Sign in to follow this  
Xudeedi

Laasqoray: Nato Officials Meets With Governor Dabayl and Mayor Dibad

Recommended Posts

Xudeedi   

Laasqoray: Magaalada Laasqoray ayaa Bari hadii eebe Wayne Idmo waxa laga Rajo qabaa inuu ku soo xidho Markab Dagaal oo ay Leeyihiin Ciidamada Gaashaan Buurta ah ee Fadhiya Xeebaha Somaliya, Markabkaasi ayaa la Filayaa inuu Odayaasha Degmada Kulan la qaado, iyo Saraakiisha Warshada Kalluunka ee Laasqoray sidii Looga Xaajoon lahaa Shufta Badeeda.

 

 

Duqa Degmada Laasqoray Al-Xaaji Yuusuf Jaamac Dibad ayaa la sheegay inuu Hormuud ka Noqonayo Gudiga Markabkaasi la Kulamaya, In kastoo ay Jiraan warar sheegaya in Gudoomiyaha Sanaag Mr Dabayl uu Kulanka Kor Jooge ka ahaan doono.

 

Saraakiisha NETo ayaa la sheegay inay Odayaasha Degmada Laasqoray Kala Xaajoon doonaan Masiibada Budhcad Badeeda Somaliya iyo sidii Bulshada deegaanka Looga Wacyi Galin lahaa inay Gabaad Siiyaan Shufta Badeeda.

 

Warar kale oo aan wali la shaacin ayaa sheegaya in Degmada Laasqoray laga dhisayo Saldhig Ciidan iyo Maxkamada Balaadhan oo lagu Maxkamadeeyo Shufta Badeeda Xeebaha PL laga soo qabto, waxana Mashuurcaasi wada Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Axmed Jaamac [ilka Jiir] oo kaashanaya Hay’adda La dagaalama Shufta Badeeda.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in Dr Faroole aanu Laftigiisu Raali Buuxda ka ahayn Hir Galinta Saldhigaasi Budhcada lagu Xidhayo, isaga oo Quudaraynaya in Loo Xawilo degmada uu ka soo Jeedo Asal ahaan ee Ayl taasi oo aduunka Looga Aqoonsaday Hooyga Budhcad Badeeda Somaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

BADHAN(SP): Waxaam maalinimadii jimcahii ee 18-6-2010 kulan wada qaatay saraakiil sare oo katirsan ciidamada NATOiyo wefti uu horkacayo gudoomiyaha gobolka SANAAG maxamud siciid nuur Dabayl,

 

 

waxaa sidookale safarkan waxaa kuweheliyey gudoomiyaha madaxkatirsana xukuumad sida isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka sanaag Dr sacid C/laah Ducale waxaa sidoo kale waftiga kuweheliye odayaasha iyo waxgaradka gobolka.kulalnkan oo kadhacay markab weyn oo kamid aha maraakiibta ciidamada ilaalada badaha ee Nato,

 

 

kulankan oo soconaayey muddo sacaado ah ayaa waxaa looga wada hadlayey arimabadan oo ay uguhorayso wada shaqayn iyo sidii laysaga kaashan lahaa kashaqaynta arimaha burcad badeeda iyo sidii wax loogaqabanlahaa ugudanbaytii kulankaani waxaa uu kusoo gebageboobay is afgarad iyo guul.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Masuuliyin Ka Tirsan Puntland Iyo Saraakiisha Ciidanka Badda NATO Oo Kulan Leh

June 20, 2010

 

Masuuliyin ka tirsan Dowladda Puntland ayaa ka ambabaxay dekadda magaalada Bosaaso iyagoo kusii jeeda meel qiyaastii xeebta Bosaaso u jirta 7meyl halkaas oo ay kulan ku wada qaadan doonaan Saraakil ka tirsan Ciidanka Badda NATO ee jooga xeebaha Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa ka dhici doona mid ka mid ah Maraakiibta dagaal ee NATO kuwaas oo xeebaha Soomaaliya u jooga howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida.

 

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda Puntland Siciid Maxamed Raage oo si kooban u waramay Horseed Media inta uusan ka ambabixin dekadda Bosaaso ayaa sheegay in kulanka ay ka wada hadli doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida.

 

Dhamaadkii Bishii hore ayay ahayd markii masuuliyin ka tirsan Puntland oo uu horkacaayay Wasiirka Amniga Puntland Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr ay duleedka xeebta Bosaaso kula kulmeen Saraakiisha NATO ayadoo kulanka uu ka dhacay markabka dagaal ay iska leeyihin Ciidanka Badda Britain ee HMS CHATHAM.

 

Saraakiisha NATO ayaa mudooyinki lasoo dhaafay kulamo la qaadanaayay maamulada degmooyinka dhaca xeebaha oo ay ka wada hadlayaan arimaha la dagaalanka Burcadbadeeda.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this