Sign in to follow this  
General Duke

More rubish from Clan Courts..

Recommended Posts

Maxkamadaha oo Mareykanka ugu baaqay inuu ka laabto qorshaha uu ku qaadayo xayiraada hubka.

 

Muqdisho,Golaha maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dawlada Mareykanka in ay ka fiirsato qorshaha iminka ay wado ee la xiriira qaadista xayiraada hubka iyo ciidamo usoo dirista dalka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha golaha shuurada maxkamadaha islaamka Sh Xasan daahir Aweys ayaa sheegay in Mareykanka uu ku haboontahay inuu ka laabto qorshahan iminka uu wado haddii kalena uu qaadayo mas'uuliyada dhibaatada walba oo qorshahan ka dhasha.

 

Shiikh Aweys waxa uu carabka ku dhuftay in maxkamadaha islamaka ay ka go'antahay in ay la dagaalamaan ciidan walba oo nabad ilaaliyaal ah oo dalka cagta soo dhiga ayagoo ula dhaqmaya sida ciidamo soo duulay oo kale waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed aan lagu qasbi karin wax aysan raali ka ahan.

 

Xasan Daahir waxa uu tibaaxay in loo baahanyahay Qm in aysan qaadan qorshaha Mareykanka uu soo diyaariyey isla markaana ay tix geliso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo si weyn uga soo horjeeda waxyaabaha Mareykanka iminka uu ku howlanyahay.

 

Xassan Daahir oo si weyn uga soo horjeeda DFKM ah ayaa doonayn inay dawladu wax gacan ka hesho caalamka si aysan madax kor ugu qaadin oo ay ugu fashilanto magaalada Baydhabo oo ay hadda ku sugan tahay oo aysan dhinacna u dhaafi karin.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddii la qaado cunaqabataynta hubka Soomaaliya, halista ka timaada waxaa qaadaya mas’uuliyadeeda dowladdo iyo C/laahi Yuusuf”

 

Xoghayaha Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliya Sh. C/raxiim Cali Muudeey ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka iyo beesha Caalamka inay taageeraan dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo dadaalka Maxaakiimta ay u gashay ururinta hubka 16-kii sano ee la soo dhaafay ay Itoobiya ku soo daad gureynaysay Soomaaliya, halka ay maanta dowladaha qaarkood u ololeynayaan in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka.

“Waxaan ka digayaa in Golaha Ammaanka iyo beesha Caalamka ay ku fududaadan qaadista cunaqabataynta hubka Soomaaliya, haddii ay taasi dhacdana dhibaatada ka dhalata waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona caalamka, dowladdo, wadamada IGAD qaarkood iyo shakhsiyaad ay ugu horeeyaan C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi” ayuu yiri Xoghayaha Warfaafinta.

 

Sheekh C/raxiim oo maanta ku waraystay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa intaa raaciyay in Golaha Maxaakiimta Islaamiga ay ku soo celiyeen nabadda iyo kala dambeyntii goobaha ay maamulaan, taasoo Soomaalida inteeda badan iyo dalalka wanaaga la jecel ay soo dhoweeyeen, inkastoo ay jiraan dad fara ku tiris ah oo Soomaali ah iyo dowladaha qaarkood sida Itoobiya ay ka xun yihiin wanaagaas ay horseedeen Maxaakiimta.

 

Xoghayuhu wuxuu is weydiiyay su’aal ah Maxaa cunaqabatayntaas loo qaadi waayay markii dalka ay ka jireen fowdada iyo dagaallada sokeeye oo maanta la nabadeeyay meelahii ugu khatarta badneyd, sida Muqdisho la raadinayo wejigii mar kale hubka loogu soo daabuli lahaa Soomaaliya si loo soo cusbooneysiiyo xiisadihii colaadeed iyo dhibaatooyinkii hore.

 

Dhinaca kale Sheekh C/raxiim wuxuu ku baaqay in Golaha Ammaanka iyo beesha caalamka ay ku cadaadiyaan kuna qasbaan sidii Itoobiyaanka ay ciidamadooda uga saari lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya, isagoo saadaaliyay in haddii laga hor tagi waayo khatarta soo food leh ay noqon doonto mid si toos ah iyo si dadbanba u saamayn doonto Soomaaliya ka sokow dalalka gobolka oo dhan; wuxuuna caddeeyay in siyaasadda Maxaakiimtu ay tahay in nabad lagu wada noolaado caalamka oo dhan, gaar ahaan deriska.

 

Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd soo jeedintii ICG oo ku saabsanayd in wadahadal shuruud la’aan ah ay yeeshaan DFKMG iyo Golaha Maxaakiimya Islaamiga, wuxuu sheegay Sheekh C/raxiim in ay soo dhoweynayaan wadahadal kasta haddii aan la qaadin cunaqabataynta isla markaana ay dalka ka baxaan ciidamada Tigreega.

 

Isagoo ka war celinayay su’aal kale oo ku saabsanayd kulankii lagu waday in IGAD iyo Maxaakiimtu yeeshaan shirka Khartuum ka hor, Xoghayuhu wuxuu sheegay in IGAD keliya aanay soo wadin waan waantii labada dhinac lagu dhex dhexaadinayay ee ay ku wehliyeen ururrada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, wuxuuna caddeeyay in IGAD aanay ahayn Itoobiya keligeed oo Soomaaliya ay ka mid tahay asaasayaasha urur gobolleedkaas, sidaas awgeedna ay danaynayaan in kaalinta Soomaaliya ka muuqato.

 

Dhinaca kale Sheekh C/raxiim wuxuu aad u soo dhoweeyay hadalladii uu jeediyay Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti oo weligiis kheyr iyo wanaag u raadinayay Soomaalida, wuxuuna caddeeyay in Ummada Soomaaliyeed ay u hayso shacabka iyo dowladda Jabuuti abaal.

 

Mar wax aan wax ka weydiiyay ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya Xoghayaha warfaafinta Maxaakiimta wuxuu yiri “Ciidamada Tigreega waxay xoog ku haystaan 6-gobol oo ka mid ah Soomaaliya, waxay ka wadaan falal ay ka mid yihiin kufsi, jir dil iyo boob xoolaha nool, waxaana ugu baaqayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolladaas inay iska xureeyaan Tigrega, Maxaakiimtuna waxay ka heli doonaan taageero buuxda”.

 

Waxaa waraystay:-

Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin).

E-mail: webmaster@goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke who is this shiekh you know more than i do about galkacyo ?

 

Sheikh Jaamac Cabdisalaan oo ay la socdaa dhalinyaro aan tiradooda la xaqiijin ayaa isaga baxay Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in Sheikha Jaamac oo wata dhalinyaro aan cadadkoodas la aqoon ay ka baxeen magaalada Gaalkacyo sheikha ayaa waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay Bandiiradley .

 

Sheikh Jaamac ayaa la ogayn ilaa iyo hadda inuu gaaray magaalada Bandiiradley waxaase ilo wareed noo xaqiijiyeen inuu sheikh Jaamac ka baxay magaalada Gaalkacy.

 

wixii warar ah ee soo kordha ka la soco Shabakada wararka ee Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^xOx, I never heard of the man mentioned, nor are there any news from the Puntland sources to this story thus far.

 

Oh the point about Ethiopia bombing Mogadishu, seems to be a scary mongering story which highlights the fear of the clan courts more than presenting reality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The fakery in Mugadishu is completely misinformed about Tigray and Ethiopia.

 

In ethiopia today almost every ethnic has its own sandbox. There is one sandbox labeled Somali. The O has to play in this sandbox for now. The level of federal autonomy just started. It has not got down to provinces or clan level yet. As it progresses provinces can also have their own sandboxes. A lot of the O is playing in the somali sandbox.

Thats the first misinformation or I am afraid to accuse self appointed shieks as liers.

 

If the people of Somalia do not accept one as their ruler, in this case the SICU, it cannot fully use Somali nationalism. The leadership has to be an embodiment of the nationalism. If the TFG "that controls only a small town of Baydoa" lol another white lie, called against ethiopia or kenya you would immediately see the country up in arms. SICU has a completely wrong image or they are trying to hide 2/3 of the country like everything else of their fakery.

 

The Somali has no historical, economic or religious reason to hate Tigray. On the contrary they are close friends in ethiopia and friends with most of somalia including regions outside of Somaliland and Puntland.

 

Those who hate Tigray in ethiopia are:

1. Those who ruled the centralized ethiopia and want it back, but have no way of getting it back

 

2. The liberation fronts that had agreed to the federal arrangement, but lost out in their states. OLF lost in its bid to represent the Oromo except for small provinces and ONLF failed to represent the Somali Ethiopian even in its own "backyard".

 

The fakery in Mugadishu is getting its information from the wrong and defeated side of old ethiopia or the fakery doen't like the reality and is trying to bombard the airwaves with lies.

 

I have felt sorry for Shiek Ahmed a few times, as he is the face the fakery uses to announce their biggest lies and when they are about to be exposed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this