Sign in to follow this  
Suldaanka

Saleeban M. Aden's Swearing-in Ceremony Photos

Recommended Posts

I got a video of the Guurti having a session under a big tree, probably it was recorded early 1990s. But look at what they have now...

 

20040827-guurti5.jpg

 

 

20040827-guuri.jpg

[looks like mvps are seated infront (frontbenchers??)]

 

20040827-guurti8.jpg

 

 

20040827-guurti7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

few more photos...

 

 

20040827-guurt4.jpg

 

 

20040827-guurti6.jpg

 

 

20040827-guuri3.jpg

[the flag, why so small? perhaps the eyeglasses does the job... :eek: ]

 

20040827-guuri2.jpg

[there is no seperate catering area? :D ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kowneyn   

Xisbiga KULMIYE Oo Hambalyeeyey Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Guuritda Loo Doortay

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 August, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa hambalyeeyey doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Guurtida loo doortay Saleebaan Maxamuud Aadan iyo sida goluhu Guurtidu ku dhammeeyey buuxinta jagada guddoomiyaha golaha.

 

KULMIYE waxa uu ku soo saaray hambalyadiisa warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee KULMIYE, Daa'uud Maxamed Geelle, wuxuuna yidhi:

 

"Xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Golaha Guurtida Somaliland sida xilkasnimada leh ee ay u buuxiyeen jagadii bannaanaatay ee Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

 

Waxa kale oo uu xisbiga KULMIYE hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee uu goluhu doortay, Saleebaan Maxamuud Aadan, waxana uu Illaahay uga baryayaa inuu u fududeeyo xilkaa culus ee loo doortay".

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

 

The Guurti is the highest authority according to Somaliland's constitution.

 

Lets hope Saleebaan Nuur puts a short leash on the executive clowns until a parlaiment that can do this is elected. I hope he can also bring everyone on board all the political parties and all of the regions, including the far east where he has many supporters.

 

Kowneyn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kowneyn   

GUURTINNIMADA SALEEBAAN: GUNNO XUJEYSAN

Maxamed-Bashe X. Xasan — London, UK — 28 August, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waa arrin kale oo muhiim ah iyo imtixaan ay ku guulaysatey Jamhuuriyadda faca yar ee Somaliland in ay xasarad la’aan kaga tallaabsatay buuxinta jagada guddoomiyenimada Golaha Guurtida oo dhowaan kursigiisa ugu dheer uu salka dhigay oo loo dhaariyey siyaasiga rug-caddaaga ah ee Saleebaan Maxamuud Aadan. Waxa wadnaha farta lagaga hayey oo laga walaacsanaa khilaaf, is-maan dhaaf iyo Is-xag xagasho ka dhex aloosanta Golaha Guurtida, xilligan ay jiraan ceeryaamooyinka iyo duufaannada siyaasadeed ee kacsani, markii uu jagadaas banneeyey Alle ha u naxariistee marxuun Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar, guddoomiyihii Golaha, oo ka mid ahaa aasaasayaashii jamhuuriyaddaas iyo weliba ilaaliyayaasha jiritaankeeda ee bir-labta ah, waxana shakigu sii hana qaadayey markii ay sii tarmeen ragga uu hungurigu ka hayo ee doonaya in ay buuxiyaan jagadaasi bannaanaatay.

 

Jamhuuriyadda Somaliland oo gooni isu taaggeeda lagaga dhawaaqay 18 May 1991 magaalada Burco ee ku dhacda xuddunta jamhuuriyaddaas, ayaa waxa astaan lagu ******to u ah xasillooni, nabad gelyo iyo miyir qab ay kaga duwanaato dal-weynihii ay ka go’day ee Soomaaliya oo ay diloodeen dagaallo iyo colaado sii sokeeya oo riiq dheeraaday. Waxa kale oo Somaliland ka taabba qaadaya, una dhismay hannaan dawladeed oo madax iyo minjo kala leh, hab-dhaqan siyaasadeed oo casri ah oo leh awoodo isu-dheelli tirmi kara: Awooddii sharci dejinta (Golayaasha wakiillada iyo Guurtida), Awooddii fulinta (Golaha Dawladda) iyo Maxkamaddii Sare (Garsoorkii) iyo weliba jiritaanka axsaab siyaasi ah oo u kal tirsata hawadinta hawlaha qarankan da’da yar.

 

Curdinnimada Jamhuuriyaddan aan aqoonsiga weli ka helin beesha caalamka, waxa ka fac weynaan kara imtixaannada iyo xujooyinka ay ka soo tallaabsatay iyo inta lib “doqoni ma-garato ah†oo “gob caadkeed ah†u soo hoyatey.

 

Geeridii Alle ha u naxariistee marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal (May 2002) waxa dadka qaar bilowgii hore u macnaysanayeen, isna moodsiinayeen ibo-furkii burburka Somaliland! Waxase taariikhda meel weyn ka galay hab maamuuskii gobanimadu ku ladnayd ee jagadaas marxuun Cigaal ka baxay loo buuxiyey. Doorashooyinkii golayaasha degaanka (Sept. 2002) iyo tii madaxweynaha (April 2003), ayaa iyana laga welwelsanaa natiijooyinkoodu waxa ay keeni doonaan, gaar ahaan tartankii jagada madaxweynenimada, markii Daahir Riyaale iyo Axmed Siilaanyo u kala gurmi waayeen si muuqata. Kala quus-qaadkii danbe ee labada tartame iyo taageerayaashooda, iyo kala hagaaggoodii arrinta soo af-jaray, ayaa waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah libta ay Somaliland hanatay qarnigan iyo arrin u qalanta sidii ilbaxnimada lahayd ee shacbiga Reer Somaliland u codeeyeen xilligii doorashada madaxweynaha.

 

Maantana waxa lib kale oo Somaliland u soo gacan gashay lagu tilmaami karaa buuxinta jagada guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo sida “in-fog-aragga ah†ee la isugu tanaasuley, taas oo muujinaysa ku raad barashada sii bislaanaysa ee hannaanka casriga ah ee dawladnimada Somaliland. Hase yeeshee waxa guddoomiyaha cusub hor yaalla gunno xujeysan! Waa gunno uu rag hore ciin ku daaqay, rag door ahina ay ku khatalmeen oo ku karaamo seegeen, waana gunno maanta ku takhlan oo dhuunta (cunaha) u fadhida hebello badan oo saaxadda siyaasadda Somaliland isu haysta in ay lib ku naalloonayaan, gawdiidase gegi madhan oo gabayoox ah, ka dib marka ay ka sii baydhayaan ujeeddooyinkii loo igmaday, kuna sii gabbood falayaan sharafkii lagu waabay, maroorsanayaan awooddii loo dhiibtey, si harowsi ku jirana u baylahsanayaan amaanadii iyo intii la yidhi dayaca ka hira, ilaaliya oo si hufan u hawadiya. Ibtilada ugu weyni waa iska dhayalsiga hawadinta hawlaha maamul casri ah, horumarinta adeegyada bulsho sabool ah, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dal burbursan oo ah gudashada xilka dawladnimo, madaxnimo iyo mas’uulnimo. Libtu way gubasho ooydaa; haddii aan garasho loo yeelan, laguna toosin mayalka tummaatideeda halkii ay abbaartu ahayd.

 

Dadka inta badani waxa ay Saleebaan Maxamuud Aadan ku tilmaamaan siyaasi hal-adayg leh oo badheedhihiisu cad yahay, ku-dhacna leh oo wixii uu doono ka jibba keena, maantana waxa intaas u raacaysa guurtinnimadiisa xujeysan iyo dildillaanka ama dheel dheelliga siyaasadda guud ee hoggaaminta Jamhuuriyadda nacabka badan ee Somaliland.

 

Golaha Guurtidu waxa uu galay xilli uu u baahan yahay wax-garad fahmi kara wacaasha casriga iyo hawadinta hawlaha maamul dawli ah oo isna casri ah iyo samaynta isu dheelli tirkii iyo wada shaqayntii looga baahnaa awoodaha isa sudhan ee iska hor jeedi kara, miisaan ahaan, iyo afkaaraha (aragtida) isku murugsan ee is diidi kara ee dal casri ah.

 

Haddaba Saleebaan Maxamuud Aadan waxa lagu eegayaa indho fiiq-fiiqan, waxana laga eegayaa dano badan. Waxa hor yaalla xujooyin badan (imtixaan). Waxa laga quud-darraynayaa is-beddel miyir qab ku yimaadda, oo isugu dhafan kobcinta dhaqan iyo siyaasad isku milan oo fayo qaba, islana jaanqaadi kara oo Golaha Guurtida gudihiisa ka dhaqan gala, una tallaaba degaannada kale, gaar ahaan dhanka Golaha Wakiillada. Waxa loo baahan yahay goleyaal sharci dejineed oo u dhexeeya ummadda, u xaq soora dawladda iyo axsaabteeda mucaaridka ah. Taas oo dhiirri gelinaysa abuuritaanka ha’yado leh miisaan is-ceshada, oo ka dhaqan gala dal doonaya inuu ku dhaqmo “hannaanka axsaabta badan†oo ah kan haddeerba uga hanaqaadaya waddankeenna sida weydda ah (diciifka ah).

 

Guurtinnimada Saleebaan Maxamuud Aadan waxa laga eegayaa, loogana fadhiyaa isku xidhkii iyo wada shaqaynta oday-dhaqameedka geed-joogaha ah (tusaale ahaan X. C/kariim Waraabe iwm) iyo qalinlaha siyaasiga casriga ah ee “hor iyo dabo-diidka†noqon kara, marka uu doono ama uu muraadka iyo qaradka dadban (xeesha) leeyahay (tusaale ahaan Daahir Riyaale ama Axmed Siilaanyo ama Faysal Cali Waraabe iwm). Maaha taasi arrin fudud, hase yeeshee waxa sahli kara wax wada gorfaynta iyo tax-gelinta soo-jireenka dhaqanka, qaayibaadda ama u qunka macaamilka sama-talisnimo, daacadnimo iyo cuskashada qawaaniinta iyo dastuurka lagu heshiiska yahay ee la wada dhigtay. Waxa loo socdaa waa “xeedhada salkeeda†oo ah in la dhiso qaran higsanaya negaansho nabadeed, hore u kac iyo nolol sareedo leh oo dhaami karta “kacaa-kufka†iyo iska daba-wareegga dadka daashadey tobanleyaashii dambe oo dhan.

 

Guurtinnimada Saleebaan runtii waa gunno xujeysan, taariikhda dhow ee soo foolka leh ayaana tiigsanaysa, hamuumaysa, una soo haliilaysa qiimaynta natiijada imtixaankaas uu Saleebaan u fadhiistay oo aan ‘kow’ ahayne laba mid uun noqonaysa: mid duug-reeb wanaagsan iyo xus “magac-milgeed†ka hadho ama mid magac “dhaxal xumaysta†ka tagta. Waxa aan guddoomiyaha cusub u rajaynayaa ta mudan oo ah ta hore, isaga (Saleebaan Maxamuud Aadan) ayeyse u taallaa oo kala doorashada leh.

 

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

 

mohamedbashe@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this