Sign in to follow this  
Jacaylbaro

GUDDIGA DIFAACA MUDUG IYO LA DAGAALANKA MAXKAMADAHA

Recommended Posts

Jen. Cadde Muuse oo maanta magacaabay guddi loogu magac daray difaaca Mudug iyo la dagaalanka Maxkamadaha

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha maamulka Puntland Jen.Cadde Muuse Xirsi uu soo saaray wareegto u ku magacaabay guddi la magac baxay guddiga difaaca Mudug iyo la dagaalanka maxkamadaha, iyadoo guddigaasina madax looga dhigay xubno wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Puntland.

 

Sida ay ku waramayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug guddigaasi ayaa ka shaqeyn doona howlaha isku dubaridka ciidamada Puntland, iyo welida sidii dadka loogu wacyi gelin lahaa iney iska difaacaan maxkamadaha islaamiga ah oo iyagu kulaalaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Arintan ayaa qeyb ka ah dedaal maamulka Puntland uu mudooyinkii ugu dambeeyeyba ugu jiray sidii looga hortegi lahaa maxkamadaha islaamiga ah oo iyagu ku sii siqayey deegaanada gobolka Mudug, waxaana Jen. Cadde Muuse uu si weyn uga soo horjeedaa in maxkamdo Islaami ah laga hirgeliyo deegaanada Puntland, isagoo ku tilmaamay iney yihiin qabiil shaar diimeed huwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this