Sign in to follow this  
General Duke

Looters media outlets highlights plight of insurgents

Recommended Posts

Boqolaal Dad ah oo ku go'doonsan Duleedka Suuqa Xoolaha. kadib markii ay Ciidamadda Itoobiya Caawa ku baryeen halkaasi.

Sh, M network 27 Dec 07, 12:07

 

Mogadishu 27, Dec. 07 ( Sh.M.Network) Ciidamaddan oo Saaka markii ay halkaasi tageen iska caabin kala kulmay Kooxaha ka soo horjeeda Joogitaankooda ayaa isku gadaamay Wadada Laamiga ah ee ku teedsan Suuqa Xoolaha. Waxaana ay Caawa isku xireen Difaacyadooda Warshaddii hore ee Baastadda iyo Xeradda Maslax.

 

Boqolaal Dad ah oo ka baxsaday Saaka Hawlgalka ay Ciidamadda Itoobiyaanka ah ka samaynayeen Suuqa Xoolaha iyo Kuwo kale oo u shaqo tagay Suuqa Daryeel ayaa awoodi waayay inay dib ugu soo laabtaan Guryahoodii. Waxaana ay Caawa Dadkaasi ku sugan yihiin Meel Banaan ah oo ku taala Waxarcadde. iyadoo ay ka mid yihiin Dadkaasi Dhalinyaro aan illaa iyo Saaka waxba cunin tan iyo markii ay Guryahoodii ka soo carareen.

 

Wariye Cismaan Fantastic oo ka mida Dadka Caawa ku go'doonsan Duleedka Waxarcadde ayaa u sheegay Shabelle inay sidoo kale ka mid yihiin Haween Saaka adeeg soo doontay intii aysan Ciidamadda Itoobiya soo galin Suuqa Xoolaha oo awoodi waayay inay Guryahoodii ku laabtoon. kuwaasoo aan xittaa ka warqabin Xaalka ay Caruurtoodu ku sugan yihiin Caawa.

 

Dadkan oo ka rajo qabay markii hore inay Ciidamadda Itoobiya Qorax Dhaca ka bixi doonaan Suuqa Xoolaha ayaa Caawa ku hoyanaya Meel Banaan ah. iyagoo aan haysan Cunto iyo Biyo. isla markaan ay u dheertahay cabsi ay ka qabaan in meeshooda ay waxyeelo ku soo gaarto, maadaama haddii Dagaal dhaco ay dhici karto in Madaafiicdu ay meelo ka fog goobaha Dagaalka waxyeelo ka gaysato.

 

 

Hawlgaladda aan horay loo sii shaacin ee ay Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Dawladdu ka sameeyaan Xaafaddaha ay Dadka Rayidka ah dagan yihiin ayaa sababa inay kala lumaan Qoysas Fara badan, Qaar kalana ay awoodi waayaan inay Suuqyadda Cunto u doontaan, Halka kuwo kalana lagu qabqabto Hawlgaladda ama lagu dilo.

 

Ma ahan Markii ugu horaysay ee ay Ciidamo Itoobiyan ah ku hoydaan Xaafado ay Hawlgal u tagaan oo ka tirsan Magaaladda Muqdisho. Waxaana Hawl Gallo ay ka sameeyeen Suuqa ugu Wayn Muqdisho ee Bakaaraha uu sababay in Toddobaadyo uu u xirnaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They talk about attacks and then say "the people are stranded" would they be stranded if there were no gunmen in their area.

 

The words women, children and civilains is a code for their fighters. Who have been chased out of this stronghold. No doubt they will come back, but they will be cahsed out again, and again untill there is no room.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this