Sign in to follow this  
UZTAAD

Wiilka isqarxiyay Denmark ayuu ka tagay

Recommended Posts

UZTAAD   

Denmark (AllPuntland)- Warar AllPuntland ka heshay ilo wargal ah ayaa sheegaya in wiilkii isku qarxiyay hotelka Shaamoow oo ay ka dhacaysay xafladii qalin jabinta Ardayda Jaamacada Muqdisho uu wiilkaasi ku noolaa wadanka Denmark.

 

Wargalka oo codsaday inaanaan magaciisa sheegin wuxuu noo sheegay inuu si fiican u aqooday wiilka ka dib markuu ku arkay masawirkiisa warbahintiisa Soomaalida.

 

Wargalku wuxuu sheegay in wiilku uu muddo ka maqnaa Denmark , loona sheegay inuu aaday Hargaysa oo uu uga sii gudbay koonfurta Soomaaliya.

 

Wiilka is qarxiyay ayaa ifka kaga tagay Xaas iyo cunug yar sidda wargaluhu noo sheegay.

 

Maaha wiilkii ugu horeeyay oo ka mid ah dhalinyarada ku kortay qurbaha oo isqarxin iyo dagaal u tagay Soomaaliya, waxaana sannadkii hore magaalooyinka Boosaaso iyo Hargaysa qaraxyo dad badan ku dhinteen isku qarxiyay wiilal ka tagay Maraykanka, waxaana wali qoysaskoodu ayan war iyo wacaal u hayn wiilashooda oo la rumaysan yahay inay ku biireen Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo dagaalka kula jirta dawlada Federaalka Soomaaliya..

 

Faahfahinta warkaan kala socda AllPuntland.com

 

AllPuntland (APL) xarunta Yurub

 

http://www.allpuntland.com/article/anmviewer.asp?a=6740&z=2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this