Sign in to follow this  
Abwaan

Magaalada Muqdisho oo ka bilaabatay Damaashaadyo iyo Farxad

Recommended Posts

Abwaan   

Dadweynaha magaalada Muqdisho oo ilaa iyo saaka ka war sugayeen natiijada ka soo baxaysay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ee saaka ka bilaabaday Magaalada Nairobi ayaa mar keliya waxay bilaabeen damaashaado iyo dabaal degyo, iyadoo qalabka Warbaahinta Muqdisho laga sii deeynayay Heesihii la qaadi jiray 1977 xilligii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Guud ahaan Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemay guusha ka dhacaday magaalada Nairobi, sida muuqato dadka reer xamar ayaa waxay ka soo horjeedan in dalka la keeno ciidamo ka socda Itoobiya.

 

Xaalada Xamar ayaa aad u kacsan, jidadka ayaa waxaa taag taagan dad aad u soo dhaweeyay go’aanka ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Dhamaan Qalabka Warbaahinta ayaa xaalada ka soo yeertay Nairobi waxay ku tilmaameen guul weyn u soo hooyatay Umadda soomaaliyed, waa sida ay hadalka u dhigeen, waxaana dhagta loo taagayaa dhanka iyo Magaalada Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this