Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Interview with PM Gacmo-dheere

Recommended Posts

Gacmo-dheere1.jpg

 

Ra'isal wasaare Gacmodheere oo wareysi siiyey RG

19 Dec 19, 2008 - 6:10:26 AM

 

Ra'isal wasaaraha Gacmadheere

Waxaa inoo suragashay in aan khadka isgaarsiinta ku Wareysano Ra'iisul Wasaaraha uu dhawaan Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ku badalay Nuur Cadde, wareysigan oo ka hadlaya dhinacyo badan ayaa waxaa uu u dhacay sidan:

 

Su'aal: Md. Ra'iisul Wasaare waxaad nooga warantaa xaalada guud ee Baydhabo ku sugan tahay?

 

Jawaab: Waa mahadsan tahay, khilaafka aad maqleyseen baa ka dhex taagan, aakhirkiina waxaan rajeynayaa iney degi doonto, hada waxaa moodaa in Barlamaanku qeybsamay, misena hada wada hadal inuu socdo ayey u egtahay.

 

Su'aal: Markii uu Madaxweynaha ku magacabay, hadalkii ugu horeeyay ee Saxafada siisay wuxuu ahaa in adigu aad dhex dhexaadin doonto Baarlamaanka, muxuu yahay khilaafka Baarlamaanka ee aad dhex dhexaadineyso?

 

Jawaab: Khilaafka Baarlamaanka dhexyaala waxaa weeye khilaaf uu sababeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka booday Dastuurkii, Baarlamaanka meeshii uu ka hoggaamin lahaana, wuxuu isku raacana uu go'aamin lahaa ayaa waxaa dhacday in isaga wuxuu doonayey uu go'aamiyay isagoon aan Baarlamaanka la tashan, taasna waxay keentay in kooxi ay ku raacdo,kooxna ay diido oo tiraahdo Maya, laakiin iyaga wax shaqsiyan u dhexmaray ma jiraan, go'aankaasi aan sharciga ku saleyneyn ee ninkaasi odayga ah gaaray mooyee.

 

Su'aal: Md.Ra'iisul Wasare waxa jira jaha wareer fara badan oo bulshada Somaliyed , gaar ahan kuwa reer Puntland ay ka qabaan arrimaha Baarlmaanka dhex yeela, saxaafad fara badan oo caalami ah ayaa dhex fadhiday, sidee u suuragashay arintan aad hada sheegeysaa in ay tahay mid sax ah maadaama codka Saxaafadda ay horay u gashay in 143 Xildhibaan ay u codeeyeen xukuumadda Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde?

 

Jawaab: maba codeyn, anagana Baarlamaanka waan joognay,codna lama qaadin, Masawirada iyo talefishinada oo dhan ayeyna ka muuqataa, Baarlamaankana waa joogyey, dad badana wey joogeen, habayaraatee wax cod ah oo la qaadayna ma jiro,mida labaad cod in loo qaado maba ahan xukuumdda waqtigeeda dhamaaday in cod loo qaadana maba ku jirto meesha.

 

Su'aal: R/Wasaare xiligii codka kalsoonida loo qaadayey xukuumadda ma aysan gaarin, islamarkaana xiligii Madaxweynaha xil ka qaadista ku sameynayey Madaxweynaha ma aysan gaarin xiligii kalsooni ay weydiisan laheyd Baarlamaanka, ka qaadistii uu Cabdullaahi Yuusuf uu u cuskaday sharci la isku khilaafsan yahay, taasi ayaa sababtay in Nuur Cadde Xukuumaddiisa geeyo Baarlamaanka loona codeeyo, taasi maxaa ka leedihiin?

 

Jawaab: Dastuurku wuxuu qorayaa in xukuumadda Nuur Cadde 12 bilood kaliya shaqeyneyso, hadii 12-kaas biloodna ay hirgeliso qorshaheeda kalsooni ayaaa la siinayaa, hadii ay hirgelin wey iska tageysaa, sidaas bey aheyd, 23-kii Novembar 2007 ayeyna aheyd xiligii ay ku ekeyd jiritaanka xukuumadda.

 

Su'aal: Adiga hadalkaagii ahaa Baarlamaanka ayaan dhex dhexaadinayaa waxaa ka soo soka-maray in Madaxweynaha adiga ku magacaabay ay Baarlamaanku sheegeen in ay kalsoonida kala noqonayaan Madaxweynaha, sidee ayey xaaladahaan isu qabanayan, hadii dhabta loo soo dhaadhaco sidey xaaladuhu yihiin?

 

Jawaab: Madaxweynuhu kaloonida laga-lama laaban karo, sheekadaasna waxaa ka danbeeya ninkan odayga ah ee Baarlamaanka Guddoominayey , wax uu ka qaadi kara oo sharciga ogolyahay ma jirto, Madaxweynaha waa laga qaadi karaa xilka laakiin waxaa loo soo maraa wado sharci ah, waa in marka hore Maxkamad soo ogolaato oo la soo maro, waa in dadka ka dacwoonaya ay soo caddeeyaan dambiga iskana soo xaadiriyaan Maxkamadda, xeer ilaaliyahana uu tiriyaa, waxaana la rabaa in warqada ay qorto 13-qof, si kastaba ha noqotee waxay soo qoreen run ha noqoto ama been ha noqotee waxaa loo baahan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Maxkamadda u yeero, oo yiraahdo Madaxweynaha waxaas ayaa loo heystaa, eeda iney run tahay iyo been in la soo hubiyo, Maxkamadana wax walba wey soo baareysaa, hadii ay cadaan waaya-nah, waxay leeyihiin Baarlamaanka lama horgeyn karo, hadii ay cadaadatana Baarlamaanka ayaa la horkeenayaa, markaas ayey dacwada bilaabaneysaa, Baarlamaamkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne danbiga wuu kugu soo cadaaday ee is daafac ama halagu cafiyo, sida dunida ka dhici jirtay, marka wareeg dheer ayey arintaasi u baahan tahay, sidii waxay isaga hadlayaan niman aan waxba kala ogeyn.

 

Su'aal: Beesha caalamka oo dhan waxay taageertay xukuumadda Nuur Cadde, adiga magacaabistaadana waxaa Madaxweynaha kaga yimid eedeymo iyo cunaqabateyn ay dowladda Kenya ku soo rogtay oo loo aqoonsaday nin nabada ka soo horjeeda, hadii aad sidaan u hadleysaan, caalamkuna uu sidaas yahay sidee xaalku yahay oo dadka Soomaaliyeed ee ku dhageysana wax u fahmi karan?

 

Jawaab: Taageerada aad maqleyso, caalamka oo dhan ma ahan ee waa labo shaqsi oo hadashay, Dowladda Kenya Wasiirkeeda ayaa hadlay, markii uu warkaasi yirina Safaaraddeena ayaa ku qabsatay oo tiri sidee ayaad warkaasi ku tiri, Dowladda Kenya, weyna inkireen oo waxay yirahdeen anagu warkeena ma ahan, wasiirkii yirina guddi ayaa loo saaray oo dowladda ayaa heysata, in shaqada laga saaro iyo in cudur daar uu ka dhiibo ayaa looga fadhiyaa oo guddi baa daba socda, waxaana filayaa in Madaxweynaha raali gelin loo soo diri doono, dadka u hadlay Mareykankana waxaa ay ka hadleen sharciga, inagana waxaan u dirnay sharciga waan u fasirnay, mar dhowna wax baa ka soo bixi doona.

 

Su'aal: Maxaad Kalsooni ah oo aad heysataa hadii lagu horgeeyo Baarlamaanka DFKMG ah?

 

Jawaab: Shakiba kama qabo in aan waayayo codka kalsoonida.

 

Su'aal: Baarlamaanku wuxuu ansixiyay heshiiskii Jabuuti sidee u aragtaa?

 

Jawaab: Baarlamaanku wuxuu ansixiyay ma lahan, Guddoomiyaha iyo koox yar ayaa waxaas ka hadlay, Baarlamaana lama hor geyn.

 

Su'aal: Labo Xukuumad dadka ma wada anfacayaan, labo ra'iisul Wasaare ma wada shaqeyn karan, waxayna u muuqataa in Madaxweyne kale iyo Guddoomiye Barlaman oo kale ay sameysmaan marka la fiiriyo sida aad wax u wadaan, maxaa xal ah ayaad is leedahay Gacma Dheerow?

 

Jawaab: Mar dhow ayaa la gaarayaa xal sida aan is leeyahay, in hada aan arimahena dhameysano inta adduunka na soo gaarin aan xaqiiqada isku raacno, waa la heshiinayaa hal xukuumad ayaana soo hareysa, hadii aan heshiin weyno adduunka ayaa inoo imaanaya isagaa awalba na soo dhisay, Baarlamaanka ayey imaanayaan meesha uu raaco ayeyna xukuumadu ahaaneysaa.

 

Su'aal: Baarlamaanka fadhigiisa dambe ma idiin qorsheysan tahay maadaama uu jiro jahawareer, in hortegidaada ay joogaan goob joogayal caalami ah.

 

Jawaab: Waxaan rajeynayaa in ay joogi doonaan guddi farsamo oo Baarlamaanka ah hadii aan heshiis dhicina waa khasab in guddi caalami ah uu kala saari doono.

 

Su'aal: Ugu danbeyntii maxaa fareysaa Shacabka Somaliyed oo aad uga shegeysaa xaqiiqda waxyaabaha ka socda Baydhabo ka shakhsi ahaan?

 

Jawaab: Umada Somaliyed waxaan farayaa Baydhabo waxaa ka socda saan saan siyaasaded, is-garaacis iyo is-dil xabad midna kama socdaan, saan saanta Baydhabo ka socotana adduunka oo dhan ayaa ka jira, waa khilaaf Dastuuri ah, meel walbana wuu ka jiraa ama dowlad ha la isku heysto ama sharci, ugu danbeyna waa laga heshiinayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawaab:
Umada Somaliyed waxaan farayaa Baydhabo waxaa ka socda saan saan siyaasaded, is-garaacis iyo is-dil xabad midna kama socdaan, saan saanta Baydhabo ka socotana adduunka oo dhan ayaa ka jira, waa khilaaf Dastuuri ah, meel walbana wuu ka jiraa ama dowlad ha la isku heysto ama sharci, ugu danbeyna waa laga heshiinayaa.

A sesoned politician.. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

An earlier comment by the new PM..

"Waxaa soo dhisayaa dowlada tayo sare leh oo aan ka beyreeyn dhabaha Wanaagsan taasi oo aan kala tashanayo Xildhibaanada maanta Ii doortay Ra'isul wasaaraha"ayuu si degan u yirin Gacma Dheere Ra'isul Wasaaraha Cusub

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Gacma Dheere in uu Hadal badan xiligan dhihi Karin maadama sida uu sheegay uu cusub yahay isla markana uu kulamada danbe hadalo uu ugu tala galay warbaahinta iyo xildhibaanada doortay u jeedin doono.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this