Sign in to follow this  
Saalax

Dalladda Caruurta Ee Gobolka Sanaag ayaa Dood U qabatay Xubno Laamaha bulshada Metela

Recommended Posts

Saalax   

Dalladda Caruurta Ee Gobolka Sanaag ayaa Dood U qabatay Xubno Laamaha bulshada Metelaaya

 

 

Ceerigaabo (ceerigaabo.com) Dalladda Caruurta ee gobolka Sanaag Maanta u Qabatay Dood Xubno Ka kala Socda Laamaha Bulshadda Ku dhaqan Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag' Qaybahan Dalladu Marti qaaday waxay ka Socdeen Ururadd Bulshada' Culimaa Udiinka' Booliska' Wasaaradda Arimaha Qoyska' Cuqaasha iyo Wax garadka Magaaladda Ceerigaabo.

 

Gudoomiyaha Dalladda Ilaalinta Xaquuqda Caruurta ee magaceeda afka qalaad lagu yidhaahdo ( Sanaag Child Protection Network) Mudane Cismaan Cumar Farax ayaa ka soo qayb galayaashii si qota dheer uga dhaadhiciyey Ujeedda Munaasidan Loo qabtay' Waxaana Hadda Ladiisii ka Mid ahaa '' Waxaanu Maanta Idinku Marti qaadnay Inaad nagala Qayb Qaadataan dareenka Ku xeeran Caruurta Yacan ee darbi Jiifka ah' Kuwa shaqooyinka aanay awoodi karayn loo diro ee lagu shaqeeyo' Caruurta Dhibaatooyinka geeysta oo Jeel gaara aan lahay lagu xidho meel dadka' Halkaas oo ay dhaqano Xun xun oo hor leh ka soo qaataan.

 

2ssunvqht02l33n50y6z.jpg

 

 

Hadda u jeedada Aanu Doodan u qabanay ayaa ah sidii loo agoon lahaa Maxaa Sababa In Caruurtu Falal Lagu Xidho galaan ? Caruurta Iyana Waaladkooda ka Soo Carara iyo Waaladka aan lahayn ba Sidii Bulshadda Loogu Bandhigii lahaa dareen lagu maarayn karaayo oo Isbedel lagu keeni lahaa? Waxa doodan aan ku eegaynaa Diinteena Islaamku Xuquuqda aya Caruurta Siisay.

 

Doodan lagu Beer kutaala Seeraha Magaaladda Ceerigaabo ayaa dadkii Doodan Ka soo Qayb Si fiican U qaybteen' Balaan eegno Hadaladii Sh. Siciid Cali Xasan OO ka mida Culimaa Diinka Magaaladda Ceerigaabo sida wayn wax looga dhegaysto'' Diinteena Islaamku waa Diin Dhamaystiran Waxay Caruurta Siisay Xaquuq Buuxda' Taas oo lagu Hanaayo Tarbiyadaynta Caruurta Si ay u noqdaan kuwa Mustaqbalka Diinta' Dadka Iyo Kaba Anfaca' Waxa Illaahay inoogu sheegay Quraankiisa In Qofka yar' lanuujiyo Muda gaadhay laba Sanadood' Marka uu waqtigaasi dhamaado' gacan ku hayntii Ilmaha yari Waajib' Ilaa Ilmahaasi gaadhaayo 15 Sanadood' Inta Marxaladaas ka horaysa Ilmuhu Xaquuq u lee yahay in loo dhamayo dhamaan Baahiyaadka Daruuriga ah ee u baahan yahay iyadoo lagu Tarbiyadaynaa Tarbiyada Islaamka ' Laguna Beeraayo Naxariis iyo debecsanaan.

 

 

eq1nr08ru8wrxa0ndu09.jpg

 

 

Sanadkii 2003 ayaa Barlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland Sharci lagu dhaqaayo Xaquuqda Caruurta' ( Juvinal Justic Low) Balse sharcigani wali kama Hirgalin Dalka' Waxa kale oo Haayadda Qaramadda Midoobay iyo kuwa Caalamiguba' ku Wacyi-galiyeen Bulshadda Sharciga Xaquuqda Caruurta lagu Ilaalinayo Sida Sharciga Qaramada Midoobay ee ( UN Child Right Convention ) iyo Sharciga Caruurta Africa ( AU Child Right Convention).

 

Balse dhamaantood Waxay ahaayeen Mashaariic Laga Bilaabay dalka' Kuwaas oo bar dhamaad lahaa oo Wax badan ka bedelin Baahidii Qabeen Caruurta kunool Somaliland.

 

 

Cumar Siciid Nuur

ceerigaabo.com

Ceerigaabo-Office-Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this