Sign in to follow this  
Xudeedi

Haylaan: Coronel Abdi-Jamal Appointed Deputy Security Minister

Recommended Posts

Xudeedi   

Haylaan: Warar hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in Wasiir ku Xigeenka Koowaad ee Amniga Loo Magcaabay Coll Abdi Jamaal Cismaan Maxamed, Warku waxa uu intaasi ku daraya in Madaxwayanha Pl Garowsaday Magcaabista Wasiir xigeenka Amniga Markuu Talooyin badan ka dhegaystay La Taliyaashaasi dhanka Amaanka iyo Coll Cabdi Jamaal oo Booskaasi u dhigma.

 

 

Coll Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa Mudooyinkan Danbe ku Sugnaa Caasimada Hayland ee Dhahar isaga oo awal Jiray Dhawor Sano Isu taga Emarta Carabta oo uu Hawlo Ganacsi u Joogay.

 

Coll Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa ah Nin aad u Fir Fircoon oo la Jaan qaadi kara Hanaanka Siyaasadeed ee Puntland iyo Tan Somaliya, waxana uu wax badan ka qabtay Amaanka isag oo aan Shaati Maamul wadan, Coll C/ Jamaal Cismaan Maxamed waxa lagu Xasuustaa sida uu uga qayb qaadan Jiray La Dagaalanka xaalufka isaga oo ka mid ahaa Bud dhigayaashii Ciidamada Qaranka ee la Dagaalama Xaalufka kuwaasi oo Saldhig ku leh Caasimada Hayland ee Dhahar.

 

Talaabiyinka Madaxwayne Faroole Ku Dhaqaaqay Ayaamahan danbe ayaa loo Leexinayaan inuu Amaanka wax ka qabanayo oo uu xulanyo dadka deegaanka ee Loo Tirinayo inay Amaanka wax ka bedeli karaan.

 

Wasaarad Amniga ee PL ayaa Wasiir waxa ka ah Gen Yuusuf Axmed Khayr, hase ahaatee lama sheegin ama Dawladu ma qeexin Meesha Loo bedeliyay Wasiir Xigeenkii Hore Ugu xigay Gen Yuusuf Axmed Khayr.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this