Sign in to follow this  
Juje

Baarlamanka KMG ah oo cambaareeyay ....

Recommended Posts

Juje   

Baarlamanka KMG ah oo cambaareeyay lacago been abuur ah kana soo horjeestay baasaboorka cusub

Baydhabo 03, July 07 ( Sh.M.Network)- Kulan maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ku yeesheen in ka badan 50 Mudane ayaa waxa ay ku tilmaameen in uusan sharci aheyn Baasaboorka cusub ee dhowaan ay shaacisay isticmaalkiisa waaxda socdaalka dowladda KMG ah, Sidoo kale Mudanayaasha ayaa kulankooda waxa ay ku cambaareeyeen lacago been abuur ah oo lagu farsameeyo magaalada Boosaaso.Sida ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen.

 

War saxaafadeed ay soo saareen in ka badan 53 mudane ayaa waxa ay kaga hadleen qodobo ay ka mid yihiin Isticmaalka Baasaboorka cusub, lacago been abuur ah oo ay soo daabaceen ganacsato Somali ah iyo colaadaha ka oogan qeybo ka mid ah dalka.

 

Mudanayaasha ayaa waxa ay sheegeen in isticmaalka Baasaboorka cusub aan Baarlamanka looga raadin kalsooni, isla markaana loo bahan yahay in la horkeeno ka hor inta aan la isticmaalin.

 

Xildhibaan Ibraahim Yaroow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka ee maanta soo saaray war saxaafadeedka ayaa waxa uu sheegay in lacagaha la iska sameynayo ay tahay mid aan sharci aheyn isla markaana la horkeeno Baarlamanka.

 

Lacagahaan been abuurka ah ee ay cambaareeyeen mudanayaasha Baarlamanka ayaa waxaa sameysa warshad ku taala gobolka Puntland, iyadoo sicir barar ka dhex abuurtay maamulka Puntland oo halkii dollar uu ka gaaray 22 kun.

 

Mudanayaasha Baarlamanka Somalia ayaa sidoo kale waxa ay ku baaqeen in la joojiyo xiisadaha ka oogan dalka Somalia.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli guddoomiyaha Baarlamanka Somalia uu ka maqan yahay magaalada Baydhabo.

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

I think the parliament is slowly waking up from its forced slumber, or may be someone somewhere has slightly loosened its yoke.

However it is a good sign , may be there is more to come and this legislative council will revuke all laws laid by the government and call the Axmaro to leave the country.

But one wonders why now, why all of a sudden condemning the new passports who were being displayed since last year, why question the legality of the current Somali currency which has the blessing of the President and his PM , and for the record is used as a salary for them (the MP's) and other civil servants. And most of all why, a big why, at this moment condemn the ongoing wars in the country which has started long ago and its catalyst was their approval of Ethiopian troops into Somalia.

Why, why now?

Anybody..?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Jinniboqor “Sababta aan go’aanadan u soo saarnay waa dhibaatadii oo Baarlamaanka taabatay”

Jinniboqor22.JPG

Kadib markii la soo gabo gabeeyey galabta kulan xasaasi ah oo ay Baydhabo ku yeesheen maanta xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka kuwaasoo soo saaray go’aano ad adag ayaanu la xiriirnay xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinniboqor oo isagu ka mid ahaa xubnihii kulankaasi ka qeyb galay.

 

Jinniboqor oo aanu weydiinay waxa xilligan ku soo beegay kulankoodan iyo go’aanadan ad adag, maadaama ay muddo dagaaladu socdeen isla markaana ay ka aamusnaayeen, ayuu sheegay in Bani’aadamku uu damqado marka sida runta ah uu xanuunku u taabto, isagoo ku minceeyey in xildhibaanada baarlamaanka ay soo wajahday dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaqaalo xumo, howlgab, iyo tafaraaruq.

 

“Run ahaantii sababta aan xilligan go’aanada u soo saarnay waxay tahay dhibaatadiibaa na taabatay, Bani’aadamkuna wuxuu damqadaa marka xanuunku si dhab ah u taabto, maxaa yeelay baarlamaankiibaa howlgabay, baarlamaankiibaa Gunadiisii iyo mushaarkiisiiba waayay, guddoomiyiibaa maqan, guddoomiye kuxigeenadiibaa muddo 10 bilood ah maqan oo meel ay joogaan aanaan aqoon oo Boqore ayaa ugu dambeeyey isagoon na kala fasixin ayuu iska tegay” ayuu ku cowday xildhibaan Jinniboqor.

 

Sidoo kale, mar aanu weydiinay waxa kulamadoodan ku soo beega marka uu maqan yahay ra’iisal wasaare Geeddi ayuu sheegay in aysan shaqo isku laheyn safarada Geeddi iyo kulamadooda “Adeer waxaan kuu sheegayaa safarka Cali Geeddi wey wuu ka horeeyey Mooshinkan, oo intii uusan guddoomiyaha baarlamaanku Addis abab aadinbaan u gacanta u gelinay, wuxuuna iska dhigay warqadii xafiiskiisa, oo wax jawaab ah nagama siinin” ayuu yiri.

 

Xubnaha xildhibaanada ah ee maanta kulmay ayaa intooda badan waxay isku muuquf ka yihiin siyaasada qasan ee dalka iyo dowladda federaalka, waxaana xubnahani ay sheegeen inay sii joogteyn doonaan kulamadooda isla markaana ay la xisaabtami doonaan xukuumada dowladda.

 

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Run ahaantii sababta aan xilligan go’aanada u soo saarnay waxay tahay dhibaatadiibaa na taabatay, Bani’aadamkuna wuxuu damqadaa marka xanuunku si dhab ah u taabto, maxaa yeelay baarlamaankiibaa howlgabay, baarlamaankiibaa Gunadiisii iyo mushaarkiisiiba waayay, guddoomiyiibaa maqan, guddoomiye kuxigeenadiibaa muddo 10 bilood ah maqan oo meel ay joogaan aanaan aqoon oo Boqore ayaa ugu dambeeyey isagoon na kala fasixin ayuu iska tegay” ayuu ku cowday xildhibaan Jinniboqor.

Meesha meel lagu leersado waaye. Qofba markuu rabo iska baxaayo, markuu rabana imaanaayo. Baahi aa dishay masaakiinta oo Qaramadda Midooway ka jartay waxee siin jirtay since Shariifka ka tagay meesha.

 

Dalxaa asagana Mareykanka uu ku baashaalooyaa bilihii u dambeeye. Iska baashaal dheh igaarkaas. Boqorka Jabuuti muu iska aaday asagana, oo qoyskiis degan xagaas? Kii madoowaa Madoowe la dhahaaye asagana meesha been loogu dhiibay Nayroobi muu iska fariistay?

 

Magac baarlamaan maxee ku ciyaareen kuwaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

baarlamaankiibaa Gunadiisii iyo mushaarkiisiiba waayay

So it is a lil ruxruxasho :D

 

 

we had this kind of parliament in the 90s ,,, we call it Dhaameel ...... when they make some xanaaq and then given something then they approve the same thing they were against it yesterday :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

when they make some xanaaq and then given something then they approve the same thing they were against it yesterday

How much will it take? Have a guess....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this