kulaney fadhiga Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana aan ka sheekeysaney qaybo ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyey gobolada Soomaaliya ka dhacay gaar ahaan magaalada Kismaayo, waxna ka weydiiyey sida uu u arko shaqsiyan dagaalada ka dhacay Jubbooyinka iyo isbadaladii kala duwanaa ee aysoo martay magaalada Kismaayo intii uu burburka dalka uu ka jiray ayaa wada sheekeysigeenii wuxuu u dhacay sedan:

 

Su'aal
: Saleebaan, bal ka waran (adigaa Jareerweyne ahaayee) waxa ka dhacay Kismaayo?

 

Jawaab
: Beryahaan waxaa dhegeheena maqalkooda ku batey maalmahaan, iyadoo laga hadlaya magaalada Kismaayo iyo gebi ahaan gobolada jubooyinka, in siyaasiin, horjoogayaal beelo iyo dad kala duwan ay ku doodayaan wax aan garan waayey, laakiin iila ekaatay doodo ku salaysan beel beel yacni qabaa’ilnimo; fiiri waxa Jubbooyinka ka dhacaya durba waxaad dareemeysaa quus, yacni sida loo dhaqmo iyo sida aan loogu naxayn dadka aan wax iska dhicin karin bal waa uun isu muruq sheegad marba qolo ayaa loo muruq sheegtaa markaasay intay dibadaa istaagto, dib u soo qaabaysaa intay doonta haku qaadatee, way soo noqdaan
intaas dad ayaa lagu tuntaa oo la dulmaraa marka la cararayo iyo marka la soo galayo
, laakiin sidaa dow maha, aan isku dayo inaan dib u qooraansado wixii dhacay sanadahii burburka. Fiiri marba qolo ayaa isasoo maqiiqaysay, iyagoo magac ka dawun kuwa markaa jooga sita. Dadka Reer Gosha qadyaan ayey ka taagan yihiin waxaas, waxayna doonayaan inaysan sidaan ku khaatimaysan oo ay si uun dhahaan.

 

S
: Maxay tahay waxa ay dhahaan, Mudane?

 

J
: Annaga, yacni siyaasiyiinta beelaha Jareerweyne wax badan ayay dadka u diideen inay u jiheeyaan inay bunduq isticmaalaan si ay wax isaga caabiyaan anagoo ka fakarayna wax aanay qolooyinkaan walaalaheena ah aysan ka fakarin.

 

S
: Wax inooga sheeg arinkaas?

 

J
: Runtii haddii aan haa iraahdo waxaad ka warqabtaa Soomaalida qabiil ayay isu dishaa in mudda ahna isu dilaysay laakiin dagaalkii uu Jareer ku lugyeesho waa ka duwanaanayaa kan maanta socdaa ama lagu dhexjiray muddooyinkaan marka annaga waxaan garawsanahay in kaas qatyaan laga taagnaa marka mid ka culusna aysan ummada xanbaari kari sidaa ayaan uga gaabsanaynay laakiin waxaa loo qaatay kuwa aan micno lahaynoo aanba awoodaa lahayn laakiin Jareer maanta iyo shalayba wuu sameenkari lahaa waxa ay samaynayeen dariskooda.

 

S
: Waa maxay waxa aad damacsantihiin?

 

J
: Ee runtii walaal, ma rabo inaan ka hordhaco laakiin inay qaybaha kale ee Soomaalida ay haystaan dhulalkooda kuna nabdoon yihiin oo waxa laysku dilaya layskuna gaashaan buuraysanao bari gashoow uu yahay dhul Jareer ayaan qirayaa.

 

S
: Haddiiba sidaa aad aaminsantahay sidee looga gudbi karaa ayaad isleedahay?

 

J
: Dhageyso [
magac qabiil omitted
] ayaa ugu danbeeyay wax gacantooda ku soo noqsada deegaanadooda, dadkoodana ku naaloodaan waxa ay xaqa u leeyihiin inay helaan. Adeer iskamana imaan ee duurka ayaa loo galay wiilal badana waa lagu waayey.

 

S
: Maloo qaadan karaa inaad adigu wax aad kicinayaso xili aan loo baahanayn?

 

J
: Adiga fasiraada ha bixin, aniga waan garwaaqsanahay inuu dalka gumaysi uu ku jiro halgana loogu jira sidii loo xoreyn lahaa, qeyb baanu ka nahay waa waxyaabaha aan doonayno inaan doorkayaga ka qaadano oo nalagu dhaliilayo, nalagu quursanayo bari kamaalina aan filayno inay caqabad nagu noqoto, haddaanan u istaagin waxaa imaankarta in dadka loo istaajiyo inay u istaagaan difaaca diintooda dalkooda iyo karaamadooda.

 

S
: Mala dhihi karaa waa howl aan waqtigeeda la joogin waxa aad ka hadlayso?

 

J
: Waxa waaye ma jiraan wax waqtigeeda aan la joogin, waa la joogaa waqtigeeda maantana waxaan kuu sheegayaa dadka Reer Jareer meelkastoo ay joogaa wacyigooda waa ka duwanyahay kii hore tusaale maalin dhaweyd waxaan qad isgaarsiin kaga qayb galay kulan ka dhacay Manisooto oo cara Mareykan ah waxaa halkaa fadhiyay dad aad u tira badan waxay ka arin sanaayeen side suuratagal ah ee arinkaan looga gudbi karaa runtiina waxbaan meel isla dhignay waana lagu dhaqaaqayaa haddii Eebbe idmo.

 

S
: Waa maxay waxa lagu dhaqaaqayo?

 

J
: Dadkaas aad ayay u qiiraysnaayeen waxayna ii sheegeen in tirikoob ahaan ay Mareykanka iyo Kanada ay ku nooshahay 50 kun qoos oo reerahaa ah aniga waxaan ku iri qooskiiba ha iibiyo hal qore Ak 47 ah waayna qaateen waxayna isu saareen guddiyo ka shaqeeya arinkaa oo gaarsiiya Yurub iyo Khaliijka.

 

S
: Mala oran karaa waxaad u soo tafa xeedanaysaan inaad ummadaas hadda nabada u degan dagaal gelisaan iyo qax?

 

J
: Wallaahi anaga wax badan ayaan ka warwareeganay horeyna waan kuugu sheegay Jareerta ayaa ku maahmaahda:
Ku qabsatay iyo qadar Alle waa qeebsadaa
. Marka waxaa nagu qasbaya waxa nahaysta ayaa xun waxa aad ka hadlayso.

 

S
: Ugu danbeyn maxaad u soo jeedinaysaa dadka ku aqrisanaya?

 

J
: Waxaan leeyahay dadka i aqrisanaya ha ila yaabina waxa aan sheegay waxaa iiga keenay karka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Ma la jiifiyana banaanbaa, Jareerweyne miyayna ahayn magac qabiil?

 

Dhulka laga haystaa waa xagee uu rabo in u dagaalka ka bilaabo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaa dhaha meel fariiso ninkaan. Hadda iyo dagaal hor leh. Soomaali inteeda kale oo dhan muu la dagaalamaa? Dhulka reerkaas min Hiiraan illaa Juba Hoose waayee.. 50,000 o qoys ee uu AK-47 iibsho dhahooyo muu lacagtaa wax fiican ugu qabto? Allow yaa la taliya...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dabshid:

Ma la jiifiyana banaanbaa, Jareerweyne miyayna ahayn magac qabiil?

 

Dhulka laga haystaa waa xagee uu rabo in u dagaalka ka bilaabo?

Haddii la jiiftana xaa dhacaayo? :D

 

Geelle, don't blame him. Sideed iyo toban sano ayee dulqaad ku jireen [not to mention boqolaal sano oo caay, aflagaado oo midabtakoor iyo timotakoor lagu sii daray], wax u naxaayana ma arkin, marka don't blame if he is thinking like that, qiiraa qaatay as he said in the interview. Soomaali waxee ku maahmaahdaa nimaan shantaada kaa reebin sharci kaama reebo. Maryooleey ma yaqaanaan inay kugu dhaafaan ka ahayn iinaa iska celisid, tusisidna see u dhaqmaayaan ula dhaqantid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this