Sign in to follow this  
SOO MAAL

Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac Ayaa Maanta Meel Fagaare Ah Kal

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac Ayaa Maanta Meel Fagaare Ah Kala Hadlay Dadweynaha Laascaanood

Warkii: Apr 05, 2005

 

Laascaanood(Radiossc.com):-Madaxweyne ku xigeenka DGSPL Xasan Daahir Afqudhac ayaa maanta meel fagaare ah kala hadlay dadweyne aad u tiri badan oo maalmahan dhawrayey kulankan.

 

 

Kulankan oo ka dhacay barxad ka horeysa Xarunata dawlada Hoose ayaa waxaa ka soo qayb galay Waftigii uu hogaamiyano Madaxweyne ku xigeenku oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Laascaanood,oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminaga Axmed Cabdi Xaabsade,Wasiirka Dawlada Hoose iyo Huromarinta Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare,Wasiirka Madaxtooyada Max’ed Yuusuf Doonyaale, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka C.laahi Cali Xirsi (Tima-Cade) Wasiiro ku xigeeno iyo xubno ka tirsan golaha wakiilada.

 

 

 

Waxaa kale oo kulankaasi ka soo qayb galay marka laga reebo waftiga maamulka Gobolka kan degmada Isimo Cuqaal, Golaha Guurtiga Ururada Bulshada iyo Dadweyne aad u tiri badan.

 

 

 

Waxaana ugu horyan halkaasi ka hadlay oo hadalkii furay Gudoomiyaha Gobolka Max’ed Cawad Baruud sigoo ka war bixiyey baahida ka jira gobolka ee ay ugu horayso Cadawga dul fadhiya 15 bilood duleedka magaalada Laascaanood,waxuuna Gudoomiyahu ugu baaqay Madaxda sar sare ee Dawladu in ay arinkaas si dhaqso leh wax uga qabtaan.

 

 

 

Waxaa kale oo munaasabadaas ka hadlay dad aad u tiri badan oo dhamaantood sheegay sida looga baahan yahay in ay dawladu wax ka qabato lana adkeeyo difaac laa saaro Ciidamada ka soo duulay Hargaysa Dhulka Puntland.

 

 

 

Intaas kadib waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminaaga Axmed Cabdi Xaabsade waxauuna sheegay in nabad galyada gudaha iyo tan xuduudaba ay laga maarmaan tahay in la sugo, iyada oo dadweynuhu qayb libaaxle ka qaadanayaan.

 

 

 

Ugu danbayntii waxa kulankaasi khudbad ka soo jeediyey dhinacyo badan taabanaysay Madaxweyne ku xigeenka DGSPL Mudane Xasan Daahir Afqudhac, wuxuuna madaxweyne ku xigeenku ka war bixiyey socdaalkan ay ku joogaan haatan Gobolka, wuxuuna sheegay in ay ugu muhiimsanayd in ay u kuur galaan xaalada jiida hore, oo safarkoodani maadaama uu yahay kii ugu horeeyey ee ay ku yimaaadeen gobolka doorashooyinkii ka dib loo baahan yahay in lala socdo xaalada dhabta ah.

 

 

 

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in ay safarkoodani saldhig u ahayd sidii maamul tayo leh looga samayn lahaa gobolka , doorashooyinka deegaanka loo qaban lahaa , guud ahaan Puntland Gaar ahaana Gobolka Sool, waxa kale oo uu madaxweynuhe ku xigeenku sheegay in ay hay’adaha caalamiga ah kala hadleen sidii gobolka Sool xidhiidh toos ah ay ula yeelan lahaayeen, maadaama muddo dheer lagu lunsanayey taakulaynta hay’aduhu u fidiyaan gobolka Sool Magaalada Hargeysa oo ay dadka ku dhaqan Burco iyo Hargeysa Ku horumarsadeen dhulkooda hantidii Gobolka Sool.

 

 

 

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku Xasan Daahir Afqudhac sheegay in loo soo jeestay sidii Puntland oo xilliyadii ugu danbeeyey ku hawlanayd dhinaca dib u dhiska Soomaaliya uu hada maamulka cusubi u soo jeestay sidii Puntland wax looga qaban lahaa.

 

 

 

Faa’isa Cabdi Dhalac

 

Radiossc.com

 

Laascaanood Puntland Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this