Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Huge demo in support of TFG, security and unity

Recommended Posts

At last the people of the capital have gained the confidance to rise above the fear of the looter, warlord and clan courts.

 

They came out in their thousands.

 

This thread is another example of truth overcoming falsehood.

 

If the government and allies hate the people and want to kill them, why are there no "executions and genocide" today?

 

The warlords, looters inc

The truth is that those who want anarchy cause strife, kill and hide behind the skirts of the women.

 

They are the first to make threats, act brave and go on attacks. They are the firts to run and then demonstrate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Bannaanbax ballaaran oo maanta ka dhacay garoonka Banaadir Stadium

15. November 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Bannaanbax kii ugu ballaarnaa oo mudooyinkan danbe ka dhaca Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dadweynaha ku dhaqan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay ka soo qeybgaleen kuwaasoo buux dhaafiyay garoonka Banaadir.

 

Bannaanbaxaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Saraakiisha sare ee ciidamada Nabadgelyada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, Safiirada Itoobiya iyo Yeman, maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidamada Baambeyda muusikada iyo qeybaha hidaha iyo dhaqanka.

 

Dibadbaxan oo lagu taageerayey isbadalka nabadeed ee maalmahan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Hodan iyo Howl-Wadaag, Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha Galbeed ka xiga wadada Warshadaha ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gen. Yuusuf Dhuumaal kaasoo sheegay in maanta astaanta nabadgelyo ee ka muuqata Muqdisho ay markaati u tahay inta ka soo qeybgashay bannaanbaxa isagoo kooxaha ka horjeeda dowladda ugu baaqay in ay wada hadal wax ku raadiyaan ayna ogaadaan in aaney xabad wax ku noqon karin amaba Sheekh, Fannaan, Sarkaal, Arday, Haween, Oday Dhaqameed iyo maati la dilo aan wax lagu noqon karin.

 

Taliyaha ciidanka Nabadsugida Soomaaliyeed ahna Taliyaha Guddiga amniga Qaranka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Warsame Faarax "Darwiish" ayaa sheegay in howlgalada lagu sugayo amaanka ay yihiin kuwo sii socon doona oo ku ekaan doonin meelaha hadeer nabada ah oo uu sheegay in 90% ay maanta Muqdisho tahay nabad.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb "M.Dheere" oo bannaanbaxaasi ka hadlayey ayaa sheegay in uu u mahad noqoyo dhamaaba inta ka qeyb qaadatay nabadda ka jirta Muqdisho gaar ahaan ciidamada aan saaxiibada nahay ee Itoobiya ayna mudan yihiin tixgelin gaar ah.

 

"Tixgelin kaliya maahinee waxaan dhigi doonaa koob lagu sharfayo dowladda Itoobiya oo ay ku tartamayaan 16-ka degmo kaasaana guddoonsiin doonaa, maxaa yeelay waa dad naf iyo maal moo huray oo gacan naga siiyay nabadeynta dalkeena" ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Dheere oo shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir ugu baaqay iney taageeraan ciidamada nabadgelyada ka shaqeynaya inta meesha laga saarayo kooxaha nabad diidka ah.

 

Gabagabadii dibad baxaasi maanta ka dhacay garoonka K/Cagta Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso, gabayo, shiribyo iyo suugaan ay soo gudbinayeen qeybaha fanka Soomaaliyeed iyadoo inta khudbooyinka ay socdeena ay dad weynaha muusik qiiro leh oo soo jiitay u garaacayeen ciidamada Baambeyda muusikada Boolika.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaan bax lagu taageerayo DFKMS oo ka dhacay Muqdisho

 

Last Updated::2007-11-15 16:31:48

 

Banaan bax lagu taageerayo hawlgalada ay ciidamada dawlada Ethiopia iyo kuwa DFKMS ay ka wadaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta uu ka dhacay garoonka kubadda cagta ee gobolka Banaadir

 

Banaan baxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayna ka qayb qaateen masuuliyiin ka tirsan DFKMS,saraakiisha ciidanka iyo weliba dad weyne fara badan

 

gudoomiyaha gobolka Banaadir isla markana ah duqa degmada Muqdisho oo ka hadlay banaan baxan ayaa waxaa uu ka qayb galayasha isu soo baxan ku booriyay in ay taageeran hawl galada dhinaca amaanka ee ay ciidamada DFKMS iyo kuwa Ethiopia ay ka wadaan magaalada Muqdisho

 

Waxaa Maxamed Dheere uu sheegay in amniga Caasimada uu iminka wanaagsan yahay isla markana ay tahay in laga shaqeeyo adkanyta nabad gelyada

 

Taliyaha ciidamada nabad sugida Somaliyeed Gen. Maxamed Warsame Faarax "Darwiish" oo ka hadlay iso soo baxan ayaa sheegay in ula jeedoodyinka ka damaysa hawl galada ay tahay sidii xasiloonida iyo kala damaynta loogu soo dabaali lahaa caasimada Somaliya,isaga oo sheegay in hawl galadani ay sii socon doonan ilaa la gaarayo ula jeedoyinka la tiigsanayo

 

 

C/hi Caaqil

Share this post


Link to post
Share on other sites

muxoo yiri mo-amxaar-kisser-dheerah.. AREEYE MUHOO MIHIIY MA AHAA! LOOL.

 

so if u kick one million ppl outta of there, AREEYE MUHOO MIHIIY MA AHAA! that 4 sure..LOOL.

 

im gonna send this Amin art and see if he can make a nice cartoon out of it. this dude has the iq of a toliet paper.

 

now be honest wats the first thing that comes to your mind when u see this dude's pic!! whadda a big fool..echo comes into mine. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

^so all of this crowd in support of the TFG have the IQ of what? toilet paper? At least choose beings for your analogy. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this