Sign in to follow this  
Mr. Somalia

The Beginning of the End for Al Shabab?

Recommended Posts

Garowe) RBC: Dadka ku dhaqan deegaanka Afmadow ee Gobalka Jubadda hoose ayaa ka hor yimid hadal ka soo baxay Maamulka Xarakadda Alshabaab ee ka arimiya deegaankas kaa oo ku adaan ka qayb qaadashada dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya .

 

Maamulka Al shabaab ee degmada afmadow ayaa ugu yeeray dadka deegaanka in ay keenaan Ciidma ka qayb gala dagaalada ka socda Muqdisho ee u dhaxeeya Alshabaab iyo xisbul islaam oo isku dhinaca iyo AMISOM iyo ciidanka DKMG ah ee Soomaaliya .

 

Waxgaradka deegaanka ayaa kulan ay iskugu yimaadeen labada dhinac ganafka ku dhiftay codsigaa Xarakdda waxa ayna sheegeen in ay xiligaan doonayn in ay dagaalo ka socda muqdisho ciidan looga diro Afmadow waxaana arintaa keentay in labada dhinac khilaaf soo kala dhaxgalo.

 

Maalintii shalay ayaa Maamulka Ashabaab e degmada afmadow kulan deg deg ah iskugu yeeray dadka deegaanka xubnaha ugu fir fircoon waxaana kulan kaa uu ka danbeeyay kidib dagaalo kharaar oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo looga awood badiyay Xarakadda Alshabaab .

 

Khilaafkaa soo kala dhaxgalay dadka deegaanka iyo maamulka Alshabaab ee jubooyinka ayaa laga yaabaa in uu noqdo mid sii xoogaysta waxana arintaan imaanaysaa xili warar ka soo baxaya Magaalada kismaayo ay sheegayaan in la la,yahay Gudoomiyihii degmada Kismaayo ee xarakadda Alshabaab.

 

Lama oga sida uu xaalka noqon doona walow ay jiraan kulama kale oo gooni gooniya oo ay leeyihiin waxgaradka deegaanka kaa oo loo badinayo in uu yahay mid ku saabsan arimahaan haatan taagan ee ka biya diisan yihiin dadka deegaanka .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin:Al-shabaabka Kismaayo oo qalalaase soo kala dhex galey

 

Kismaayo(Puntlandi.com)Khilaafka u dhexeeya horjoogayaasha Al-shabaab ayaa hada saameeyey Kismaayo, Xasan Yacquub iyo koox u wato ayaa u fakadey Baardheere,Ninkii dhaqaalaha Dekada hayey ayaa isna la waayey iyo lacag farabadan, Warar hoose oo aan ka helney Kismaayo ayaa sheegaya in khilaafka u dhexeeya Al-shabaab uu hada noqdey mid qabiil isu badaley, Xasan Yacquub ayaa la cadeeyey in raga uu kaxeystey ay yihiin oo kaliya rag ay isku hayb yihiin, halka Qasnajiga Dekada Kismaayo uu isna kaxeystey dhowr nin oo ay isku heyb yihiin.

 

Khilaafka u dhexeeya Axmed Godane iyo Roobow ayaa sabab u ah kala jabka hada ka socda Kismaayo, waxaa kaloo jira warar sheegaya in gacan shisheeye ay meesha soo gashey.

 

Khilaafkaan oo ka bilowdey saraakiil lagu diley dagaalada ayaa Roobow ku eedeeyey in dilkoodu uu ka dambeeyey Axmed Godane, saraakiishana aysan dagaal ka ku dhiman ee la khaarajiyey, Waxaa jira warar kale oo hoos ahaan aan u helney oo sheegaya in dilka saraakiisha uusan waxba ka ogeyn Axmed Godane balse dilkooda ay ku lug lahaayeen dad aan Soomaali aheyn kuwaasoo ka shaqeynayey in khilaaf lakala dhex gasho Al-shabaab ruuxooda, waxaana loobadinayaa in dilalkaan ay ku luglahaayeen ciidamada Sirdoonka wadamamo kale.

 

Dhinaca kale G/sare Axmed Max’ed Calasoow Tareedisho oo ka mid ahaa Ciidamadii qalabka sidey ee Soomaaliya ayaa madaxweyne shariif ugu baaqey inuu ka faa´iideysto kala qaybsanaanta Al-shabaab, uuna abaabulo ciidamdiisa si ay u weeraraan Al-shabaab taasina waxey suura galineysaa buu yiri inaan Al-shabaab aysan markale isasoo abaabulin.

 

Calasoow wuxuu kaloo yiri ” Kala qaybsanaanta Al-shabaab waa fursad qaali ah waana in Dowlada kumeel gaarka ahi ka faa’iideysataa”

 

A.M.A

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this