Sign in to follow this  
miles-militis

Xisbiga JAMHUURIGA oo Shacabka Somaliland ugu baaqay halgan dib u xorayn

Recommended Posts

Xisbiga JAMHUURIGA oo Shacabka reer Somaliland ugu baaqay halgan qadhaadh oo dib u xorrayn ah

 

Xisbiga JAMHUURIGA Somaliland oo dhowaan abaabulkiisu ka bilowday gudaha iyo dibadda Somaliland ayaa ugu baaqay guud ahaan shacbiga reer Somaliland, gaar ahaanna inta aayaha iyo mustaqbalka ka damacsan jiritaanka qarankooda in ay u diyaar garoobaan halgan adag oo dib u xorayn ah, sidaa Xisbigu wuxu ku sheegay war saxaafadeed rasmi ah oo hoggaankiisa War faafintu soo saaray xalay, war saxaafadeedkaas oo koobnaana waa kan:

 

Waxa aynu isku waafaq san nahay in Jiritaanka iyo xaqiijinta Jamhuuriyadda Somaliland aan loo soo marin waddo nabadeed, mid maxkamadeed iyo mid guurti toona sababta oo ah intuba waxay u adeegayeen rajiimkii nacaybka badan u qabay dadka ku nool geyiga Somaliland.

 

Waxa kale oo aynu isku waafaq sanahay in Rajiimka cusub ee uu madaxda ka yahay Gacan Ku Dhiigle Daahir Riyaale Kaahin ay yihiin hadhaadigii taliskii F-aqashta, iyo kuwii aynu iska xoraynaysay muddada dheer, ee ka sii necbaa ummadan cadow walba.

Waxa kale oo aynu isku waafaq sanahay in aanay meel na kaga jirin hababka dimuqraadiyadda, shareecada Islaamka, xeerarka caalamiga ah ee dunida iyo dhaqanka soomaalidaba in shakhsi loo haysto dembiyo dagaal, xasuuq, cidhib tir, isir nacayb, dulmi iyo cadaawad is biirsaday uu ku fekero in uu xukumo ummaddii uu intaas oo dembi ah ka galay.

 

Sidaa darteed Xisbiga JAMHUURIGA oo ah bilowgii guusha, rajada iyo xaqu, wuxu ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland ee xalaasha ah in ay u diyaar garoobaan halgan adag oo lala galo cadowgii aynu albaabka ka saaray oo daaqadda ka soo galay.

 

Jaliilkaa Mahad leh,

Jabna udub baa leh

JAMHUURIGAA guul leh

 

Hoggaanka Warfaafinta ee Xisbiga JAMHUURIGA

kala soo xidhiidh: jamhuuriga@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this